Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Xaaladda Gobolka Cayn; Jawaabta Xukuumadda, Maqnaanshaha Baarlamaanka iyo Doorka SSC

Recommended Posts

Faallo: Xaaladda Gobolka Cayn; Jawaabta Xukuumadda, Maqnaanshaha Baarlamaanka iyo Doorka SSC

 

 

June 1, 2010

 

 

taleex.jpg

 

 

Todobaadyadii la soo dhaafey waxaa ka taagnaa deegaanada Gobolka Cayn ee Puntland xaalad cakiran, kadib markii ciidamada Itoobiya ay u soo talaabeen xadka Soomaaliya, sidoo kale ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa isla maalintaas isku dayey in ay qabsadaan degamada Widh-widh oo 70km u jirta xarunta Gobolka Cayn.

 

Taariikhdu markey ahayd 15.May 2010 ayaa warbaahinta Horseed Media ogaatey in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dhaafeen halkii xuduuda u ahayd, isla markaana ay qabsadeen gawaari laga lee yahay deegaanka Buuhoodle, waxaan arintaas waraysi ka siiyey Horseed Media guddoomiyihii Buuhoolde rabbi ha u naxariistee Xuseen Ducaale oo isagu waraysiga kadib si kedis ah u dhintey 4 maalmood kadib, marka uu waraysiga bixiyey, kadib waxa Horseed Media la xiriirtey wasiiro kamid ah Puntland waxa ay sheegeen in warkaasi aanu waxba ka jirin isla markaana shirkii dhacay 17.May 2010 ee golaha xukuumadda aan lagu soo qaadin.

 

Dagaalka Buuhoodle ayaa dhacay 21.May 2010, waxaana isaga horyimid shacabka Buuhoodle iyo ciidamadii Itoobiyaanka ee xayiraada dhaqdhaqaaq ku soo rogey Buuhoodle, dagaalkaas waxaa shacabka Buuhoodle uga dhintey 13 qof, waxaana ku dhaawacmey dad gaaray 30 qof , sidoo kale isla maalintaas ciidamada Somaliland waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka Widhwidh, waxaana dagaal kala hortegey xoogag taabacsan hoggaanka SSC, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay shacab ku xasuuqeen halka loo yaqaan Balihadhac, guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasiin ayaa Horseed Media u sheegay in Widh-widh ay haystaan Somaliland halka xoogaga SSC ay ku hareeraysan yihiin waxaana wararka u danbeeyey sheegayaan in culimaa’udiin is xilqaamey ay wadaan waanwaan ah in ciidanka Somaliland dib uga baxo gobolka Cayn si loo baajiyo dagaal kale oo halkaas ka dhaca.

 

Xukuumadda Puntland ayaa xiisadda ka taagan Cayn ku koobtey waraysiyaal ay bixiyeen qaar ka mid ah wasiiarada Puntland, kuwaas oo arinta ku koobey in ay tacsi diraan iyo baaqyo labada dhinac ku aadan iyo in qaar kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda Cayn loo diro gobolka Cayn kuwaas oo wadahadal aan miro dhalin la yeeshay ciidamada Itoobiya.

 

Madaxweynaha Puntland

 

Markii uu dhacay dagaalka gobolka Cayn, Madaxweynaha Puntland waxa uu ku jirey safar, maalinta uu bilowdey shirkii Istanbul ee 21 May 2010 ayey hayad markii ciidamada Itoobiyaanku ay dileen 13 qof oo reer Buuhoodle ah isla markaana dhaawaceen dad gaaraya 30 qof, Madaxweynuhu waxa uu fursad u heley waraysi BBC-du la yeelatay 24 May 2010, laakiin kama faa’ideysan fursadaas wax tacsi ah hawada uma marin shacabkii halkaas ku dhintey, mana soo qaadin arinta Cayn.

 

Madaxweyne Dr.Faroole ayaan lahayn qorshe cad oo ku aadan Gobolada Sool iyo Cayn, marka laga reebo maalintii uu doorashada gelaayey ee uu sameeyey balan qaadka ah in uu soo celinaayo dhulka maqan, waxaana la isweydiinayaa aamusnaanta dheer iyo qorshe la’aanta ku aadan goboladaas sida ay dhaawac u gaarsiin karto midnimadii Puntland..

