Sign in to follow this  
General Duke

Yalaxow comander recognises Governor/Mayor Cade +BALCAD

Recommended Posts

TALIYIHII CIIDAMAAD MUUSE SUUDI EE KAARAAN OO AQOONSADAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR

DR.MAXAMUUD XASSAN CALI

Somaliweyn ( Mogadishu ,Sep.20 .2005 )

 

Taliyihii Cidamada Muuse suudi ee Deegaanka Kaaraan iyo Siisii,Qaasim Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta uu u aqoonsan yahay Dr-Maxamuud Xasan Cali in uu yahay Gudoomiyaha rasmiga ee Gobolka banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho.

 

Siyaasigan oo ka mid ah Saraakiisha gacanta ku heyso degaanka Siisii iyo Kaaraan ayaan la garaneyn sababta keentay waqti xaadirka in uu ku dhawaaqo in uu taageeran san yahay Maamulka Cade.

 

"AQOONSIGA AAN U AQOON SANAHAY MUDANE CADE IN UU YAHAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR WAA MID SHARCI AH ,MANA GARANAYO SHARCIGA AY KU DOODAYAAN SHAAWEEY IYO FIRIMBI"ayuu yiri Qaasim oo shir jaraaid ku qabtay maanta Xafiiskiisa ku yaal Deegaanka Siisii.

 

Siyaasigan ayaa digniin u soo jeediyay,Shaaweey iyo Firmbi oo ku doodaya in ay iyagu yihiin Gudoomiyaha iyo Duqa magaalada Muqdisho ee sharciga ah.

"Xilalkoodu waxa ay ku ekaayeen markii uu C/qaasim xilkii iska wareejiyay ,waxaana ooga digayaa laban Mas,uul in ay ka tanaasulaan xilalka ay sheegayaan"ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay.

 

Hadalka ka soo yeeray Qaasim Maxamed Nuur oo ka mid ah gacan-yarayaasha Wasiirka Ganacsiga Muusi Suudi ayaa dhabar jab ku noqneysa dadaalka uu Muuse Suudi iyo saaxiibadiis ay ku doonayaan in ay maamul oogu sameeyaan Gobolka Benaadir.

Dhinaca kale Siyaasigan waxa uu digniin u soo jeediyay Gawaarida dagaalka oo ka baxaya Muqdisho kuna Socda deegaanka Balcad inay soo maraan Deegaanka uu gacanta ku hayo.

 

 

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

email:godegode_6@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Muuse Suudi Yalaxow oo qiray inaanu jirin kulan ay ku qabanayaan degmada Balcad

 

 

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey in wasiirka ganacsiga dowladda Federalka ah kana mid ah hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho Muuse suudi Yalaxow la hadal hayey inuu shir ku qabanayo magaalada Balcad ee gobolka Shi/dhexe ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo arrintaasi la xiriira, isla markaasna ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahayn.

 

 

Ninka gacan yaraha u ah sida aadka ahna ugu dhow laguna magacaabo Xuseen Max’ud Max’ed Yare (Xuseen Guulane) oo aanu kula kulmay Hotel Saxafi xilli Muuse Suudi uu ku sugnaa halkaasi, kuna jiray shirkii labada gole ayuu ii xaqiijiyey Xuseen Guulane inaanu jirin wax gobol ah oo afkooda ka soo baxay oo ay shaaciyeen oo ay dhigayaan Degmada Balcad marka laga reebo wararka ay baahinayeen maalmihii ugu dambeeyey qalabka warbaahinta Muqdisho.

 

 

Xuseen Guulane waxa uu yiri “Degmada Balcad annaga ayaa gacanta ku hayna, cid aan kala tashasnaynana ma jirto inaan gobol dhigno iyo in kale, wuxuuna tusaale u soo qaatay hadal uu horay u yiri Alla ha u naxariistee wasiirkii dhintay ee la jiray C/majiid ee ahaa safiirkii u fadhiyey Q/midoobay dalka Itoobiya oo C/qaasim ku eedeeyey xilligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka inay Itoobiya faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, balse markii la weydiiyey C/majiid uu ku jawaabay “C/qaasim ha soo gaaro marka hore heerka ay Itoobiya joogtoâ€, waxaan leenahay marka hore ha soo gaaraan dadka sheegaya inaan gogol dhigeyno Balcad.

