Sign in to follow this  
BiLaaL

Muslimiinta Kenya oo dalbaday in la sii daayo Somalida ku xiran Kenya

Recommended Posts

BiLaaL   

Muslimiinta Kenya oo dalbaday in la sii daayo Somalida ku xiran Kenya

 

Nairobi 19, Feb.07 ( Sh.M.Network) Boqolaal Muslimiin Kenyan ah ayaa sameeyay isku imaatin ay ku dalbanayaan in maxaabiista Somalida ah ee ku xiran dalkaas la sii daayo.

 

Axmed Fariid oo ah hogaamiyaha Muslimiinta Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan suurto gal u aheyn in dalkeeda lagu qabto ciyaaraha orodada ilaa ay ka sii deyneyso muslimiinta ku xiran xabsiyada Kenya gaar ahaan Somalida, waxa uuna sheegay in Muslimiinta Kenya ay is hortaagi doonaan ciyaaraha caalamiga ee Athleticada ee ka dhacaya dalka Kenya 24 ka Marso hadii aan la sii deyn maxaabiistaasi.

 

Fariid waxa uu u sheegay dad isugu soo baxay magaalada xeebta ah ee Mombasa oo gaaraya ilaa 1500 oo ruux in ay sii wadayaan banaanbaxyada ay kaga soo horjeedaan tacadiga loo geysanayo muslimiinta ee la isaga eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin argagixisada.

 

Dowladda Kenya kama soo bixin wax war ah oo ku aadan banaanbaxyada ka dhacay shalay magaalo xeebeedka Mombasa.

 

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka iyo hogaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay si sharci darro ah isaga xirto dadka Somalida ah oo ay u gacan galiso waxa ay ku tilmaameen dad cadow ah, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin dadkaasi.

 

Bishii Janaury ee sanadkii la soo dhaafay waxa ay dowladda Kenya u soo gacan galisay dowladda Somalia ilaa 32 maxbuus oo ka xirnaa indhaha iyo gacmaha, kuwaasi oo laga soo dajiyay garoonka Muqdisho.

 

Muslimiinta Kenya waxa ay codsadeen in Somalida sida sharci darada ah loogu dhoofiyay dalka Somalia in si deg deg ah loogu soo celiyo dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkeena walaahi masiibo oo weligeed la arag oo la maqal aa na heesato!

 

 

Meel kasto waa nagala soo nacey. Kenya intey maryooleey karaahiyeesteen ey key arkaanbo jailka isaga xooraayaan, South Africa reer san ka dhuudhi intey cadaanka iska celin waayeen ey waxii ganacsataa ahaayeen ey beerka iyo wadnaha ka siibanaayaan. Yemen waxii xun oo wadankooda ka dhacoba Somaalidaa farta lagu fiiqaa oo cadaabtii la ogaa ey marsiinaayaan, Sacuudi Arabiya tarxiil iyo iney sida xoolaha camal noo gowracaan ey shaqo ka dhigteen...wax naga cadoow badanba aduunka ma joogo aan u maleen redface.gif

 

 

Ilaahoow cadowga naga jabi, oo dadkeena meel kasto ey aduunka ka joogaan ku bad baadi, balaayo aaba na dabo dhigatee. Macbuudkoow! :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Originally posted by Xhevahire:

[QB]Ilaahoow cadowga naga jabi, oo dadkeena meel kasto ey aduunka ka joogaan ku bad baadi, balaayo aaba na dabo dhigatee. Macbuudkoow!

Aamiin Alahayoow. As Allah has promised in the Holy Quran, there is relief after every hardship. The important thing is for us to learn from the important lessons imbued in these difficult times.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this