Emperor Posted November 27, 2007 Ugandha oo sheegtay in Ciidamadeeda aysan ka baxayn Soomaaliya, ciidamo horlehna soo wado Last Updated::2007-11-26 16:39:52 Kambala(HRNet):-Taliyaha Ciidamada Ugandha Gen Katumba Wamala ayaa sheegay in ay ciidamadooda ay sii joogi doonaan dalka Soomaaliya. Lt-Gen Katumba Wamala oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadooda sii joogi doonaan dalka Soomaaliya, asagoo sheegay in cutubyo horleh oo ka socda ciidamada Ugandha la geyn doono dalka Soomaaliya. Jeneraalka hogaamiyaha ciidamada Ugandha ayaa warkan soo saaray Maanta kadib markii ay soo baxeen hanjabaadyo ka imaanaya kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Muqdisho oo sheegay in weeraradooda la beegsan doonaan Ciidamada Ugandha ee ka socda AMISOM. Gen Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamadooda ay iska difaaci doonaan cidii weerar kusoo qaada, asagoo ku nuux nuuxsaday in aysan hada ugu horeyn hanjabaad loo geysto ciidamadooda. Jawaab adag baanu ka bixin doonaa hadii ciidamadayada la wareero ayuu yiri Gen Katumba Wamala asagoo wareysi gaar ah siinayey Jariirada EastAfrikan. Gen Katumba Wamala ayaa sheegay in mabda;a ama qadiyad amni sugid ah u joogaan dalka Soomaaliya, halkaasina ay sii joogi doonaan inta hawshooda ay kasoo dhamaaneyso. 250 oo askari oo horleh oo ka socda Ciidamada Ugandha ayaa lagu wadaa bilowga Sanadka 2008 la geeyo magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan ciidamada Ugandha ee halkaasi hada ku sugan. Ciidamadan ayaa waxaa tababaro gaar ah siiyey ciidamada ingiriiska ee SAS iyo kuwa dalka Faransiiska, waxaana loogu talo galay in taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada AMISOM. Ciidamada Ugandha ayaa ah kuwa kaliya ee hada ka socda AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna gaarayaan 1600 oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho. Midowga Afrika ayaa ugu talo galay dalka Soomaaliya in la geeyo ciidamo 8000 ah oo nabada suga isla markaana taageero siiya Dowlada Federaalka. Ciidamadaasi oo ay hogaanka sare u hayn doonaan saraakiisha Ugandha. Dowlada Ugandha ayaa sheegtay in uu xil gaar ah kasaaran yahay sugida amniga dalka Soomaaliya maadaama amni xumada ka jirta Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karto gobalka oo dhan ayuu yiri Taliyaha ciidamada Ugandha Gen Katumba Wamala. Ahmed Musse HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites