General Duke Posted December 21, 2004 XAMAR IYO XALKA SOOMAALIYA. REER MUQDISHO C/LAAHI KADIB MAXAA LA GUDBOON. Muqdisho waa Caasimaddii Soomaaliya, dad badan ayaana aamisan in Muqdisho ay madaxfurasho u haysto xalka Soomaalida, waxaana la leeyahay haddii ay iyadu dagi lahayd wax waliba wey hagaagi lahaayeen, oo Soomaali dowlad baa u dhismi lahayd. Sidaas awgeed maxaa talo ah? Nin ka yaaban xaalka Muqdisho ayaa yiri hadalladan. 14.Sano ayey Soomaali Xamar u xaniban-tahay. Unisom iyadaa laqday. Cali Mahdi iyaday ka socon-weysay. Salballaar Muqdisho iney ka shaqayso iyagaa diiday. C/Qaasim iyagaa hor istaagay. Marka waxaasoo dhan dadkii sameeyey miyaan hadana ku aaminnaa iney gurtaan mirihii 2.Sano ay Soomaali soo abuureysay, si ay hadana u khasaariyaan. Waagii Muqdisho laga soo eryey Maxamed Siyaad meeshii la filayey iney dowlad dhisaan, waxaa lagu dhaqaaqay in la curyaamiyo kaaba-yaashii nolosha, waxaana la fuliyey hawlaha kala ah: Tubo qodosho, isbitaal bililiqeysi, guryo fuqsasho, warshado gurasho, iyo wixii kaloo lamid ahaa. Intaas waxaa usii dheer, tan iyo waagaas wax kasta oo la dhisana iney diidaan iyaguna aysan waxba dhisan. Maxamed Siyaad haddiiba la iska sugi lahaa 95.kii wuu geeryoon-lahaa. Cali Mahdi hadii lakaalmeyn-lahaa sanad kadib waxbaa is badali lahaa. Caydiid haddii faraha laga qaadi-lahaa saan wax weyn dhaami lahaayeen. C/Qaasim haddii la taageeri lahaa Soomaali oo dhan wey usoo gacan-gali lahayd. Doorashadii dhawayd hadday hal musharax keensan-lahaayeen sow maguuleysteen. Waxaa soo dhan hadday dhaceen suuragal matahay iney hada isdaba qabtaan oo ay keenaan firkad wax ka badali karta sidii ay awal ahaayeen, ama ay Soomaali ku aamini karto. Hotel Curuba | Waagii Xamar Caasimaad Ahayd XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO.... Madaxweyne C/Laahi Yuusuf ilaa ay hubka tiiriyaan xitaa booqasho ugu tagi maayo. Ilaa uu ciidan ahaan uga adkaado, oo uu maamul uu ku kalsoonayahay ka dhiso cagta soo dhigi maayo. Marka haddii aydin hubka tiirineyn, maamul midaysanna Muqdisho u samayneyn, dekedda iyo garoonkana aydnan furayn, in la furana aydnan ogoleyn, maxaa xal oo aad rabtaan inaad Soomaali kula macaamishaan? Soomaali hadday damacdo iney beeniso xanta suuqa idiin taal ee ah R/Muqdisho dowlad marabaan, maxay ku qancayaa oo aad u haysaan, illeen xaalkiinnu wuxuu noqday sidii qolyo laga sheegay. ( Aan kuu taliyo. Iitalin-meysid. Waayahee adigu ii tali. Kuu talin-maayo. Hadde aan tashanno. Tashan- meyno. Waayahee aan kala tagno. Kala tagi meyno.) marka R/Muqdishoow wax walba diidee maxaad rabtaan? Hubka Muqdisho yaalla waxaa haysta ganacsato, dagaal-ooge, shakhsiyaad gaara ah. Mahayaan talo ay isla ogoleyihiin oo ay rabaan iney hubka ku dhiibaan, mana ogola in Ciidamo shisheeye dalka la keeno oo hubka laga uruuriyo. Cidda ugu badan oo uu dhibka ku hayana waa dadka dagan Muqdisho, marka sidee xalka lagu helayaa? MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA... Dekedda iyo Garoonka Muqdisho waxay xirantagy muddo 9.Sano ku dhaw, hadba magac cusub ayaan maqalnaa oo diidaya in la furo ilaa isaga la qanciyo, wuxuuna ku qancaa in lagu daro