General Duke Posted May 4, 2009 Xasan Daahir Aweys: Lama kulmayo Sheekh Shariif 3 May 3, 2009 - 12:15:36 PM Gudoomiyaha ARS-Asmara Sh. Xasan Daahir Aweys oo saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay inuusan la kulmayn Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo ay xaga fikirka ku kala f********. Sh. Aweys, wuxuu sheegay in xukuumada cusub ee Somalia ay tahay mid ay ay beesha calaamka ugu talogasha inay ku burburiso muqaawamada, kana hortagto Islaamiyiinta Somalia. "Ma garan karo sabab kalifaysa inaan la hadlo Sh. Shariif oo loo adeegsanayo burburinta Islaamiyiinta Somalia, waxaa noo banaan oo keliya inaan la hadalno beesha caalamka" ayuu yiri Sh. Xasan Daahir. Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan rumaysanay in xukuumada jirta ay tahay mid u adeegaysa shacabkeeda, balse uu ogyahay oo keliya inay mid ku jirta jeebka caalamka, loona isticmaalayo sidii la doono. "Sh. Shariif iyo aniga waxaan ku kala tagnay xaga fikirka, mana dhacayso inaan kulano inta uu faraha kula jiro howsha uu ku biiray, waxaan ugu naseexeynayaa inaan ka shaqeyno horumarka dalkeena oo aan ilowno inaan dano kale fulino" ayuu yiri Sh. Aweys. Hadalka Sh. Xasan Daahir ayaa kusoo beegmaya xili uu Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ku sheegay shir jaraa'id oo uu shalay qabtay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo cid walba oo nabad doonaysa, xitaa gudoomiyaha ARS-Asmara. "Cid walba oo doonaysa nabad iyo inay dalka horumarkiisa ka shaqeyso waan la hadlaynaa, waayo go'aankeena waa inaan dalka dib ugu soo celino nabad, cidii kalena ma jiro hadal noo dhexeeya" ayuu yiri Sh. Shariif. Sh. Aweys oo Muqdisho ku sugan muddo ku dhow laba todobaad ayaa wada qorshayaal uu ku rurusanayo ciidamo cusub; isagoo horay u sheegay in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxaan inta aysan dhiig faraha la gelin. Khilaafka Sh. Shariif iyo Sh. Aweys oo sanadkii 2006, ahaa saaxiibo iskudhow ayaa sii xoogeysanaya, iyagoo bilaabay inay warbaahinta isku mariyaan hadalo kulul, iyadoo khilaafkoodan uu isku badali karo gacan ka hadal. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 4, 2009 Somalia: Sheikh Aweys rejects to meet with Sheikh Sharif 3 May 3, 2009 - 5:47:53 PM MOGADISHU, Somalia May 3 (Garowe Online) - A leading opposition figure in Somalia has rejected calls to meet with Somali President Sheikh Sharif Ahmed, Radio Garowe reports. Sheikh Hassan Dahir Aweys, who was the Somali President's ally in 2006, told reporters Sunday in the capital Mogadishu that the new government in Somalia is intended to defeat the Islamists. "I cannot think of a reason to talk to [somali President] Sheikh Sharif, who is being used to destroy Islamists in Somalia," Sheikh Aweys said, adding: "We are open only to talking with the international community." Sheikh Aweys noted that he does not believe that the new government works for the interests of the Somali people, but is "certain that the new government is in the pocket of the international community and is being used." He rejected meeting face-to-face with the UN-recognized Somali President, who was elected by parliament in January at the conclusion of UN-sponsored peace talks in the neighboring Republic of Djibouti. Yesterday, President Sheikh Sharif told a press conference in Mogadishu that Sheikh Aweys should join the peace process. READ: Somalia's leader condemns attacks, but avoids blaming groups Sheikh Aweys, who is on the U.S. terror list, returned to Mogadishu last month after spending more than two years exiled in Eritrea. He has demanded the withdrawal of African Union peacekeepers (AMISOM) who are in Mogadishu to support President Sheikh Sharif's weak interim government. Source: Garowe Online Quote Share this post Link to post Share on other sites