 

Madaxweyne ku xigeenka

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire waa nin khibrad u leh arimaha ciidanka, waxa uu ka soo qabtey xilal badan Puntland, magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa ay faraha Puntland ka baxdey mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, kadib markii ciidamo malayshiyo beeleed ah oo ka soo jeeda deeganaada Sool oo gacansaar la leh Somaliland kuwaas oo fadhiyey togga Waqi-dari ee duleedka Laascaanood ay gudaha magaalada u soo galeen xabadna ka bilaabeen, taas oo ay ku dhiiradeen ciidmada Somaliland ee fadhiyey Adhi-cadeeye in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadii horfadhiyey, kadibna ay toos ula wareegaan Laascaanood.

 

Gen.Cabdisamad Cali Shire waxaa aad loogu rajo weynaa in haddii uu qabto jagada labaad ee Puntland isla markaana uu talo weyn ku yeeshay maamulka in uu wax badan ka qabanaayo xaaladda gobolada Sool iyo Cayn, laakiin taasi may dhicin, doorashadii Madaxweynaha ee Puntland kadib ciidamo badan ayaa ku sugnaa Tukaraq kuwaas oo Puntland ka amarqaata, ma dhicin in madaxda sare booqdaan isla markaana soo dersaan xaaladooda dhabta ah, taas oo ciidamada dhiiri gelin u ah.

 

Awoodaha Madaxeyne ku xigeenka waxaa kamid ah in uu isagu Madaxweyne ka yahay dalka inta Madaxweynuhu maqan yahay, laakiin waxa maanta ka socda Gobolka Cayn, Madaxweyne ku xigeenku war rasmi ah kama soo saarin isaga oo marar badan saxaafadda, ka soo muuqdey.

 

Qaar ka mid ah shacabka ayaa is weydiinaaya in Madaxweyne ku xigeenku ku mashquuley simaaro la furo iyo xaflado laga qaybgalo halka qaar ka mid ah dalkii dab ka baxaayo, weliba shacabka qaarkiis ayaa tilmaamaya in Gen. Cabdisamad aanu ahayn ninkii wax loo tilmaami lahaa.

 

Qunsuliyadda Itoobiya

 

Todobaadkan waxaa qunsuliyad ka furatey caasimadda Puntland dawladda Itoobiya, taas oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada maamul, ganacsiga, amniga iyo arimaha socdaalka, Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa halkaas ka jeediyey khudbad kooban oo lagu tarjumaayey af Amxaariga, waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen in ay ahayd khudbadii u xumeyd ee abid uu jeediyo nin masuul ah, isaga oo ilaaway qarniga iyo casriga la maraayo, iyo masuuliyadda uu hayo, isla markaana indhaha ka shareertey xaaladda taagan waxa uu ku tilmaamey abaalka ay Soomaali u hayso Itoobiya in uu yahay mid xitaa caruurta Soomaaliyeed ku barbaarin doono, waxaana uu ku soo dhameeyey Itoobiya ha guulaysato, Malas Sanaawi ha jiroo ha joogo!, ma ahayn khudbad ka hadleysa xiriirka labada maamul arimaha ka dhexeeya ee loo baahan yahay in markasta la iska kaashado, sidoo kale waxanu kuba soo qaadin waxa maanta ka taagan Buuhoodle, iyo in shacabkii la khiyaameeyey kolkii ay hubkii ay ka qabsadeen Itoobiyaanka ay u gacan geliyeen odoyaasha dhaqanka taas oo heshiisku ahaa in loo sii daayo gawaarida laga xanibay, laakiin gawaaridii waxaa lageeyey Gaashaamo oo ka tirsan maamulka Itoobiya, iyada oo la sheegay in ganaax iyo canshuur gawaaridaas laga qaadayo taas oo aan la garanayn halka ay salka ku hayso.

 

Maamulka Puntland waxa loo doortey in uu shacabka u adeego, waxaa loo doortey in uu dalka ka difaaco cidkasta oo ku soo xadgudubta, hadaba shacabka Cayn miyaanu Puntland ahayn, haddii jawaabtu tahay maya, hala caddeeyo hana laga waantoobo in la sheegto, shacabka Buuhoodle oo u fadhiya axankii dadkii ka dhintey ma dawbaa in Madaxweyne kuxigeenku yiraahdo, Abaalka Itoobiya ma gudi karno caruurteena ayaana uga sheekeyn doonaa oo ku barbaarineynaa? iyo hadalo ka daran.

