General Duke Posted November 24, 2006 BUUR-HAKABA: Dhaqdhaaqyo ciidan oo ka taagan inta u dhexeysa degmooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo Posted to the Web Nov 24, 12:47 Buur-hakab (PP) - Warar ay Puntlandpost ka helayso ilo wareedyo ku sugan Degmooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba ayaa waxay tibaaxayaan inay ka jiraan inta u dhexeysa labada degmo oo ka wada tirsan gobolka Bay dhaqdhaqaayo ciidan oo xoog badan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaannadaas ay buux dhaafiyeen goobo ku dhow ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Malleeshiyooyin ka socda dhanka Maxkamdaha, waxaana dhanka Dowladda la sheegayaa inay la socdaan ciidamadooda sarakiil Ethiopian ah. Dadka deggen Deegaanka Daynunaay ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay arkeen ciidammo xoog badan oo kuwa dowladda ah kuwaasoo horay u sii dhaafay deegaanka kuna sii jeediyay dhanka Degmada Buur-hakab. Dhanka kale; wararka laga helayo degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Malleeshiyooyin aad u heysan oo ka tirsan kuwa Maxkamadaha ay dhanka Baydhabo u ruuqaansadeen, waxaana taasi ay dhalisay in cabsi ay ku abuuraan dadka Deegaankaas ku nool. Dadka Deegaanka ayaa waxaa la sheegeen inay billaabeen inay ka qaxaan deegaannadooda si ay uga nabad galaan dagaallo ka qarxa deegaannadaas, waxaana cabsidan ay saameyn ku yeelatay dadka degmada ********* deggan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 24, 2006 Cabsi dagaal oo ka soo cusboonaatay deeganada Dagmada Buurhakabo ee Gobalka Bay Posted to the MOL November 24, 2006, 2:03 pm Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaq ciidan uu halkaasi ka jiro, kuwaasoo ay wadaan ciidamda Dowladda Kmg Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah si loo adkeeyo amaanka Guud ee Gobalka Bay oo dagmooyin ka tirsan ay kusuganyihiin Midawga maxkamadaha saldhigooduyahay Magalada Muqdosho, Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in ciidamada labada dhinac ay isu jiraan wax ka yar 5-km deegaanka dagmada Buurhakabo oo ay ku suganyiniin Maxkamadahu cabsi ayaana laga qabaa in dagaal uu dhexmaro labada dhinac oo inbadan isku tabaabushaysanayay dhanka kalana sida aan ilo wareedyo madaxbanaan kuhelayno ayaa waxay sheegayaan in ciidamo Ethiopian ah oo ku hubeysan ku dhowaad 40-tan baabuurta dagaalka oo ka soo gudbay gobolka Hiiraan ay ku soo wajahan yihiin xarunta Dowladda Kmg ee Baydhabo. sidoo kale Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in halkasi ay ka socdaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Maxkamadaha Magalada Muqdisho oo dawlada Fedralka Kumeelgarka Somaliya ku eedaysay inay wadaan isbalaarintii ugu badnayd hadii aan laga hortagin si kastaba ha ahaatee dad aa aanu khadka Taleefanka ku wareysanay ay inoo sheegayaan in ay Magalada Xarunta u ah dawlada fedaralka laga dareemayo abaabul dagaal oo ka dhan ah maxkamadaha Maxamed C/qaadir Aw Khalaf Galkacyo,Puntland,Somaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites