Sign in to follow this  
Gabbal

The administration of Jilib arrested for supporting Barre Hiiraale.

Recommended Posts

Gabbal   

Kismaayo : Ciidamada Maxkamadaha magaalada Muqdisho oo xabsiga dhigay gudoomiyihii iyo ku xigeenkii degmada Jilib.

Axad, October 08, 2006

 

APL

 

Kismaayo (AllPuntland)- Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa wxa ay xabsiga u taxaaben gudoomiyihii iyo ku xigeenkii degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubada Hose.

 

C/laahi Maxamed oo ahaa gudoomiyihii degmada Jilib iyo kuxigeenkiisii Ibraahim Cali ayaa waxaa la sheegay in lagu eedeyay in ay xiriiro la samaynayeen qaar ka mid ah madaxdii isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Sarkaal ka mid ah maxkamadaha ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in ay nimankaasi xiriir la lahaayeen Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo abaabul dagaal ka wada gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

 

Arrimahani ayaa waxa ay ku soo begmayaan iyada oo ciidamo ka amar qaata Col. barre Hiiraale ay u guureen dhanka gobolka Jubada Dhexe.

 

Illaa iyo hadda ma jirto cid wada dadaallo lagu soo daynayo mas`uuliyiintaasi, waana markii ugu horaysay oo ay maxkamaduhu xabsi dhigaan qaar ka mid ah madaxda degmooyinka.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maxkamadaha islaamka Somalia oo xabsiga Dhigay Gudoomiyaha degmada Jilib iyo K/xigeenkiisa.

 

 

Mogadishu - 08-October -2006-Allceeldheer.com Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa xabsiga u taxaabay Gudoomiyaha degmada Jilib iyo K/xigeenkiisa , ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay xiriir la sameeyeen Gudoomiyihii Isbaheysigii D/jubba Barre Hiiraale oo dhowaan lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo.

 

Gudoomiyaha degmada Jilib C/laahi Macalin Xuseen iyo Ibraahim Jiis oo k/xigeenkiisa ah ayaa maanta loo dhaadhiciyay xabsiga magaalada Jilib, ka dib markii xiriir dhanka isgaarsiinta ah ay la sameeyeen Col. Barre Hiiraale oo maleeshiyadiisa ay duulaan ku soo tahay magaalada Kismaayo.

 

Inkastoo aanu jirin cadeymo kale oo loo hayo xariga lagula kacay Mas’uuliyiintaan ayaa hadana waxaa xaqiijiyay xarigga Mas’uuliyiintaan loogu geeystay magaalada Jilib Mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi oo ka gaabsaday magaciisa.

 

Sidoo kale wararka laga helayo degmada Jilib ayaa waxa ay tilmaamayaan in dhalinyaro kale oo reer jilib ah lala xirey Gudoomiyaha degmada Jilib.

 

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma sheegi karo xarigga loo geeystay Mas’uuliyiintaan waxyaabaha uu salka ku hayo marka laga reebo xiriiro ay la sameeyeen Gudoomiyihii Isbaheysigii D/jubba iyo waliba warar kale oo sheegaya in xarigooda uu salka ku hayo kulamo ay la qaateen saraakiil ka tirsan hay'addda WFP.

 

 

Gudoomiyaha degmada Jilib ayaa markii ay la wareegeen Maxkamadaha magaalada Kismaayo 25 kii bishii la soo dhaafay waxa uu warbaahinta u sheegay in uu soo dhaweynayo maxkamadaha islamarkaana uu la shaqeynayo.

 

Xarigga mas'uuliyiintaan ayaa ku soo beegmay xilli boqolaal maleeshiyooyin daacad u ah Barre Hiiraale oo ka soo ambabaxay degmada Baardheere ay gaareen deegaano ka tirsan degmada Saakow ee gobolka J/dhexe si ay ugu sii ruuqaansadaan magaalada Kismaayo

 

 

CNM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

JILIB: Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Jilib oo ay Maxkamaduhu xabsiga u taxaabeen

Posted to the Web Oct 08, 13:19

 

Jilib (PP) – Guddoomiyihii Degmada Jilib iyo ku xigeenkiisii C/llaahi Macallin Xuseen iyo Ibraahim Macallim Aadan (Jiis) ayay xabsiga u taxaabeen madaxda Maxkamadaha ee ku sugan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

 

 

 

Sababta xabsiga loo dhigay labadan xubnood ayay ku sheegeen xubnaha Maxkamadaha ee ku sugan Degmada Jilib inay tahay iyagoo xiriir la sameeyay Col. Barre Hiiraale oo ah guddoomiyihii hore ee maamulka Dooxda Jubbada oo laga eryay Kismaayo 24-kii bishan.

 

 

 

Xubnahaan ayaa xariggooda wuxuu ku soo beegmay xilli ay xubnaha Maxkamadaha ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ay cabsi weyn ka qabaan inay dagaallo kaga yimaadaan dhanka Malleeshiyooyin ku soo fool leh Kismaayo oo ka amarqaata Col. Barre Hiiraale oo ah wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo weliba guddoomiyihiin hore ee Maxkamadaha Midoobay.

 

 

 

Malleeshiyooyin taageersan Col. Barre Hiiraale ayaa lagu soo warramaaya inay dhawaan galeen Degmada Bu'aale oo ah xarunta Gobolka Jubbada dhexe oo ay horay ugu sugnaan jireen Malleeshiyooyin daacad u ah Maxkamadaha Midoobay oo dhawaan iyagu gaaray halkaas.

 

 

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Maxkamadaha kooxaha daacadda u ah ay dib ugu durkeen dhanka Degmada Jilib ee isla gobolka Jubbada Dhexe, waxaana halkaas gaaraya Malleeshiyooyin iyo tikniko ka amarqaata Maxkamadaha Magaalada Muqdisho oo ka ambababaxay isla magaalada Muqdisho.