 

Mise xaalku waa: Wanka macasha ii qabo; Adigu gawrac ii mari; Dhiiggana aan muudsado

 

Inkasta oo siyaasiyiinta Gobolada SSC timahoodu hal dhan aanu u wada xiirmin, midkastaana maalin shacabka maqashiiyo xaajo uu dan ku wato, Sida Xaabsade oo maalin ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Waxa uu ka mid ahaa ragii asaasey Puntland isaga oo 9 sano ahaa Wasiir aan dhicin oo Puntland ka tirsan, halka maanta haddana uu shacabka maqashiinaayo “….weligey sidaan u qosley markaan Hargeysa ku noqdey uma qoslin intii aan Garoowe joogey…”, laakiin waxaa marag ma doonto ah in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin kuwa hortaagan in Somaliya laba loo kala jaro, xornimada iyo midnimada Soomaaliyana kaga jira baal dahab.

 

Shacabka SSC ayaa u muuqda kuwo siyaasiyiinta u dhalatay ay lugooyeen maamulka Puntland oo ay wax ka dhiseen kuna qanacsanaayeen malahan wax qorshe ah oo ku aadan goboladaas, magaalada Laascaanood waxaa la qabsadey saddex sano ka hor, waxaana maamulku ku doodi jirey maamulkii hore ayaa laga qabsadey, 22 May waxaa maamulka Somaliland qabsadey magaalada Widhwidh (sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland), mana jirto cid ka hadashey arintaas isla markaana u diyaar ah in dhulka inta dhiman ay wax ka difaacaan.

 

Baarlamaanka Puntland oo fasax dheer ku maqan

 

Marka aad maqasho Baarlamaan qof walba waxaa maskaxdiisa kusoo dhaceysa Gole ay ku dhan yihiin wakiiladii Shacabka matalayey, kuwaasi oo hawshoodu tahay inay danta shacabka ka shaqeeyaan, sharciyada dajiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Xukuumada.

 

Hase yeeshee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ah mid aan lagu tilmaami karin Baarlamaan u shaqeenaya shacabka, waxaa isweydiin muddan xili uu dalka xaalad adag iyo dagaalo ku jiro, isla markaana qeybo kamid ah dhulka Puntland ay sheegato, ay dagaalo dad ku dhinteen ka dhaceen, ayaan hadana waxaan jirin hal kalfadhi oo uu Baarlamaanka ka yeeshay marxaladahan dalka ka jira.

 

Xataa Baarlamaanka haduu fasax ku maqan yahay waxaa khasab ah inuu kulamo deg deg ah isugu yimaado xiligii loo baahdo si marxalada dalka ka jirta lagala xisaabtamo su’aalona looga weydiiyo Wasiirada iyo Xukuumada dalka maamusha.

 

Golaha wakiilada wuxuu gabay hawshisii ahayd la xisaabtanka Xukuumada iyo ka shaqeynta arrimaha Bulshada taabanaya, wuxuuna goluhu u muuqda mid fasax dheer ku jira isla markaana aan weli dareensaneyn hawsha sugeysa iyo marxalada dalka ku jiro.

 

Baarlamaanka Puntland hawshiisu ma Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka bay ku koobantahay iyo Ansixinta Dastuurkii qabyada ah? Mise waa mid shaqeeya oo xisaabtama?

 

Goormuu baarlamaanka kala xisaabtami doonaa xukuumada; arrimaha dhulka Puntland ee maqan? Xaalada dhaqaale iyo Amni ee uu dalka ku jiro? Waxqabadka Wasaaradaha? Dhameystirka hawlaha dimuquraadiyeynta iyo nidaamka Xisbiyada? iwm

 

Baarlamaanka ka kooban 66-ka xildhibaan ee Beelaha Puntland soo magacaabeen, ma wuxuu raali ku yahay waxqabad la’aantan muuqata iyo inay xildhibaanadu hawshoodii ku koobnaato xarumaha lagu qaxweeyo iyo fadhi ku dirirka shacabka ku caweeyaan.

