Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: President Yusuf is visited by Parliment speaker Nur cade

Recommended Posts

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ka hadlay kulanka uu la qaatay Madaxweynaha markii uu Baydhabo yimid.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa shir jaraa'id oo uu galabta ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu kaga hadlay socdaalkiisii iyo kulan gaaban oo uu la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo ay in muddo ahba is arag tan iyo markii uu soo muuqday khilaafkooda.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo wariyeyaasha kula hadlay Hotelka Bakiin oo uu degan yahay ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, isagoona sheegay inay labadaba kala warqaateen sida uu hadalka u dhigay.

 

"Markaan Baydhabo soo gaaray Baydhabo, kadib waxaan u tagay Afhayeenka Barlamaanka, kadibna Labadeena ayaa Salaan ugu tagnay Madaxweynaha, kadibna Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka iyagoo isla jooga ayaan ka soo tagay"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo aan faah faahin ka bixin waxyaabaha ay sida dhabta uga wada hadleen.

 

Kulankan ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo shaqeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sida la sheegay Ra'iisul Wasaaraha markii uu ugu tagay Hoygiisa ka dalbaday inay is arkaan isaga iyo Madaxweynaha.

 

Labada Mas'uul waxaa ka dhex jira khilaaf sababay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu diido dhismaha cusub ee Golaha Wasiirada uu soo magacabay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu si kulul u dhaliilay Siyaasadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa kal hore sheegay inWasiiru uusan isaga ansixin aysan wasiir noqon karin, iyadoo Ra'iisul wasaaraha uu si cad u sheegay in Baarlamaanka uu horgeyn doono Wasiiradiisa cusub si uu u ansixiyo.

 

Lama oga in kulankan galabta dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde uu wax ka bedeli doono mowqifyadii kala taagnaayeen Labada nin ka hor kulankii galabta ka dhacay Magaalada Baydhabo.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

Jowhar.com & Jowharnews.com

Jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

gen duke what u think the next step will be do you think nur cade and C.yusuf will have some sor of heshis or will it all escalate into another dilemma. And will melez zanawi try to hold talks between the 2 guys how long can he do that. it seems every prime minister that comes in the t f g has some beeff with c.yusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo

7. December 2008

 

 

 

Baydhabo(AllPuntland)-Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG Md. Nuur Xasan Xuseen oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaraddaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, waxaana wafdiga Nuur Cadde si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Mudanayaal kale.

 

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaraddaha iyo wadooyinka magaalada Baydhabo, iyadoo markii uu soo degay Ra'iisul Wasaaraha si toos loogu galbiyay hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu kulan la leeyahay haatan.

 

Lama oga waxyaabaha labadaasi mas'uul ay ka wada hadlayaan, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in ay qodobada ugu muhiimsan ee kulankaasi looga hadlayo ay ugu horeyso khilaafka u dhaxeeya Nuur Cadde iyo Cabdullaahi Yuusuf sidii meesha looga saari lahaa.

 

Waxaa magaalada Baydhabo sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Dowladda KMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saacadihii u danbeeyay kulamo kala duwan la qaadanayey Afhayeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, iyadoo aan wax faah faahin ah laga heyn natiijada kulamadaasi.

 

Waxaa socda olole ku aadan kala jiidashada xubnaha Baarlamaanka ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo xukuumadda uu soo dhisay la filayo in uu hordhigo Baarlamaanka, halka Madaxweynaha uu ka soo horjeedo dhismaha xukuumadaasi.

 

AllPuntland, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaji Brother Eid Mubarak first of all.

The answer to your question is the next step will be for the Prliment to vote on the the breaking of the constitution.

 

There needs to be no more agreement and President Yusuf has stated that he does not want the Ethiopian interefrence or mediation.

 

Thus its for the Parliment to deal with the matter.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar kamid ah Parlamaanka Somaliya oo ka soo horjeestay

 

Xubno kamid xildhibaanada Dowlada Fadaraalka Ku meel gaadhka ah Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalda Baydhabo Ee Gobalka Baay

ayaa sheegay in aysan waxbaka qaban karin hadii la soo hor dhigo ansixita golaha Wasiirda xukuumada cusub ee Nuur cadde maamihii lasoo dhafay uu ka waday qorshe ku aadan ansixinta xukuukamda uu soo magacaabay, waxayn ku macneyen iyada oo madaxweyna dowlada fadaraalku uusan ogolaan wasiirada uu soo magacaabay Ra’isalwasaaraha.

Xlidhibaan Maxamed Xuseen Isxaaq Afarle oo u waramayay ayaa Sheegay in xiligaan ay waxba ka qaban Karin ansixin golaha Wasiirada ra’isu wasaaraha dowlada fadaraalka ku meel gaadhka ah somaliya , afraalee ayaa Sheegay” sharci ahaayn xeer uu madaxwaynuhu aysan ansixinkarin parlaamaku”,

Dhinaca kale Xlidhibaan Maxamed Xuseen Isxaaq Afaarle ayaanu waydiinay balsida ay argtidiisu tahay ku adaan kordhinta Xildhibaanada Barlamaanka ee dhawaan ay isku afgarteen ergooyin kala socota DFKG Somalia Iyo ururka Dib u xoraynta Somaliya, waxa u sheegay in wakhtigaan ay mudnay kordhinta xildhibanada Parlamaanka Oo lagaarsiyo 550 , waxan uu tilmaamay ansixintooda ay utaalo Parlamaanka Somaliya

Isku Soo wada xeeriyoo waxa magaalda Baydhbo ee gobalka Bay ku wada Sugan madaxwaynaha DFKG mudane C/laahi yuusuf Axmed Xafidahullaah Iyo Ra’isu was are Nuur Cadde waxan lasoo sheegaya in xiligaan uu khilaaf ay si xoogan ay u taagayrsan yihiin madax wayna somaliya mudane C/laahi yuusuf axmed Xafidahullaah

Xafiiska wararka abaaqaroow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this