liiska hogaamiye-kooxeed-yada la’aqoon-sanyahay. Waxaa is weydiin mudan kan haysta Dekedda ama Garoonka dhaqaale kama helo, xalkii Soomaalidana inuu ku xiranyahay waa ogyahay. Qofna iskuma dayi karo inuu difaaco eedahaas loo jeediyey R/Muqdisho. Intaas iyo kuwa kalaba waa ceeb wajiga kaga taal R/Muqdisho, waana mid aan qiil looga heleyn kitaabkasta oo loo fiiriyo. Dadka Muqdisho ku nool gormey ceebta iska dhaqayaan? Goormey furayaan qufulka ay ku dhajiyeen xalkii Soomaaliya. Gobollada W/Galbeed iyo W/Bare nabad-galyada ka jirta dadweynaha ayaa keensatay, oo baaburta laguma dhaco, hadaad sababta aan baaburta loo dhacayn weydiisana waxaa laguu sheegaya in kolka uu tuuggu gaariga dhaco uusan ugu horen ku dhex haysan karin isla deegaanadaas, ninkii gaariga laga dhacayna wuxuu hantidiisii u doona reerka uu ka dhashay ninkii gaariga dhacay. Laakiin Muqdisho haddii gaariga lagaa dhaco, qabiil aad u doonato mataqaanid, wadada kaliya ee aad ku soo ceshan kartana waa inaad laaluush bixisaa oo ah dhiiri-galinta xatooyada iyo burcad-nimada. Waraysigii Qanyare | Sept 2, 2002 Maxamed Qanyare Afrax ayaa mar ku sheegay waraysi ay Somalitalk layeelatay in Somaliland ay Madaxweyne u doorteen Daahir Riyaale Kaahi taasoo ku tusineysa iney dhab ka tahay nabad-raadinta iyo horumar jecaylka. Culimadda Soomaalida ee ku sugan Muqdisho wey ku mahadsan-yihiin iney ku ilaaliyaan mujtaca ku dhaqankii diinta, waxayse gabeen iney dowr ku lahaadaan bulshada dhexdeeda, oo ay qabaa’ilka Soomaalida hoosta ka soo dhisaan, si layaqaanna ay u dhexgalaan. Waxaa muuqata in hogaankii qabiilooyinka Soomaalida ay faraha uga qaadeen dagaal-ooge, waxaadna arkeysaa goorta uu dagaal dhaco ama ay umadda dhibaato weyn ku habsato iyagoo warsaxaafadeed soo saaraya oo leh waxaas waan ka soo horjeednaa ama sidaas shareecada islaamka kuma banaana. Mid kamid ah Dagaal-ooga-yaasha Soomaaliya ayaa igu yiri muddo laga joogo 4.sanadood. Culimada Soomaalida diyaar umay ahan iney hadeer wax ka qabtaan dhibta haysata bulshada, laakiin goorta ay dowlad noo dhalato ayey dhihi doonaan diinta wax halagu xukumo, wuxuu kaloo yiri, shirarka iney ka soo qaby-galaan iyagoo beelahooda ka socda mey ogola, hadhaw wixii natiijo ah ee ka soo baxana iyagaa diidaya oo ka soo horjeesanaya. Khudbadii uu C/Laahi Yuusuf, MDFKMG, jeediyeye kadib markii la doortay Radio wadajir Waxay ila tahay R/Muqdisho wax lagu difaaco looma hayo haddii aysan iyagu ceebta iska mayrin, oo aysan muujinin in wixii hore ay ka waantoobeen, hadana ay diyaar u yihiin dib u dhiska Soomaaliya. C/Laahi Yuusuf markii loo doortay Madaxwenaha Soomaaliya khudbadii u horeysay ee uu akhriyey wuxuu ku sheegay, in hadada wixii ka danbeeya uu noqonayo nin nabadeed. Hadaba hadii C/Laahi isagoo kaligiis uu naftiisa go’aankaas muhimka ah ka gaaray, maxaa diidaya in R/Muqdishana ay noo akhriyaan khudbad ay ku ictiraafayaan wixii hore, muuqaal cusubna ay ku muujinayaan. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir fahadsom@hotmail.com ama editor@somalitalk.com SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Dec 20, 2004 Quote Share this post Link to post Share on other sites