XOG-ogaal Posted April 7, 2007 Ku Xigeenka dhinaca Maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho, Xasan Qalaad oo lagu dhaawacay Muqdisho Ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Nuur “Qalaad”, ayaa maanta lagu dhaawacay albaabka hore ee Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku maan dhaafeen isaga iyo mid ka mid ah ilaalada Dekedda. Qalaad ayaa waxaa la dhigay oo uu iminka jiifaa Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayada oo Sarakiisha Caafimaadka ee Isbitalkaasina ay sheegeen in ay dhaawacyo ka gaareen lugta bidix, oo la sheegay inay labada kalba ka jabtay. Dhaawaca Qalaad ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ilaalada Qalaad iyo kuwa Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in Qalaad oo Dekedda kasii baxay uu mid ka mid ah ilaalada Dekedda uu xabad riday, kadibna uu soo laabtay Qalaad, islamarkaana isaga oo Askarigii la murmaya, islamarkaana qorayga kula dhegan, uu xabad soo riday mid ka mid ah ilaaladiisa, kadibna ay xabaddaasi haleeshay. Xilliyadii ugu dambeeyay waxaa jiray weeraro lala beegsanayo Saraakiisha iyo Mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Somalia . Ku xigeenka dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda ee Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa horey waxaa loogu dhaawacay weerar ka dhacay Muqdisho, kaasi oo sidoo kale lagu dilay qaar ka mid ahaa xogheenadiisa Quote Share this post Link to post Share on other sites