 

Mise Baarlamaanka wuxuu weli ku mashquulsan yahay mushaharaadka loo kordhiyey?

 

Hadii Baarlamaankii la xisaabtami lahaa Xukuumada uu hawshiisii kasoo bixi waayey, yaa la xisaabtamaya Baarlamaanka?, ma shacabka Puntland mise Issimadii soo magacaabay? Maxayse tahay kaalinta Issimadu ay ku leeyihiin wax ka qabashada marxaladaha dalka ka jira?

 

Waxaa hubaal ah in Xaalada ka jirta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay mid taabaneysa Puntland guud ahaan, xal u helideedana waa mid loo baahan yahay in si wadajir ah loo abaaro, ayadoo dhinac walba hawshiisa uu kasoo baxayo, Baarlamaankuna ogyahay xilka saaran, Xukuumadana ogtahay hawsha looga fadhiyo, shacabkuna taageeradiisana ay meesha ka muuqato.

 

Hadii aysan arrimahaasi suurto gal ahayn, ma garbaa in Puntland ay sheegato gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ???

 

Hoggaanka SSC

 

Hoggaanka SSC ayaa lagu dhisey shir muddo ka socdey dalka Kenya, kaas oo loogu magacdaray Horseed, waxaana mirihii ka soo baxay loogu magacdaray Hogaanka mideynta Beelaha SSC

 

Hogaanka SSC ee lagu dhisey dalka Kenya, malahan qorshe cad oo qeexaya damacooda ah in ay xoreeyaan gobolada SSC, waxaa hogaanku sheegaa in ay yihiin Soomaali kana tirsan yihiin Dawladda Soomaaliya, taas waa inta Puntland sheegato isla markaana lagu dhisey maamulkii isir wadaaga ku dhisnaa ee Puntland in ay ka mid yihiin Dawlad Federaal ah, Hoggaanku waxa uu iska fogeeyaa in Puntland meel ka soo gasho maamulkooda, waxaana ay dan u arkeen in sidaasi ay tahay waxa ay ku midoobi karaan.

 

Hoggaankan ma ahan mid ay ku mideysan yihiin Isimada goboladaas, waxaa shirkii Horseed ee Kenya ka qaybgalay sadex isim oo keliya, Shirkii Buurowadal miraha ka soo baxay waxa uu noqdey guddiga khusuusiga ah oo keliya waxaana meesha ka baxay arintii ugu muhimsanayd ee ahayd, in ciidamada loo qaybsado si beelo ah cidwalbana wixii lagu qoray ay keento, waxaana taas baajiyey kadib markii inta badan Garaadadu ay heshiis la saxiixdeen maamulka Puntland heshiiskaas oo ay ku caddahay in Dawladdu ka musuul tahay xoreynta deegaanada maqan.

 

Isla shirkii Buurowadal waxaa ka baxay oo bayaan ka soo saarey Isimada Cayn ugu waaweyn sida Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, iyo odoyaal miisaan culus ku leh gobolka Cayn.

 

Hogaanka SSC xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya ma fiicna, waxaana loo tusiyey dad qaswadayaal ah, maamulka Puntland dhinac ma saari karaan oo waxaa ku jira kuwo xagjir ah oo aan magacaas maqli karin haddii kale looga baqaayo in ay meelo fogfog ka soo jeestaan, waxaana halku dhig u ah eray mideyn kara isla markaana ah “SSC waa tashatey cid ay sugeysaana ma jirto”, haddaba haddii aad jamhad tahay waxaad u baahan tahay meel aad dhabarka saarto, qaacido aad ka duusho waa in aad leedahay, waa in aad heshaa meel hubka iyo saanada aad soo marsan karto, dhaawacaaga aad geysan kartid isla markaana aad siyaasadahaaga ka wadan kartid laakiin waxaa isweydiin mudan qaabka hoggaanku doonaayo in uu wax ku xoreeyo?.

