Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President holds court with cabinet

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta ka qeybgalay kulan xasaasi ah oo golaha wasiirada ku yeesheen Muqdisho

29. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Goalaha wasiirada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta nabad sugida ee magaalada Muqdisho kaasoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha dowladda KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo khudbad gaaban ka jeediyay.

 

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoominayey Ra;iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo sidoo kale saraakiisha ciidamada amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere uu ka qeybgalay kulankaasi oo si weyn looga hadlayey arrimaha amaanka xili xaalada nabadgelyo ee Muqdisho u muuqata mid sii wiiqeysa.

 

Wasiirul Dowlaha arrimaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in kulankii maanta uu ahaa mid qodobo dhowr ah looga hadlayey iyadoo arrimaha amaanka ay ugu weynaayeen isgoo ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad gaaban uu ka jeediyay waxaa uu ugu hadlay xaalada nabadgelyo ee Muqdisho iyo sida looga baahan yahay in wax laga qabto, sidoo kale Madaxweynaha ayaa golaha wasiirada hordhigay qodobadii ka soo baxay shirweynihii dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, qodobadaasi oo dhaliyay dood xasaasi ah iyadoo markii uu Madaxweynaha dhameystay khudbadiisa uu ka baxay shirkii waxaana horay ugu sii dooday golaha wasiirada oo aan wax war ah ka soo saarin kulankooda.

 

Waa markii ugu horeysay ee kulanka golaha wasiirada ay ka qeybgalaan Madaxweynaha dowladda KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Taliyeyaasha ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka Banaadirqeybaha amaank

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wasiirada Dowlada KMG Oo Ku Shirsan Muqdisho, Madaxweyne Yuusuf Iyo Geedi Oo Kulankaasi Ka Qeyb Galay

 

Posted to the MOL September 29, 2007, 8:32 am

 

Magaalada Muqdisho wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in iminka uu kulan xasaasi ah oo uu goob joog ka yahay madaxweynaha dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed uu ka socdo xarunta nabad sugida magaalada .

Kulankaani golaha wasiirada leyihiin oo uu shir gudoominayo Ra`isul wasaare Geedi ayaa ilo ku dhaw sheegayaan in looga hadlayo arimo ku saabsan xarigga gudoomiyaha maxkamadda sare , iyadoo kulankaani laga fogeeyay saxaafadda .

 

Waxaana si weyn loo sugay amaanka wadooyinka gala xarunta nabad sugida , iyadoo madaxda sare ee dowlada amaankooda si weyn loo adkeeyay .

Arrinta xarigga gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa qilaaf kala dhex dhigay labada mas`uul ee dalka uga sareeya madaxweyne Yuusuf iyo Ra`isul wasaare Geedi.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha wasiiradda dowladda KMG ah oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

 

Mogadishu ,29, September 2007 (HornAfrik Media)

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa ka qeybgalay kulan xasaasi ah oo ay golaha wasiirada dowladda fadaraalka soomaaliya maanta ku yeesheen xarunta nabad sugida ee Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka maanta ay isagu yimaadeen golaha wasiiradda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo ahaa mid balaaran oo lagu lafa gurayay qodobo door ah kuwaas oo uu gu muhiim sanaa dhinaca nabadgalyada ayaa waxaa ka qeyb galay hay’addaha nabadgalyada dowladda KMG ah iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

Kulankaan oo ahaa mid albaada ay u laaban yihiin ayaa qodobadii looga hadlay waxaa si kooban uga warbixyay HornAfrik wasiir dowlaha arrimaha Gudaha dowladda KMG ah Maxamuud Siyad Aadan isagoo sheegay in howlo ammaan oo deg deg ah looga hadlayay.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu golaha wasiirada hordhigay qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho si ay uga doodaan,iyadoo halkaasi ay dood xasaasi ah ku dhexmartay Golaha wasiirada.

 

Kulankaan dhexmaray golaha wasiiradda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay Ray’sal wasaaraha dowladda Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi waxaana lagu tilmaami karaa kulankii ugu adkaa ee dhexmara in Golaha wasiiradda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda KMG oo ka qeyb galay kulan ay maanta yeesheen Guddiga amniga iyo golaha wasiirada.