 

 

Dadweynaha degmada Bu'aale ayaa la sheegay inay ka firxanayaan gudaha Magaaladaan iyagoo cabsi ka qaban in lagu kor dagaallamo, waxaana cabsida ugu weyn ay tahay iyadoo saansaanka colaadeen ee labada dhinac ay tahay mid cirka isku sii shareerayso.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Oo hadeer ma kaa daacad baa ninyahow qunsax-balaadka aad ku dhoodhoobeysid Maxaakimta Islaamiga ah ee diinta ilaahey raba iney xoojiyaan?

 

Wallee waligeed lama arkin qof asoo og naar u shaqeysanayo! Soomaali ayaa horey u tiri, "Rag iska dhici iyo Rabi ka cabso isku meel ma galaan" Marka ninyahow diintaada ha seegin intaad leedahay reer hebel ayaan difaacayaa oo ilaahey ayaan ciidankiisa la dagaalamayaa.

 

Waa iga talo, hadii kale ogow inaan maalinta qiyaame kugu marqaati furi doono aniga iyo computer-ka aad wax ka qoreysid, diinta iyo mujaahidiinta oo kaa baxsan waayay owgeed!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Hadalka aan afka baarkiisa dhaafin kol horaan kugu idhi ha ila soo doonan.

 

Shaarka diinta Islaamka waxa isku so qariyey waa la cirib-goyn waadna arki doontaa alle haduu idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Wali maadan sheegin cidii cirib goyn laheyd Diinta Islaamka. Laakiin waxaa la yaableh sida dhaqsaha badan oo aad isku badashay, maadaama aad maalin sii horeysay aad taageersaneyd diinta Islaamka. Waxaan ku oran lahaa taariikhda dib u baar oo soo raadi meel diinta Islaamka inta dagaal lagu qaaday oo kadibna la cirib gooyay?

 

Adiga bal maxaa kuu diiday shaati iskaba daaye, go' Islaami ah oo aad habeenkii dhaxanta kufriga iyo munaafaqiinta ka huwato?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Dagaal Islaam lagu qaadayo uma jeedo, halkee u jeedaa?

 

Ma kii shalay Indhacade u dagaalamaye oo cimaamad soo xirtay baa diin u dagaalamaya?

 

Ma kii shalay Muse Suudi u dagaalamaye oo cimaamad soo xirtay baa diin u dagaalamaya?

 

Ma kii shalay Caydiid u dagaalamaye oo cimaamad soo xirtay baa diin u dagaalamaya?

 

Ma kii shalay Qanyare u dagaalamaye oo cimaamad soo xirtay baa diin u dagaalamaya?

 

Diin aad dadka ka xigtid ma jirto, wadaadaduna diidi meyno oo watay Gedo wax badan xarun u ahayd, balse maliishiyaada cimaamada loosoo xiray marnaba haku fakirin in la ogolaado.

 

Marnaba haku fakirin, marka nin weyn baa tahay ku dhaqan caqligaadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Soowtaad Geddo culimadii joogtay intaad usoo adeegsatay Itoobiyaan iyo Gaalo baabah iyo bar aan jirin ka dhigtay! Oo waliga dugsiyadii Quraanka iyo Masaajidii aad u ogolaatay in uu gaalka ku kaadiyo, qur'aanka kariimkana ay dhulka la dhacaan.

 

Goormaad ilowday taariikhdaas madoow ee qoorta kuu suran, mise inaad maalin walba is yeelyeeshid ayaa meherad mooday, ina Cali Waranloow?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wadaadadaad sheegeysid inta u badnayd reer Gedood bey ahaayeen. Marka garan mayo waxay ku faa'iideyso inaad ka dhigtid qolo hal meel ka safnayd (sharka) markii Aba iyo Wiil xaajadu ahayd, Adeer iyo Abti.

 

Waxaa is weydiin mudan laakiin sababta awalba keentay Gedo, Dahir Hassan Aweys iyo rag kale ee Gedo amni iyo magan usoo doonteen ee ka heli wayeen deegaanadooda? smile.gif

 

Maantana sow la yaab ma leh kuwii Muqdisho beyt shar iyo shaydaan ka dhigey inuu Hassan Dahir Aweys cimaamad usoo xiray uu yiraahdo waa saifullah jihaad-doon ah?

 

Barre Adan Shirehaana sow maaha ninkii ay ku amaanayeen haday yihiin Maxaakimta Islaamka ka hortagi uu ka wada Gen Cumar Xaaji Massale ee u jaan-qaadeyey difaaca wadaadeenu, diinteenu, iyo dalkeenu?

 

Dhageyso laga bilaabaya 6:50 Abuu-Mansuur

 

Sidey tahayne gebi ahaanbo lama ogalaanayo in diinta Islaamka xaaraam loogu qaraabto. Mana la yeelayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^you are the ones who are truly ignored by this great Islamic movement. You should admit that we are as big as elephants, when in fact you are as small as mosquitos.

 

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^^ such a recist comment.. Cuudu bilaah.. Abti adiga difoose xun aa tahay oo islamixc courtska magac xun siinooyo..Please jooji qaab laawnimadaan aa wadid yaaqee......lol...

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^the problem of your writing skills is that you jumped over from grade 1 to grade 5, and that has led to your inability to spell words correctly.

 

Cajiib

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The problem with you is you know not what you hark on about.

 

As for the Islamic movement I did not know certain clans were closer to the faith than others. As for the elephants analogy a rather lame one much like your argument for Jihad when it has always been about looting.

 

But Ubahane, alas we have been here before and your arguments are just as pathetic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this