Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Kidnappers Transferred to Hargeisa

Recommended Posts

sanag_kidnappers.jpg

 

 

Hargeysa (Jam)- Maxaabiistii afduubay madaxa hay’adda GAA Mr. Daniel Bronkal, ayaa shalay laga soo qaaday magaalada Ceerigaabo, isla markaana loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Hargeysa, si baadhitaan buuxa oo rasmi ah ugu sameeyaan hay’adaha baadhistu kooxda afduubayaasha ah oo tiradoodu dhan yihiin shan qof falkii ay ku fuliyeen madaxa hay’adda GAA ee Gobolka Sanaag.

 

Ma jiraan warar xaqiijinaya soo qaadista maxaabiista oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland. Haseyeeshee, siday Jamhuuriya u caddeeyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegaya in kooxda maxaabiista ah oo xalay fiidkii soo gaadhay magaalada Hargeysa la geeyey xarrunta CID-da, halkaas oo sida la filayo baadhitaannada ka bilaabi doonaan, gaar ahaanna falka afduubka ah ee ay kula kaceen ninka Jarmalka ah.

 

Kooxda maxaabiista ah oo tiradoodu dhan tahay shan nin, ayaa kadib hawlgal samato-bixin ah oo ciidammada Somaliland ku soo furanayeen sarkaalka ay afduubka u haysteen, ayaa waxa lagu soo qab-qabtay dhammaan xubnihii falka afduubka ah geystay, iyaga oo aan wax dhibaato ah u geysan la haystihii ajenabiga ahaa.

 

Sidoo kale warar aannu shalay gelinkii dambe ka helnay magaalada Burco ayaa la sheegay in maxaabiista oo ay wadeen ciidanku boolisku u sii dhaafeen dhinaca Hargeysa.

 

Kooxdan maxaabiista ah 12-kii February 2008, ayaa waxa ay tuulada Ruqay oo ku taal duleedka woqooyi ee magaalada Ceerigaabo ka afduubeen madaxa hay’ad samafal Jarmal ah oo la yidhaahd German Agro Action (GAA) Mr. Daniel Bronkal, waqtigaas oo uu ku gudo jiray socdaal shaqo la xidhiidha hawlaha hay’addiisu ka wado Gobolka Sanaag, kaas oo markii dambe ay ka soo furteen ciidammada Somaliland, isla markaana kooxda afduubayaasha ah gacanta ku dhigeen.

 

Mr. Daniel Bronkal oo markii afduubka laga sii daayey loo duuliyey dhinaca caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in kooxda afduubtay aanay u ekayn dadka ka soo jeeda Somaliland, sidaa darteedna uu aad uga mahadnaqayo xukuumadda sidii wanaagsanayd ee ay uga soo badbaadiyeen budhcaddii qafaashay.

 

Sidoo kale Wasiirka Daakhiliga Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa saxaafadda u sheegay in tallaabada ku habboon laga qaado dooni kooxdaas, isla markaana ay dhiirrigelin siin doonaan dadkii gacanta ka geystay qabqabashada kooxda afduubka geystay.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this