Sign in to follow this  
General Duke

Marka: Lower Shabbele admin reach HQ

Recommended Posts

Marka: Maamulka cusub ee Sh/Hoose oo xalay saqdii dhexe gaaray degmada Marka

9. July 2007

 

 

Marka(AllPuntland)- Guddoomiyaha cusub ee maamulka Sh/Shoose Egn. C/qaadir Sh.Maxamed Nuur oo ay galbinayaan ciidamo xoogan ayaa xalay kowdii habeenimo la wareegay xarunta maamulka gobolka ee Marka.

 

Guddoomiyaha oo ay la socdaan Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Asluubta ayaa tegitaankooda ay ka danbeysay kadib markii halkaasi in mudo ah ka jiray muran la xiriira isqabqabsi dhinaca maamulka cusub ah.

 

Guddoomiyaha ay la socdaan mas’uuliyiinta loo magacaabay degmooyinka gobolka ayaa ugu horeyntii halkaasi ku sii maray degmada Afgooye, Qoryooley iyo Shalaambood iyadoo la filayo maalmaha soo socdana in mas’uuliyiint cusub ay la wareegaan degmooyinka *********, Buulo Mareer iyo Baraawe.

 

Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa in degmada Marka ay ka dhacdo munaasabad weyn oo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub iyo wafdiga la socda isla markaana ay si buuxda ugala wareegaan maamulka sii hayayaashii hoggaankii Yuusuf Indha Cadde ee halkaasi ka arimin jiray, iyadoo sidoo kale uu maanta meel fagaare ah kala hadli doono dadweynaha gobolka.

 

Guddoomiyaha cusub iyo wafdiga la socday oo horay isugu dayey iney deegaankaasi gaaraan ayaa halkaasi kala kulmay dagaalo ay ka danbeeyeen maamulkii hore ee Yuusuf Indha Cadde oo saluugsanaa qaabka ay dowladdu u soo magacowday Eng. C/qaadir Sh. Maxamed Nuur.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Shabeelaha hoose oo iminka la hadlaya dadka reer Marka

 

July 9, 2007 Markacadeey

 

C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur, gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ayaa iminka dadweynaha magaalada Marka kula hadlaya xarunta gobolka ee Marka, kadib markii isaga iyo wafdi la socda ay xalay halkaasi gaareen.

 

Gudoomiyaha ayaa shacabka gobolka Shabeelaha hoose ugu baaqey in ay taageeraan dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in cidii ka hor timaada dowlada ay talaabo ka qaadi doonaan.

 

Gudoomiyaha oo ay galbinayaan ciidamo xoogan ayaa xalay kowdii habeenimo la wareegay xarunta maamulka gobolka ee Marka.

 

Guddoomiyaha oo ay la socdaan Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Asluubta ayaa tegitaankooda ay ka danbeysay kadib markii halkaasi in mudo ah ka jiray muran la xiriira isqabqabsi dhinaca maamulka cusub ah.

 

Guddoomiyaha cusub iyo wafdiga la socday oo horay isugu dayey iney deegaankaasi gaaraan ayaa halkaasi kala kulmay dagaalo ay ka danbeeyeen maamulkii hore ee Yuusuf Indha Cadde oo saluugsanaa qaabka ay dowladdu u soo magacowday Eng. C/qaadir Sh. Maxamed Nuur.

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo Caga Dhigtey Xarunta Gobolka ee Marka:

 

07/09/07

Aadan Cusmaan - DMC-Marka

Marka [DMC] 9 July 2007.

 

Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo Ciidamada Militeriga ee Dowlladda Kumeelgaarka ee uu horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Dr: C/qaaddir Sheekh Maxmednuur ayaa gaarey xarunta Gobolka ee Marka xaley marka ay saacaddu ahayd 11:40 daqiiqo ee habeenimo.

 

Guddoomiyaha ayaa waxaa la socdey dhammaan maamulka Gobolka iyo kan Degmooyinka iyo Guutada Ammaanka u qaabilsan Gobolkaas, kuwaas oo sida ay noo xaqqiijiyeen qaar ka tirsan maamulku loo kala qeybin doono Degmooyinka Gobolka.

 

Sida aan ka soo xiganney mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowlladda oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Ibraahim Eenney xarunta Ciidanka ayaa waxay noqoneysaa Shalanbood halkaas oo uu fariisan doono talliska guud ee ciidamada. Sarkaalka ayaa noo xaqiijiyey in isla saaka ciidamada degmo kasta ay u dhaqaaqi doonaan.

 

Eenneey oo warka sii watta ayaa noo sheegey in Ciidamadu u kala dhaqaaqayaan Degmooyinka Qoryooleey, Baraawe, K/waareeey, Sablaale iyo Janaale kuwaas oo ay la socdaan maamullada Degmooyinkaas. Sarkaalka ayaa waxaan weydiinney inay wax iska hor imaad ah la kulmeen intii ay ku jireen safarka iyo saaka oo uu waagu u baryey ayaa sheegey in aysan haba yaraatee la kulmin wax iska hor imaad ah.

