Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Cadde's speech regarding the blessed holiday of Eid ul Adha

Recommended Posts

president_office.jpg

 

Khudbadda Madaxweynaha Puntland Ee Munaasabadda Ciidul-Adxa!

 

1.jpg

 

 

Dec 30, 2006 By:Faa;isa Cabd Dhalac

 

Gaalkacayo(jidbaale.com):-Waxaan hambalyo iyo boogaadin u soo jeedinayaa Dhammaan Shacabka reer Puntland guud ahaana Somaliya iyo Dadka islaamka ah ee maanta Ciidaya. Waxaan leeyahay Ciid wanaagsan. waxaan reer puntland u rajeymayaa in ay ciida ciideeda kale barqaawo iyo bash-bash ku gaaraan.

 

 

Punland waxay soo martay marxalad adag. Dad reer Puntland ah ayaana ka shaqaynayey Bur-burka Puntland, illaahay ayaa naga badbaadiyey shirqookoodii (sir ma qabe allaa u sahan ah).

 

 

Dagaaladii dhawaan ka dhacay Puntland waxaa difaacay Ciidamada, Shicib- weynaha, waxaana si gaar aha ugu sii mahadnaqayaa dadaweynihii iskood isu xilqaamay ee Hubkoodii iyo sahaydoodii qaatay Ciidamadana taakuleeyey siiba Gabdhaha, ganacsatada iyo Odayaasha furinta u tegay Difaaaca Puntland.

 

 

 

Waa caaddo dhaqan oo lugu yaqaan shacabka Puntland in ay ilaawaan wixii dhexdooda ah markii Ciidooda iyo Masiirkooda lagu soo xadgudbo.

 

Waxaa jirey Ciidamo loo ururiyey in ay gudaha xabad ka bilaabaan Marka dagaalka furintu hore ka qarxo laakiin dantooda gartay kana qayb qaatay difaaca taasi waxay ina tusaysaa wadaniyada qofka ku abuuran.

 

 

 

Mahad alle shirqoolkii nalooku tallo galay waa kabadbaadnay, waxan guud ahaan u soo jeedinyaa in ilaalahy u naxariisto dadkii ku dhintay kuwa ku dhaawacmayna caafiyo, da’yarta la khaldayna qalbigooda alla Safeeyo.

 

Waxaan Munaasabadda Ciidda Arrafo ku cafiyey Dhalinyarada la khalday ee Dagaalka ku soo qaaday dhulkooda kuwa weli ku dhuumanaya miyiga iyo Guryaha, waxan leenahay ka faa’iideysta fursadan,anagoo illaahay uga rajeynayna inuu dantooda fahamsiiyo. Iyadoo Maalintii ugu horaysay aannu wafajinay xeerka Caalamiga ah ee Maxaabista Dagaalka (Geneva Convention).

 

Dadweynaha reer Puntland waxaan ku boogaadinayaa inay nabada ay haystaan hantaan wixii wax u dhimayana meel uga soo wada jeestaan. Horumrkana ka shaqeeyaan.

 

 

 

waxaan ugu baaqaya Jaahliyadaha Reer Puntland in ay Maalgashi ku soo samaystaan dadkooda iyaga iyo Ajenebega ay dhulkooda joogaan waayo Geyega Putnland waa nabadgelyo khayraad ka buuxo.

 

Soomaliya Maanta ayay ugu rajo weyntahay in ay hirgasho Dawladii Federaalka ahayd oo soo noqoto Qaranimadii Soomaliyeed, Ummada Somailyeed Muddo dheer ayay ku jireen Punrbur dawlad la’aan iyo Dagaallo sokeeye waxaana u rajeynayaa inay ka faa’iidaystaan fursadan hortooda timid.

 

Ciid wanaagsan

 

Cadde Muuse madaxweynaha puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this