Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

War deg deg ah: C/laahi Yuusuf Cade Muuse oo ka dhoofay Garoowe

Recommended Posts

War deg deg ah: C/laahi Yuusuf & Cade Muuse oo ka dhoofay Garoowe

 

 

Madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa daqiiqado ka hor waxay si wadajir ah uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

 

Warar SBC International ay ka heshay dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in wafdigan ay ku sii jeedaan wadanka Jabuuti, iyadoo la sheegay in ay ku tagayaan casuumad ay ka heleen madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Safarka C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse ee wadanka Jabuuti ayaa ku soo aadayaa iyadoo maamul Goboleedka Puntland uu si buuxda u qaadacay natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee dhexmarey egooyin ka socda dawlada KMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u sii gudbi doono wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi halkaasi oo lagu wado in uu uga qayb galo shir balaaran oo caalami ah oo looga hadlayo dhibaatada burcad badeeda.

 

Suleeqa Maxamuud Qabowsade

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this