 

Guddoomiyaha Gobolka ayaa manta wuxuu shir jaraa’id ku qaban doonaa xaruntiisa assagoo ka hadli doona safarkooda iyo sida ay u qaban doonaan howlmaalmeedkooda. Sidoo kale wuxuu baaq u jeedin doonaa bulshada Gobolka ku dhaqan, taas oo ku saabsan dhinaca nabadgelyada, hub ka dhigista iyo la shaqeynta maamulka.

 

Warkan oo faahfaahsan waxaan idiin soo bandhigeynaa marka uu dhaco shirka jaraa’id ee lagu qaban doono xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ee Marka, waxaana wareysi la yeelanney bulshooyinka Gobolka oo aan weyddiinney sida ay u arkaan maamulka Gobolka ee soo gaarey halkaas, taagerada ay u hayaan iyo Ciidamada Gobolka yimid.

 

Jawaabaha ay ka bixiyeen waxa ka mid ah inay si weyn u taageersan yihiin maamulkaas taasna waxay ku muujiyeen banaanbax soo dhoweyn ah ayaa manta waxay ka dhigeen gudaha magaalada Marka halkaas oo uu ugu mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Dr.C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Marka

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo Maanta u Guurey Gobolka:

 

Muqdisho DMC 8 julaay 2007.

 

War rasmi ah oo aan ka soo xiganey Guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose,Dr.C/qaaddir Sheekh Maxamed Nuur, ayaa xaqiijinaya,in maanta uu maamulkiisu si rasmi ah ugu guurey Xaruntiisa.

 

Guddoomiyaha ayaa noo sheegey inay la socdaan Guuto Ciidamda Dowladda FKMG Soomaaliya,kuwaas oo si rasmi ah u sugi doona amaanka Gobolka shabeellada Hoose,islamarkaasna,hub ka dhigis ku sameyn doona dhamaan shacabka Gobolka,si ay u suuragasho,socodsiinta maamullada Gobolka iyo kan degmooyinka.

 

Mr Siiddi ayaa intaas ku darey in Ciidmadan ay isu kala qeybin doonaan dhamaan degmooyinka Gobolka shabeellada Hoose iyo jidadka dhaadheer ee isku xira Muqdisho iyo Kismaayo,kaas oo dhaxmaraya Gobolka gees illaa ka gees.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegey in Ciidmada ay la socdaan maxkamad Militeri oo haddii ciidanku wax gefaf ah isu geysto ama shacabka u geysto Tallaabo ka qaadi doonta,sidoo kale waxaa toos u shaqeyn doona maxkmadaha Gobolka iyo kan degmooyinka oo si toos ah u fulin doona xukunnada ugu horreeya.

 

Guddoomiyaha oo aan weydiinney inuu welwel ka qabo in iska-hor imaad laga hor keeno sidii dhacdey horraanta Bisha Juun markii uu maamulkiisu tagey qeybo ka mid ah gobolka ayaa sheegey inuusan haba yaraatee uu cabsi ka qabin in wax gacan ka hadal ka hor imaan doonaan,marka laga reebo midka burcadda oo caadi ka noqotey Soomaliya oo dhan.

 

Mar aan weydiinney wuxuusan taas uga baqeynin ayuu ku sheegey in raggii hore ee maamulkiisa diiddanaa intooda badan ee u sarreysa lagu soo darey maamulkan Ciidanka Gobolka joogana waa kuwo iyaga ka amar qaata,sidaas ayaa Iska hor imaad kale looga baqaynin.

 

Dhinaca kale waxaa taliye ku xigeenka Booliska loo magacaabey Nuuriye Cali Faarax oo markii hore ahaan jirey abaanduulaha maamulka Indhacadde,kaasoo horey looga reebey maamulkan markii la dhisaayey,waxana wareegto ku soo magacaabey wasiirka wasaarradda Arrimaha Gudaha,sidoo kale toddobaadkii hore ayaa waxaa Xisaabiyaha Gobolka loo magacaabey nin ay isku beel yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Si kastaba ha ahatee Maamulka gobolka Cagaaran ee koonfurta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu guurey fariisinkiisa,tan iyo markii la magacaabey maamulkaas ayaa waxay sugayeen Ciidamo dheeraad ah oo ka hawlgala gobolka,taas oo laga sugaayey xukuumadda kumeelgaarka Soomaaliya,taasina waxay u suuragashey maanta,waxayna Laanta-buuro ka dhaqaaqeen isla saacaddan aan maqaalkan diyaarinayey,taas oo uu noo caddeeyey Guddooomiyaha Gobolku, waxaa gaadiidka Ciidamadaas iyo maamulkaas tiradooda gaareysaa ilaa 120 Baabuur.waxan idiin ballanqaadeynaa marka ay Gobolka gaaraan inaan war kale idin ka soo siinno,insha allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this