Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug Inter-Clan Warfare Costs 15 Lives

Recommended Posts

Cowke   

GAALKACYO: Dagaal beeleedyo maanta deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac

 

Posted to the Web Jun 30, 07:01

 

 

Gaalkacyo (PP) − Ugu yaraan 15-qof oo u badan Maleeshiyooyinkii dagaalamay ayaa maanta ku dhintay dagaal ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaasoo ay horay uga dhaceen dagaal beeleedyo noocan oo kale ah.

 

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan oo bilowday aroornimadii hore ee saakay ayaa wuxuu soo gaaray duhurnimadii maanta, waxaana dagaalkan ku dhaawacmay in ka badan 25-qof oo ay ku jiraan dad shacab ah oo deegaanka lagu dagaalamay ku noolaa.

 

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku uu ku dhamaaday goobtii uu saakay ka bilowday iyadoo labada dhinac aysan wax horumar ah ka sameyn dagaalka, waxaana dagaalkan uu qayb ka yahay dagaallo horay halkaas uga dhacay.

 

"Saakay ayuu dagaalku bilowday, waxaana beesha Cadaado ay soo weerartay deegaan ku dhow Bacaadweyn, halkaasna waxaa ka qarxay dagaal soo afjarmay duhunimadii maanta" ayuu yiri Goobjooge ku sugan Deegaanka Qaycad.

 

Maydadka dadkii ku dhintay dagaalka ayaa weli yaala goobihii lagu dagaalamay, waxaana beelaha dagaalku uu u dhexeeyay ay horay uga gaareen dagaallada u dhexeeya heshiis, inkastoo beesha Camaaro ay dhowr jeer heshiiskan jabisay.

 

Beelaha uu dagaalku u dhexeeyo ayaa waxay isku haystaan deegaanka ay ku dagaalamayaan, waxaana koox walba ay sheeganaysaa dhulka lagu dagaalamayo, inkastoo beesha Bacaadweyne dhowr jeer oo hore la weeraray iyaguna ay iska caabiyeen.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this