Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UN Accepts Somaliland's Independence Day

Recommended Posts

Nayrobi(Geeska)- Xafiiska Hay’adaha Qaramada Midoobay ee magaalada Nayrobi, ayaa si rasmi ah sannadkan maalmaha fasaxa ee shaqaalahooda ugu daray maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

 

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan gudaha wadanka Somaliland ayaan fasax rasmi ah geli jirin maalinta 18 May oo guud ahaan wadanka Somaliland uu ku jiro fasax loona aqoonsanyahay maalin Qaranimo, waxaanay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland fasax rasmi ah geli jireen maalinta 1-da Luulyo oo ah maalintii ay is raaceen labadii gobol ee Somaliland iyo Somaliya sannadkii 1960-kii, taas oo ah maalin aan Somaliland laga aqoonsanayn....

 

Hase yeeshe sida ku cad jadwal lagu cadeeyay maalmaha fasaxyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland iyo Somaliya oo uu nuqul ka mid ah helay Wargeyska Geeska Afrika, xafiiska Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee magaalada Nayrobi, waxa uu sannadkan go’aamiyay in shaqaalaha Somaliland ku sugan ee Qaramada Midoobay u shaqeeyaa fasax yihiin maalinta 18 May oo ah maalinta madaxbanaanida Somaliland, “Fadlan, waxaad shaxdan hoos ku lifaaqan ka heshaan soo jeedinta maalmaha fasaxa ee ay ku dhaqmayaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliya. Fadlan waxaad ogaataan in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay xaq u leeyihiin oo keliya 10 cisho oo fasax rasmi ah sannadkii.” Sidaas waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska ku simaha xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay Mr. Christian Balslev Olesen, kaas oo loo qaybiyay xafiisyada Qaramada Midoobay ee guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Somaliya, waxaana ku cad in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland fasax yihiin maalinta madaxbanaanida Somaliland ee 18 May, balse ay shaqayn doonaan maalinta 1-da Luulyo oo ay fasax yihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliya.

 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this