Sign in to follow this  
General Duke

Geedi congradulates Nur Cade = maturity of Somali politics

Recommended Posts

Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Geeddi oo soo dhoweeyay magacaabista Nuur Cadde, sheegayna inuu ku wareejinayo Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada.

 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee loo magacaabay Nuur Cadde.

 

Prof. Geeddi ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay magacaabida Ra'iisul wasaare Nuur Cadde, isagoona sheegay inuu la shaqeyn doono.

 

"Waan soo dhoweynayaa magacaabista Ra'iisul wasaaraha cusub Nuur Cadde oo runtii ah, nin wanaagsan oo shacabka Soomaaliyeed ka samata bixin kara Dhibaatada 17-kii sano"ayuu yiri Cali Geeddi oo intaa ku daray in uu ku wareejinayo Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada ee uu horay uu isaga casilay.

 

Cali Geeddi ayaa meesha ka saaray in uusan damac uga jirin xil uu ka qabto Xukuumada uu soo dhisayo Nuur Cadde, balse waxa uu balan ku qaaday inuu la shaqeynayo, isla markaana uu ku wareejinayo wixii hanti ah ee uu lahaa Xafiiska.

 

Geeddi oo 29-kii bishii hore xilka uga degay cadaadis beesha caalamka uga yimid, ayaa ku sugan Magaalada Nairobi, waxa uuna ka wadaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed aan ilaa iyo hada la ogeyn waxa ay ku wajahan.

 

Mr Geeddi oo qasri weyn ku leh Magaalada Nairobi, qasrigaas uu hada degan yahay uu ahaa mid uu ka iibsaday Hogaamiyihii Mucaaradka SPLA John Granga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr Cali maxamed Geeddi “Waa soo dhawyenayaa ra’isul wsaaraha cusub,waxaana u rajeynayaa in uu Allah la garab galo masuuliyada adag ee loo dhiibay”.

Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Dr Cali maxamed Geeddi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan magacaabista ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Nuur xasan Xuseen Nuur cadde,waxaana uu Allah uga baryay in uu ka bad baadiyo wax la mida sadex sanadood oo dab ah oo ay xukuumadiisii soo dhex jibaaxday.

 

Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya waxaa uu shcabka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay gacan siiyaan oo ay la shaqeeyaan ra’isul wasaaraha cusub iyo guud ahaan hey’adaha xukuumada federalka Soomaaliya.

 

“Ugu horeyn Dr Nuur Xasan Xuseen oo shalay loo magacaabay xilka ra’isul wasaare nimada dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya,waa hambalyeynayaa,Ilaahey ayaana uga baryayaa in uu la garab galo xilka loo dhiibay ee uu uqaaday umada Soomaaliyeed, marka xigana howshani waa howl adag oo laga sugayo in uu u guto si hufan oo qaranimo iyo Soomaalinimo leh,waxaana u arkaa in uu yahay waqtigan nin munaasib u ah xilkan in uu qabto,sababtoo ah waa waayo arag, maamul yaqaan,waa sharci yaqaan,waa nin aad looga yaqaano dalka, xiriir wanaagsana la leh beesha caalamka”ayuu yiri ra’isul wasaarihii hore Dr Geeddi.

 

“Waa hoggaamiye xukuumadeed oo keligii wax ma hoggaaminayo, madaxtooyada ,baarlamaanka,hey’adaha dowlada iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ayaana ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay gacan ku siiyaan sidii uu gudan lahaa waajibaadka adag ee horyaala,si Soomaaliya ay u xasisho”ayuu mar kale yiri Dr Geeddi.

 

Dr Cali Maxmed Geedi waxaa uu sheegay in isaga iyo madxweynaha Soomaaliya aanay dagaalamin,laakin ay aragti uun ku kala duwanaayeen,isagoo yiri “aniga ayaana gartay in aan tanazulo aniga oo ugu daneynayay shcabka Soomaaliyeed,waxaana rajeynayaa in madaxweynaha,ra’isul wasaaraha cusub,baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba aanay kala fikir noqon oo ay isku duubmaan”

 

Dr cali maxamed Geedi waxaa uu sheegay in uu hada jecelyahay in uu nasto oo maskaxdiisa dajiyo laakin uu ra’isul wasaraha cusub la garab taagan yahay in uu si kastaba ula shaqeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this