Saalax Posted October 1, 2010 Taliye Xudhuun oo Xil Ka Qaadistiisa Ku Eedeeyay Nuux Taani (Hadhwanaagnews) Friday, October 01, 2010 Taliyihii hore ee ciidamada qaranka u qaabilsanaa galbeedka Somaliland Col. Maxamed Cismaan Ibrahim (Xudhuun) Hargeysa(HWN)-Taliyihii hore ee ciidamada qaranka u qaabilsanaa galbeedka Somaliland Col. Maxamed Cismaan Ibrahim (Xudhuun), ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa oo dareen xasaasiyad leh ka abuurtay gobalka Awdal iyo arrimo kale. Md. Xudhuun, oo isagoo jooga Hargeysa xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay inuu xilka wareejinayo dhawaan, waxase uu sheegay inuu xil ka qaadistiisa ka shaqeeyay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Md. Nuux Ismaaciil Taani, oo uu ku eedeyay inuu Madaxweynaha uga gudbiyay warbixino uu ku tilmaamay been abuur.“Haa xilkaygii sidaa ayuu ku dhamaday waanan wareejinayaa xilka.” ayuu yidhi Xudhuun, oo la weydiiyay inuu xilkii wareejiyay, waxaanu isagoo ka jawaabaya sida uu bedelaadiisa u arko uu yidhi, “Waxaan u arkaa badalaadayda, horta waala I badalay, hase ahaatee xilkaa la iga qaaday nin ayaan u aanaynayaa, ninkaasina waa Nuux (Taliyaha Ciidanka qaranka).” Mar la weydiiyay waxyaabaha ka dhexeeyay taliyaha ciidanka qaranka oo uu xil ka qaadistiisa u aaneeyay, wuxuu yidhi, “Waxa naga dhaxeeyay ma jiraan, mana ogi wax naga dhaxeeyay.” Col. Xudhuun, oo la weydiiyay inuu qaban doono xilka kale ee ciidamada looga dhiibo, waxa uu yidhi, “Inta uu Nuux xilka ciidanka hayo inaan xil ciidan qabto ma rabo. In la I badalo masabidka Nuux ayaa keenay oo Nuux-baa been igu masabiday.” Mar la weydiiyay sida uu u arko dareenka ay xil ka qaadistiisa ka abuurtay magaalada Borama, waxa uu yidhi, “Shalay ayaan ka imid oo waxba ma kacsana oo beenbaa laga sheegayaa, odayaashuna way hadleen oo rayigooda ayay ka hadleen laakiin wax kacsani ma jiro, shalay ayaan ka imid oo wasiirka arimaha gudaha iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa joogay, markaa wax ka dhacay iyo wax ka jiraan midna ma jiraan. Farinta aan umadda reer Awdal u dirayaa waxa weeyaan inay daganaansho muujiyaan oo ay sidii ay awalba u daganaayeen u daganaadaan.” Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed, u rajeeyay inuu Alle xilka ku garab galo. Waxa uu Md. Xudhuun, sheegay inaanay waxba ka jirin dacaayado uu sheegay inuu Md. Nuux Taani ka faafiyay, “Umadana waxaan leeyahay waxaas waxba kama jiraan, anigu 15 sanadood ayaan xilka hayay, 15-kaa sanadoodna raggii taliska ciidanka soo qabtay ee aan la soo shaqeeyay ayaa wax iga sheegi lahaa, haddii aan nin xun ahay ama aaan wadanka khiyaameeyay raggaas ayaan ogaan lahaa.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 1, 2010 Libaahe col Xudhuun he failed and was incompetent the whole Seylac (onlf) fiasco was because of his lack of Performance that's why he was sacked. It has nothing to do with General Nuux ismacil taani, thats just pure Nonsense. Siilaanyo did a good thing sacking Xudhuun. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted October 1, 2010 Xaji_Xunjuf, that is what he claims though we will see where this latest accusations against Tani leads to, seems there is other people involved in the sacking of General Xudhuun if you ask me. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 1, 2010 Turn in your resignation, leave and shut up! Somalis Quote Share this post Link to post Share on other sites