Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Puntland security chief we are ready for any trouble

Recommended Posts

Boosaaso:"Ciidankeenu Heegan Culus bay kujiraan"Wasiirka Amniga ee D/Puntland.

4. august 2010

 

APL

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Wasiirka Amniga Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Jen,Yuusuf Axmed Kheyr ayaa shaaca kaqaaday in Ciidamad kaladuwan ee Dawlada Puntland ay heegan buuxa ku jiraan islamarkaasna ay Diyaar u yihiin inay Dalkooda & Dadkoodaba ka difaacaan cidkasta oo isku dayda inay Amaanka Dalkiisa khalkaliyaan.

 

Jenenku wuxuu sidoo kale sheegey in Ciidamada Sirta ee Puntland oo dhowr nooc ah islamarkaasna Qaarkood hubaysanyihiin ay ilgaar ah ku hayaan Kooxo uu Argagaxiso ku tilmaamay oo uu sheegey in ay Imika Dalka Soomaaliya kusoo duuleen Waxaana uu Wasiirku intaas ku daray in Kooxahaas qaarkood ay joogaan Buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

 

"Ciidankeenu Heegan Culus ayey ku jiraan..Waxayna Diyaar u yihiin inay la dagaalamaan cidkasta oo isku dayda inay Amaankeena & Xasiloonideena Khalkhalisa..Waxaana imika Dhibaatooyin badan soo siyaadiyey Argagaxisada oo Dalkeena Dhibaatooyin ku haya Amaanka Puntland"Ayuu yiri Wasiirka Amaanka ee Puntland.

 

Yuusuf Axmed Kheyr wuxuu sheegey in Dhawaan Tilaabadii ay Xukuumadiisu qaaday islamarkaasna ay deegaanadooda ugu Colaysay Boqolaal Ruux ay ahayd mid imika Miraheedii lahelay islamarkaasna Magaalada Boosaaso oo Amaankeedu khatar galay ay imika Soo roonaanayso,isagoo sheegey in ay Dhawaan si toos ah uga guulaysan doonaan Cadowyadooda kaladuwan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this