The Zack Posted January 1, 2010 KN: Xarakada Alshabaab ayaa markii ugu horeysey qiratay suurtagalnimada in ay jiraan khaladaad ay galeen waxayna dadka ka codsadeen in ay saxaan, laakiin xiliga hadalkani lagu soo beegey ayaa markiiba guux weyn ka dhashay. Afayeenkii hore ee Alshabaab Sheekh Muqtaar Roboow Abuu Mansuur oo haatan xil sare ka haya Alshabaab oo maanta dad aad u badan kala hadlayt salaadii jimcaha kadib masaajidka Abu Hureyra ee Xamar ayaa sheegey in ay jiri karaan khaladaad ay geysteen ka xarako ahaan dadkana looga baahanyahay in ay saxaan. Intii uusan hadalkaasi jeedin ayuu dadka u sheegey in ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay soo gabogabeeyeen qorshe duulaan dagaal oo uu sheegey in ay ku doonayaan in ay ugu soo qaadaan goobahan ay gacanta kaga hayaan magaalada caasimada ah ee Xamar, hadalka Abuu Mansuur ayaa u muuqdey mid uu kaga warqar qabo illaa heerka ay iska difaaci karaan weerarada uu sheegey ee kusoo fool leh. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Dhagax. Posted January 2, 2010 But they didn't said what their mistake was? Quote Share this post Link to post Share on other sites