Sign in to follow this  
Gabbal

Hogaamiyeyaasha Dhaqanka J/Hoose oOo U Ambabaxay Joojinta Colaada Galbeedka Kismaayo

Recommended Posts

Gabbal   

Hogaamiyeyaasha Dhaqanka J/Hoose oOo U Ambabaxay Joojinta Colaada Galbeedka Kismaayo

Jun 05,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

In ka badan 25 xubnood oo isugu jira waxgarad iyo culumaaudiin ka soo jeeda Beelaha dega gobolka j/hoose ayaa Maanta u ambabaxay Tuulada beerxaani ee galbeedka kismaayo halkaas oo maalintii 3aad ay ku dagaalamayaan Reer guraa ka tirsan Beelaha Gaaljecel iyo ****.

 

Odayaashaan oo uu hogaaminayo Ugaaska Beesha cawarmale Ugaas xuseen Hafow ayaa waxaa sidoo kale xubno ka ah suldaamada Beelaha **** iyo Gaaljecel ee Maleeshiyooyinka ku abtirsada Beelahooda ay ku dagaalamayaan Dhulka miyiga ah ee Beerxaani. Ugaas Xuseen Hafow ayaa sheegay in ay ku rajo wayn yahay joojinta dagaalka soconaya oo sababay in boqolaal qoys ah oo reer guuraa ah ay ku barakaceen markii kooxaha dagaalamaya ay colaada sii baahiyeen.

 

Ugaas hafow waxaa uu xaqiijiyay in labada beelood ay talada u dhiibeen odayaasha beelaha kale sidaas awgeedna ay wadaxaajood ku dhamayn doonaan xiisadaha Beerxaani oo salka ku haya aano qabiil. Wararka maanta laga helayo beerxaani waxaa ay sheegayaan in Saaka uu dagaal halkaas ka qarxay waxaana adag in la ogaado qasaaraha maanta in ta uu la egyahay, waxaase cabsi laga muujinayaa xaalada dhaawacyada maadama gobo caafimaad aysan ku ool deegaankaas.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this