General Duke Posted July 12, 2007 Ra'isal wasaare Geedi oo la kulmay Amiir Nayf Last Updated::2007-07-12 12:31:22 Jeddah;-Ra'isal waaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu shalay kulan la yeeshay-- wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Sucuudiga Amiir Nayf Bin Cabdulcasiis kulankan oo ka dhacay xafiiska amiirka ee magaalada Jedda ayaa waxaa labada masuul ay kulankodan kaga wada xaajooden arrimaha dalka Somaliya iyo sidii labada dal ay u xoojin lahayeen xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhinaca Sucuudiga masuuliyiin ay ka mid ahaayen Dr Musaacid bin Maxamed Al-caybaan oo ah wasiiru dawlaha adeega guud kana tirsan golaha wasiirada iyo agaasimaha guud ee xafiirka wasiirka arrimaha u qaabilsan dhinaca baaritanada Gen Sucuud Bin Salix bin Dawud Halka dhinaca kale ee Somaliya ay goob joog ka ahaayeen wasiirka kaluunka iyo khayraadka badda Xasan Abshir Faarax,wasiiru dawlaha arrimaha dibeda Faarax Cali Maxamed iyo safiirka Somaliya u fadhiya boqortoyada Sucuudiga Axmed Cabdulahi Maxamed Wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 12, 2007 Geedi oo ku sugan Sucudiga 12 Jul 12, 2007 - 8:32:29 AM Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo maalmahan booqasho ku marayey dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeshay Ganacsatada iibsata xolaha laga soo dhoofiyo dalka Somaliya isagoo kala hadlay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen in cunaqabateynta laga qaado xayiraada saaran xoolaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday ganacsatada Sacudiga in ay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa ganacsiga xolaha iyo xiriirka labada dal iyadoo kulankasina la iskula gartay in xayirada laga qaado xoolaha dalka Somaliya isla markana la sameyo xarumo caafimaad oo lagu baaro xoolaha dalka Soomaaliya. Geedi oo la kulmaya boqorka Sucuudiga Geedi ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala gedisan uu la yeeshay Boqar Cabdalla Bin C/casiis, wasiirka arrimaha dibada Sacudi Carabiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay ka wada hadleen horumarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga. Booqashadaan ayaa la xiriirta sidii Xukuumada Geedi oo aan xiriir wanaagsan la laheyn wadamada carabta ay kor ugu qaadi lahayd iskaashi dhexmara labada dhinac. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites