Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi meets crown prince of Saudi Arabia

Recommended Posts

Ra'isal wasaare Geedi oo la kulmay Amiir Nayf

Last Updated::2007-07-12 12:31:22

 

Jeddah;-Ra'isal waaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu shalay kulan la yeeshay--

wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Sucuudiga Amiir Nayf Bin Cabdulcasiis

 

kulankan oo ka dhacay xafiiska amiirka ee magaalada Jedda ayaa waxaa labada masuul ay kulankodan kaga wada xaajooden arrimaha dalka Somaliya iyo sidii labada dal ay u xoojin lahayeen xiriirka iskaashi ee u dhexeeya

 

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhinaca Sucuudiga masuuliyiin ay ka mid ahaayen Dr Musaacid bin Maxamed Al-caybaan oo ah wasiiru dawlaha adeega guud kana tirsan golaha wasiirada iyo agaasimaha guud ee xafiirka wasiirka arrimaha u qaabilsan dhinaca baaritanada Gen Sucuud Bin Salix bin Dawud

 

Halka dhinaca kale ee Somaliya ay goob joog ka ahaayeen wasiirka kaluunka iyo khayraadka badda Xasan Abshir Faarax,wasiiru dawlaha arrimaha dibeda Faarax Cali Maxamed iyo safiirka Somaliya u fadhiya boqortoyada Sucuudiga Axmed Cabdulahi Maxamed

 

Wakaalad@hotmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi oo ku sugan Sucudiga

12 Jul 12, 2007 - 8:32:29 AM

 

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo maalmahan booqasho ku marayey dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeshay Ganacsatada iibsata xolaha laga soo dhoofiyo dalka Somaliya isagoo kala hadlay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen in cunaqabateynta laga qaado xayiraada saaran xoolaha Soomaaliya.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday ganacsatada Sacudiga in ay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa ganacsiga xolaha iyo xiriirka labada dal iyadoo kulankasina la iskula gartay in xayirada laga qaado xoolaha dalka Somaliya isla markana la sameyo xarumo caafimaad oo lagu baaro xoolaha dalka Soomaaliya.

 

 

Geedi oo la kulmaya boqorka Sucuudiga

Geedi ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala gedisan uu la yeeshay Boqar Cabdalla Bin C/casiis, wasiirka arrimaha dibada Sacudi Carabiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay ka wada hadleen horumarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga.

 

Booqashadaan ayaa la xiriirta sidii Xukuumada Geedi oo aan xiriir wanaagsan la laheyn wadamada carabta ay kor ugu qaadi lahayd iskaashi dhexmara labada dhinac.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this