 

Shirkii Buurawadal oo socda ayaa Isimada Nugaal ee Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed waxa ay ku casumeen ragii hormuudka ka ahaa shirkii Holhol ee Somaliland joojisey in ay Garoowe gogol walaalnimo u yimaadaan, isimadu kuma casumin magac Puntland, laakiin qaar kamid ah warbaahinta carabka dalabta ah leh ayaa ku sheegtey in Faroole Isimo soo adeegsadey qorshaha Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid ayaa ahaa in Garaadadu arintana aysan isku gooni yeelin ee haddii beel lagu wajahayo laga wadatashado, shirkaas waa ka cudur daarteen Garaadadii ay ku casumeen, weli la isma weydiin sababta Isimada dalabku ka yimid loogu gacansayrey? iyada oo maanta arintu ay marayso meel aysan shalay taagneyn, taas oo saamayn ku yeelan karta taageerada ay ka filan karaa SSC shacabka ku dhaqan gobolada kale ee Puntland.

 

Somaliland iyo damaceeda qaloocan

 

Somaliland inkastoo lagu amaano nabadgelyada iyo maamulka ay sameysteen hadana waxaa marnaba aan la qarin karin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amni ee uga imaan kara Somaliland damaca qaloocan ee ay awood militari u adeegsadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Dadka ku abtirsa jabhadii SNM ee aasaaska u ahayd dhismaha Somaliland, ayaa siyaasadoodii ku wajahneyd ka go’itaanka dhulka Soomaaliya, waxay ku saleenayeen gooni isutaagooda dhibaatooyin beelahaasi ay u geysteen ciidamadii Dawladii Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Bare.

 

Ayadoo aan la inkiri karin dhibaatooyinkii ay ciidamadii dawladii hore ee Siyaad Bare u geysteen deegaanada waqooyi iyo dhulalkii kale ee jabhadaha ka dagaalameen, ayaa waxaa la isweydiinayaa ma dhici kartaa in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, ay aqbalaan wixii ay 30 sano kahor ay diideen Shacabka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ahayd in xoog lagu muquuniyo rabitaankooda?

 

Hadaba Somaliland oo ka awood yar dawladii militariga ahayd ee burburtay, waxay isku furtay mawjad siyaasadeed iyo colaad qoto dheer oo khal khal ku keeni kara nidaamka iyo nabadgelyada ay xiligan ku taamayaan shacabka reer Soomaaliland.

 

Waxaana ayaduna meesha ka baxday doodii ahayd Puntland baa Soomaaliland kusoo duushay, ayadoo ay xiligan ay muuqato in dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo shacabkii SSC oo si cad uga soo horjeestay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa. Waxaana adag dhiiga daadanaya ee gobalada SSC in wax ictiraaf ah ama guul siyaasadeed u keeno maamulka Somaliland.

 

Nabsigu waa wareegaa aduunkuna waa hadhka labadiisa gelin, labadii shalay xumaanta ku wada socotey ayaa berri nacab isu noqonaaya, Somaliland xiligan waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah iyo doorashooyin, mana cada waxa xigi doona doorashooyinkaasi, waxaase hubaal ah in danta Somaliland ay ku jirto inay illaaliso daris wanaaga iyo wada noolaashaha beelaha jaarka ah.

 

Xukuumadda Puntland waxaa la gudboon in xaaladda ay u aragto mid dhab ah oo khatar ah isla markaana ay ka baxdo riyada khiyaaliga ah ee ay dhexdabaalanayso

 

Xukuumaddu waxa ay ku faantaa mushaharka ayaan joogto u bixinaa, magaca Puntland waxaan gaarsiiney meel sare oo shirar caalami ah ayaan ka qaybgalnaa, dasstuurkii ayaan habayney, waa arimo wanaagsan laakiin Shacabka wax weyn uma arkaan mushaharka aad naftiina siisaan iyo shaqaalaha xukuumadda taas oo ah lacagtii iyaga laga soo qaadey ee canshuurta ahayd ee shacabku waxa ay danaynayaan waa:

 

1. Puntland oo hal miisaan la wada saaro

2. Dalka oo la difaaco lana adkeeyo midnimadiisa

3. Maamulka oo la baahiyo lagana dejiyo laamiga iyo wada dheer taas oo ah hubaal in aan maamulku baahin gaarina meelihii u baahnaa (Sida ku cad cilmibaarista la joojiyey)

4. Sharciga oo lagu dhaqmo.

5. Mashruucyadii socdey oo dhamaystirma.

6. Mashruucyo cusub oo la keeno.

7. Lana hirgeliyo qorshihii looga bixi lahaa baarlamaanka beeleysan.

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this