Sign in to follow this  
General Duke

Ethiopoan army to rescue Mogadishu society another myth exposed

Recommended Posts

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soo gudbay xadka Somaaliya iyagoo ku soo fool leh Baledweyne.

 

Ciidamo ku hubeysan dabaabaad ayaa la sheegayaa inay ka soo talaabeen xadka ay Itoobiya la wadaagto Soomaliya iyagoo ku biiray ciidamadii hore uga joogay deegaanka Kalabeyr ee gobolka hiiraan.

 

Wararka Baledweyne ka imaanaya ayaa sheegaya in Ciidamadaasi Itoobiyaanka ay soo gaareen jante Kuwiidishe oo 15 KM u jirta caasimada Gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne.

 

Warar ay heshay shabakada jowhar.com ayaa xaqiijinaya in sidoo kale ciidamadaasi ay ku suagan yihiin Ait porka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne iyadoo halkaasi laga maqlayo rasaas goos ah oo aanan la ogeyn cida ay u dhaxeyso.

 

Arintan ayaa soo baxday wax yar uun ka dib dalabkii gudoomiyaha Bralmaanka uu ku codsaday in ciidamao ay u soo diraan dalalka deriska muddo 24 saacadood ah, lakiin lama oga inay tani tahay jawaabta dowlada Itoobiya iyo in hore ay qorshesneyd inay ciidamadani halkan yimaadan.

 

Dad badan ayaa haatan sii sadaalinaya in Ciidamada Itoobiya ay dalka si rasmi ah ugu soo laaban doonaan waxaana arintaasi ay ka danbeysay codsiga dowlada oo ay ku codsaneyso in laga difaaco kooxaha mucaaradka oo xarunta villa Somalia u jira wax yar uun.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Aad U Hubeysan Oo Soo Galay Soomaaliya.

 

 

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Aad U Hubeysan, Watana Gadiidka Dagaalka Ayaa Ka Soo Gudbay Xadka Ay Itoobiya La Wadaagto Soomaalia, Waxeyna Soo Gaareen Degaanka Kala Beyr Halkaas Oo Ay Horey Ugu Sugnaayeen Ciidamo Kale Oo Itoobiyaan Ah.

 

Warar Aanu Ka Helnay Ilo Xog Ogaal Ah Laguna Kalsoonyahay Ayaa Sheegay In Ciidamo Itoobiyaan Ah Ay Soo Gaareen Jante Kundishe Oo 15-km U Jirta Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan,

 

Warar Xaqiiq Ah Oo Ka Imaanaya Baladweyne Ayaa Sheegaya In Ciidamadan Itoobiyaanka Ah Ay Ku Soo Fool Leeyihiiin Magalada Baladweyne Saacadaha Soo Socda Iyadoo Magalada Gudaheedana Laga Maqlayo Rasaas Goos Goos Ah, Cida Ay U Dhaxeysana Aan La Ogeyn. Iyadoo Dadka Ku Nool Magalada Ay Cabsi Iyo Dareen Baqdin Ka Qabaan Cidamadan La Sheegay In Ay Soo Galeen.

 

Imaanshaha Ciidamadan Ayaa Waxay Soo Baxday, Ka Dib Markii Baarlamanka DKMG Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Wadamada Caalamka Gaar Ahaan Kuwada Dariska La Ah Soomaaliya Ka Codsaday In Ay Ciidamadooda Saacadaha Soo Aadan Ay U Soo Diraan Soomaaliya.

 

Soo Galitaanka Ciidamadan U Muuqata In Itoobiya Oo Ka Jawaabeysa Hadlkii Ka Soo Baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG soomaaliay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya Ayaa Dalbaday In Soomaaliya La Keeno Ciidamo Aan Kala Sooc Laheyn Oo Ka Socda Aduunka, Kuwaasi Oo Ay Ugu Horeyaan Wadamada Xaduudaha La Leh Wadanka Soomaaliya Gaar Ahaan Kenya Ethiopia, Jabuuti Iyo Yamen.

 

Lama Saadaalin Karo Xaaladda Colaadeed Ee Soomaaliya Dadweynuhuna Waa u Rajo Beel, Hadaba Soo Galida Ciidamada Itoobiyaanka Ah Waxey Dadka Xusuusineysaa Dhibaatadii Iyo Xasuuqii Ba’naa Ee Ay Ka Geesatay Soomaalia Gaar Ahaan Magalada Muqdisho.

 

Wariye:Yahya Sharif Abdinur

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They were just wasting time and taking the opportunity to kill more people. In six months they took down each of their myths.

 

We are Islamists.

We run Mogadishu.

we defeated Ethiopia.

Sharif is a leader.

 

All these became hot air.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Itoobiya oo Si Deg Deg ah Uga Jawaabtey Dalabkii Dawladda Soomaaiya

Saturday, June 20th, 2009 at 2:45 pm

Horseed Media

News Desk

 

Wararka ka imaanay Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidmada Itoobiyaanka ee ku sugnaa KALABAYRKA ay isku soo faafiyeen qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, Ciidamadan ayaa ku hubeysnaa Dabaabadaha dagaalka iyo Hub culus. Weriyaha Horseed Media ayaa noo sheegay in Ciidanka Itoobiyaanku aysan weli soo gaarin gudaha magaalada Beledweyn.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakey qaylo dhaan u direy wadamada deriska ah, in muddo 24 saac gudahood ah la soo gaaraan ciidamo ka difaaca Mucaaradka kaabiga u saaran in ay afganbiyaan Dawladda.

 

Warar kale oo aan si rasmi ah loo cadeyn sugnaantooda ayaa sheegay in Dalwadda Kenya ay soo dhoobtey xudooda ay la wadaagto dalka Soomaaliyo ciidamo lixaad leh, ayna u dhawdahay in ay gudaha u soo galaan Soomaaliya, arintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin xaaladda Soomaaliya.

 

Baaqa maanta ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid qorsheysnaa marka la fiiriyo sida deg dega ah ee wadamada dersiku uga soo jawaabeen.

 

Sidoo kale Horseed Media ayaa ogaatey in Ciimada AMISOM ay si buuxda uga qaybqaadan doonaan dagaalka, halka ay markii hore ku ekaayeen in ay isticmaalaan Madaafiic ay ku garaacaan goobaha Xoogaga Al-shabaab ay ku sugan yihiin, Ciidanka AMISOM ayaa horey u sheegay in ay balanqaad ka haystaan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay u soo gurmanayaan haddii xaaladoodu ay noqoto mid khatar ah.

 

Source Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^Dayniile & Jowhar are now changing the tune and Ethiopia is the only hope.

 

Ironic moment of the century this is.

Forget what they say...What do YOU think about Ethiopia coming back?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Good question. Abdullahi Yusuf an old man who would have retired in a year. Was so important and powerful that they got together and he just walked off into a dignified retirement.

 

Now six month later. Nur Cade demoted himself to a mere Ambassador. Walid Abdalla is angry, frustrated and confused.

 

Sharif Ahmed from today onwards will no longer be Sharifhotel but Sharif Amxaar.

 

The irony is thousands died because of their falsehood and their envy of one man. Who history is proving to have been correct.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by General Duke:

The irony is thousands died because of their falsehood and their envy of one man. Who history is proving to have been correct.

well said,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this