General Duke Posted January 8, 2007 Maamulka Degmada Afgooye oo mamnuucay in hub deegaankaasi lagu dhex wato. Afgooye, Isniin 08 Jan 07 Simba Radio Maamulka ay dhawaan DF u magacowday Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa amray in wax hub ah aysan cidna ku dhex wadan Karin gudaha degmadaasi marka laga reebo ciidamada amniga deegaankaasi sugayana Maamulka cusub ee degmada Afgooye ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaadanayaan ay tahay wax ka qabashada xaaladaha ammaan daro ee ka soo cusboonaaday degmada Afgooye iyo nawaa igeeda kaddib markii shalay si rasmi ah uu maamul kii hore xilka ugu wareejiyey. Afhayeenka maamulka cusub ee dowladdu u soo magacowdey degmada Afgooye C/llaahi Agoow ayaa sheegay inay ku tala jiraan wax ka qabshada amaandarada sii baahaysa ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaanada ku heeran . Waxaa sidoo kale uu tilaamey in ciidamada nabadgalyada sugaya ay ahaanayaan kuwa isku dhaf ah oo beel gaar ah aan laga soo aruurin isagoo caddeeyey xataa inay ka qeyb qaadanayaan arimahaasi ciidamada Maamulkii hore ee xilka kala wareegeen. Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan. Simba Media Center, Muqdisho Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 9, 2007 Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites