Sign in to follow this  
Meiji

Pseudo-religious warlords vs Pseudo-clannist warlords

Recommended Posts

Meiji   

Maxamed Qanyare, Muuse Suudi iyo Cusmaan Caato oo kulan aan caadi aheyn u qabtay Xildhibaanada Beesha ******.

 

Kulan ay manta Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha ****** ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid ay fikradiisa lahaayeen Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow iyo Cusmaan Caato, kuwaasoo hormuud ahaa Xildhibaanada Beesha ******, iyadoona kulanka looga hadlayay arrimaha ka taagan Caasimada iyo dagaaladii ka dhacay.

 

Kulankan oo ka dhacay Hotelka Naasahablood-2 ayaa ahaa mid aad xasaasi u ah, waxaana ay ka soo saareen war murtiyeed, iyadoona ka digay in lagu duulo deegaanada ay beesha ka soo jeedo.

 

Qodobo ka mid ah kuwii ay soo saareen Xildhibaanada Beesha ****** ayaa waxa ay marka hore ku cambaareeyn ajaanib dambiilayaal ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in dadkaasi ay u yimaadeen magaalada Muqdisho in lagu barakiciyo dadka shacabka ee 20-ka sano ku dhex jiray dagaalada sokeeye.

 

Caato, Qanyare iyo Suudi oo kulanka hormuud u ahaa

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ugu dambeyn kulankaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaalada manta ka dhacay Magaalada Jowhar oo uu ku sheegay in qalad ay aheyd.

 

Maxamed Qanyare ayaa intaa ku daray in Ajaaniib ka yimid dalalka Afganistaan iyo Pakistan ay mukulaal madow ka yihiin dad uu sheegay inay yihiin dulaaliin oo dalkan ku soo horkacay, isagoona sheegay inay dalkan ay dhibaato hor leh oo in Ciidamo shisheeye mar kale ay qabsadaan ay ku soo hogaaminayaan dadkaas.

 

"Ajaaniib laga keenay Pakistan iyo Afganistan oo dad Soomaali ay Mukulaal Madow ka yihiin ayaa dalkaan marka la rabaa in dhibaato hor leh loogu keeno"ayuu yiri Qanyare oo intaa ku daray hadii ay yihiin Xildhibaanada Beesha ****** ay iska difaaci doonaan waxa uu ugu yeeray cadaw soo duulay.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Now the pseudo-Islamist warlords have shown Somali people, in particular those of Mogadishu, that they are power-hungry and have zero consideration for the thousands of civilians that are massacred the old players in Mogadishu are becoming visible again.

 

Caato%20Qanyare%20iyo%20Muuse%20Suudi.JP

 

Let's see how the two warlord camps battle it out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Emperor,

 

That is if the pseudo-religious warlords win.

 

More reasons for the other factions to fight the religious pretenders to the death.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Hogaamiya kooxeedyadii shalay la nacay oo maanta loo hamuun qabo

 

banaanbaxmuqmarch.jpg

 

Hogaamiya kooxeedyadii shalay la nacay oo maanta loo hamuun qabo

Muuse Suudi,Qanyare ,Indhacade ,Cabdiqeybdiid ,Goobaale,Bare hiiraale iyo Morgan oo ay horey ay u naceen shacabka Soomaaliyeed ayaa xiligaan u muuqda kuwa loo hamuun qabo kadib markii la waayey nidaam wax ka badala toodii dagaal doonida aheed iyo qabqablanimadii iyo dagaal oognimadii lagu yaqaanay oo shacabka soomaaliyeed ku naceen taas ayaana keentay in dalka Soomaliya dhan uu dagaal ka holco.

waxaa xiligaan socda qorshe ah in dagaal galinta lagu wareejinaayo hogaamiyayaashii dagaalka ee Soomaaliya kuwaa oo sheegay in ay difaacayaan dowlada islaamiga Soomaliyeed waa siday hadalka u dhigeene.

Hogaamiyayaashaan ayaa leh khibrad dagaal oo u dhiganta mida ururka Alshabaab iyadoo ay u muuqato markan inay soo gabagaboowdey taageeradii ay ka heli jireen ummadda Soomaaliyeed kadib markii ay shaaca ka qaadeen in ujeedada dagaalkooda uusan aheen mid ku xiran joogitaanka iyo bixitaanka Itoobiya ama ciidan kale toona ee uu yahay dagaalkoodu mid waligiis soconaya isla markaana ay uga mid yihiin jihaadiyiinta caalamiga ee dagaalka kula jira wadamada reer galbeedka sida ay ka dhawaajiyeen madaxda alshabaab oo kala ah sheekh Xasan Yacquub, Sheekh Xuseen Cali Fiidow iyo Sheekh Fuaad Maxamed Khalaf.

 

Tiknika.jpg

 

Hadalada madaxda alshabaab iyo shaac ka qaadida ay shaaca ka qaadeen inaysan dhag u jalaq siineynin hadalada culumuda cilmiga diinta looga danbeeyo dalka Soomaaliya iyo dunida islaamka iyo waliba odayaal dhaqameedyada beelaha kala duwan ee Soomaalida ayaa keentay in shacabkii shalay alshabaab taageeraayey ee qarinaayay isla markaana caanaha iyo biyaha ka daba waday inay maantay qoriga kusoo jeediyaan oo ay la dagaalamaan kana door bidaan xataa qabqablayaashii dhibka badnaa maadaama qabqablayaasha ay dadka ku dili jireen magac qabiil maantayna ay yimaadeen kuwa dadka ku dilaya magac diineed oo dadkii soomaaliyeed gaaleysiinaaya isla markaana dhiigooda, xoolahooda iyo dumarkoodiiba xalaaleysanaya.