 

 

 

Xuseen Guulane wuxuu yiri “Marna afkeena lagama maqal Balcad ayaan gogol dhigeynaa iyo dhigi mayno, waxaa Muqdisho marti noo ah Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo xildhibaan Barre Hiiraale , haddey noqoto inaan ku sharafno inaan Balcad gogol u dhignana cidna nagama hor istaagi karto ha yeeshee wararka maalmahan leysla dhex marayo annagu waxba kala socono, adigoo Xamar jooga afkeena ma ka maqashay? Ayuu i weydiiyey.

 

 

 

Xuseen Guulane oo isagu nin si aad ah u taabacsan Muuse Suudi Yalaxow, gacan yarana u ah si aad ahna ay isugu dhow yihiin ayaa sidoo kale ii sheegay in ay meel walba oo dalkaka mid ah gogol dhigi karaan haddey noqoto Balcad, Haddey noqoto Kaaraan, Haddey noqoto Afgooye, haddey noqoto Deyniile, iyo isagoo sidoo kale sheegay in tii ugu dambeysay ee la dhigay Deyniile uu fikirkeeda lahaa Muuse Suudi Yalaxow, gogosha ugu dambeysa ee lagu ambabixinayo Xildhibaan Barre Hiiraale iyo Xildhibaan Xaabsade ay iyagu dhigayaan meeshay doonaan ha dhigaane.

 

 

 

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa gudaha dalka iyo dibaddaba ka soo yeerayey baaqyo liddi ku ah gogosha la sheegay in la dhigayo Balcad, iyadoo dowladda ku meel gaarka ah, shaqsiyaad caan ah iyo qaar ka mid ah dadweynuhuba ay arrintaasi si weyn uga qeyliyeen isla markaasna waraaqo digniin ah oo looga digayo inaan Balcad gogol la dhigi karin lagu daadiyey qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay daadiyeen mujaahidiin isku sheegay inay ka wakiil yihiin dadweynaha ku dhaqan Balcad, Kaaraan, Barmuuda iyo Madiina.

 

webmaster

webmaster@calayaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Digniin Laga Bixiyay shirka Beri la filayo inuu ka

dhaco Magaalada Balcad

 

Beesha Mantaan C/lle oo sheegatay inay leedahay degaanka Balcad ayaa waxay ka digtay inaan wax kulan ah lagu qaban Karin,waxayna ku sheegeen qoraal ay ka soo saareen magaalada Jowhar inaysan aqbali Karin in Magaalada Balcad ay yimaadan hogaamiyeyaasha Dooxada Jubba,Shabeelaha Hoose,Baay iyo Muqdisho.

 

Digniintan ayaa waxay timid markii la sheegay in maalinta Beri Magaalada Balcad ka furmi doono shir ay leeyihiin Wasiirada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka qeybta Xamar iyo Guddoomiyaha Maamulka Shabeelaha Hoose.

 

Degaanka Balcad waxaa Maamula Xaaji Muuse Suudi Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaa halkaasi ka jooga Ciidamo aad u adag, kuwaas oo Difaac adag kaga jira jiida hore ee Degmada Jowhar meel u jirta 18-Km.

 

Siyaasiyiinta Beesha Mudullood ayaa ku kala qeybsan shirka Balcad, xubno uu ka mid yahay Muuse Suudi iyo Bood ayaa ku qanacsan shirka Balcad, halka Maxamed Dheere iyo kuwa kale ay diidan yihiin.

 

Haddii Maxamed Dheere dagaal ka soo abaabulo Magaalada Jowhar kuna soo qaado Magaalada Balcad waxaa la hubaa in dagaal kale ka dhici doono Magaalada Jowhar ayna adkaan doonto in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf xarun u ahaato Magaalada Jowhar sidan waxaa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Muuse Suudi oo aan shalay kula kulmay degaanka Kaaran.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this