 

Kulamo aan kala go laheen ayaa xiligaan u socda kooxaasi aan kor ku soo sheegnay iyo hogaanka dalka iyadoona sidaa la sheegay lagu wareejin doono saanad milatari iyo ciidamo qaas ah oo ka kooban maleeyshiyadii hore u taageersanaa nidaamka hogaamiyaasha dagaalka.

 

Dhawaan ayaa la sugayaa wareegta ka soo baxeysa xafiiska madaxweynaha oo loogu kala magaacaabi doono gobolada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyadoona gobolka Shabeelada hoose loo magacaabi doono Sheikh Yuusuf Indhacade halka Shabeelada dhaxe loo magacaabi doono Maxamed Dheere

 

labadaasi shaqsi ayaa loo diyaarinooyaa ciidamo badan iyo saanad Milatari kuwaasoo saacadaha soo socda ku wajahan labadaasi deegaan oo xiligaan gacanta ugu jirta xoogaga ugu tunka weyn Islaamiyiinta ee Alshabaab

 

Waxaa kale oo jirta in aagaga dagaalka la kala qaatay oo sidaan loo dagaal galin doono xoogaga hogaamiyaasha dagaalka ee taageersan dowlada Isaamiga Soomaliyeed

 

Ciidamo daacad u ah Xildhibaan Qanyare oo taageersan Dowlada ayaa loo diyaariyey in ay weeraraan deeganada Dayniile,Gubta ,Bukaaraha iyo Wardhiigleey halka Cabdiqeybdiidna iyo Goobaale loo diyaariyey Tarbuunka Kaasabalbalaare ilaa Hurwaa

 

Muuse Suudi iyo nuurdaqle ayaa kuwajahan dhanka Isbartiibada weyn ilaa Miisaanka dhuxusha waxaase xusid mudan in ay dowlada islaamiga ku dhawaaqday in dagaalada Muqdisho ku soo afjari doonto muddo 10casho gudahood.

 

Hogaamiyayaal kooxeedyadan ayaa shaaca ka qaaday inaysan waxba ka qabin in shacabka soomaaliyeed ay isku xukumaan shareecada islaamka isla markaana uu baarlamaanka ansixiyey iyagana ay taageersan yihiin maadaama shacabku uu taageersana yahay ku dhaqanka shareecada islaamka isla markaana naftooda iyo maalkoodaba ay doonayaan maantay inay ilaahay dartiis u huraan si danbigoodii hore uu ugu badalo xasanaad maadaama in badan ay dagaal macno daro ka shaqeen jireen.

 

 

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed ay waqtigaan qaati ka joogaan dagaalada uu hor kacayo ururka alshabaab ayaa haddana la ogeen in hogaamiyayaashaan kooxaha ay ku guuleysan doonaan dagaalka ay abaabulayaan iyagoo waliba taageero ka helaya dhamaan madaxdii aasaasayaashii midowgii maxkamadaha islaamiga ee laga sameeyey gobolka banaadir dhamaadkii sagaashamaadkii iyo horaantii labada kun taasoo loogu talagalay inay ku kala badbaadaan shacabka gobolka banaadir oo nidaam daro iyo fowdo ay dhaxalsiisay in qofba qofka uu taag badan yahay uu dilo ama dhaco.

Midowgii maxkamaha islaamka ayaa nabad kuso dabaalay gobolka Banaadir snadakii 2006 asagoo taageero xoog leh ka helay alshabaab iyo xoogaga Xasan Turki laakiinse hadda waxaa muuqata in midowga maxkamadaha islaamka iyo ururka alshabaab ay iskaga soo horjeedaan dagaalo ba'an oo ku saabsan fahamka diinta islaamka iyadoo ururka alshabaab uu shaaca ka qaaday inuusan marnaba aqoonsaneen wax culumi ah oo ku hadla afka soomaaliga marka laga reebo wiilasha hubeysan ee qoriga wata kuwaasoo ay ku tilmaameen inay yihiin culimadda saxda ah ee ay rumeysan yihiin iyo niman kale oo carab ah oo aan laga aqoonin caalamka islaamka kuwaasoo go'aamiya isla markaana baneeya dilka iyo nolosha qofka ka soo horjeeda mabaadiida alshabaab.

 

Hadaba la arki doonee inay suurta gasho riyada ururka alshabaab ee ah inuu la wareego caasimada Soomaaliya isla markaana halkaas uga dhawaaqo dowlad ay isla leeyihiin dhamaan kooxaha islaamka ee adduunka ka jira isla markaana ay uga duulaan adduunka intiisa kale oo ay ka xoreeyaan gaalada uu ugu horeeyo mareykanka iyagoo horey u sheegay inay hadafkoodu ama yoolkoodu uu yahay Alaska iyo austareeliya iyo Yurub inay xoog ku qabsadaan mustaqbalka dhoow.

 

 

-------------------- -------------------- -------------------- -------------------- Hogaamiya kooxeedyadii shalay la nacay oo maanta loo hamuun qabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this