 

{ 29 Sep 2007}

waxaa la daabacay Sat 29 Sep 2007 10: 05: 27

Kullan xasaasi ah oo ay maanta xarunta nabadsugida ee magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga amniga qaranka iyo golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey Prof. Cali Maxamed Geeddi oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaasoo looga hadlayey labo qodob oo kala ahaa xaaladda cusub ee nabadgelyada Muqdisho iyo xariga loo geystay Guddoomiyihii maxkamadda sare ee qaranka Dr. Yuusuf Cali Haaruun ayey si saraaxad leh ugu doodeen.

 

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xernaayeen ayaa dhamaadkiisa kadib ay soo baxeen qodobadii looga hadlay oo ay ugu xasaasinaayeen ansixinta qodob ka mid ahaa heshiiskii dib u heshiisiinta beelaha kaasoo sheegayey in magacaabista golaha wasiirada laga soo xuli karo meel Baarlamaanka ka baxsan taasoo dhalisay dood iyo kala fikir duwanaansho iyadoo Madaxweynuhu uu soo bandhigay qodobkaas ay saraaxad leh uga doodeen golaha wasiirada iyadoo aan la ogeyn in ay ogolaadeen iyo iney diideen balse warar hoose ayaa sheegaya in xili kale lagu balamay in qodobkaasi laga doodo.

 

Sidoo kale xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa golaha wasiiradu badankood ay ku tilmaameen inuuu yahay mid sharci daro ah hadii uu danbi galo ama ay ku cadaato waxaa haboon in sharciga xeritaankiisa ka hor la marsiiyo ayey ku doodeen golaha wasiirada oo diiday in Guddoomiyaha oo xilkiisa haya xabsiga la dhigo, qodobkaas ayaan la ogeyn waxa ka soo baxay iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in talo soo jeedin aheyd in xilka laga qaado Guddoomiyaha maxkamadda sare looga dooday shirka, iyadoo sidoo kalena looga hadlay sidii Baarlamaanka loogu gudbin lahaa miisaaniyada dowladda oo mudo afar cisho ay u qabteen Guddoonka Baarlamaanka taaso ay isku raaceen golaha wasiirada.

 

Gabagabadii kulankaas ayaa looga hadlay warbixin uu soo jeediyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “M.Dheere” taasoo ku saabsaneyd xaaladda nabadgelyo ee maalmahan danbe gaar ahaan xalay ku soo korortay Muqdisho walow aan la ogeyn go’aanka ay ka qaateen guddiga amniga qaranka, golaha wasiirada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

_44144921_04somalia_ap.jpg

 

On the same day, a Somali woman carries sacks of food aid in a camp in Jowhar where tens of thousands of people have fled from the war-torn capital, Mogadishu.

 

While he is holding meetings,his citizens are displaced and feeding on releif food. Yaa rabi,look at the hardship faced by this Somali Woman? She is carrying close to 100lbs of some nuitrionless grain. :mad:

 

What are the chances of the cabinet talking about reconciliation & feeding the citizens?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its a tragedy, what our dear people have been facing these past decades. Though its ironic that the same people who use this ladies plight as a political weapon, are also encouraging the continuation of war, through the Asmara initiative, the bombers, the land mines and anarchy.

 

The only ay out is to end the anarchy,and the TFG is doing just that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaaha DFKMGS Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi ka socday Dawlada Kuweyt oo Maanta si wadajir ah uga qeybgalay Kulankii Golaha Wasiirada ee Xarunta Nabadsugidda Qaranka"NSS"-ta ee magaalladda Muqdishu ka dhacay

 

Madaxweyne C/llaahi Yusuuf Axmed iyo Wufuud ka timid Dalka Kuweyt ayaa si wadajir ah maanta waxa ay uga qeybgaleen Kulan Xasaasi ah oo ay Golaha Wasiirada maanta ku yeesheen Xarunta Nabad sugida Qaranka Muqdisho.

 

Xarunta Kulanka iyo Goobaha ku dhaw dhaw ayaa waxaa la dhigay Ciiddamada Xooga Dalka Somaliyeed iyo Ciidamada Uganda ee AMISOM waxaana ay mamnuucay inay dadka iyo Gaadiidka BLka adeegsadaan Waddooyinka soo gala Xarunta NSS-ta oo ku taalla Degmadda Shibis.

 

Kulankaan oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxaa looga dooday Ajendayaasha dhinacyadda Nabadgelyada Qaranka , Maamulka, iyo Siyaasada.

Kulankaan oo si marti sharaf ah loogu casuumay Wafdiga Dawlada Kuweyt ka socday ayaa waxa ay halkaa ka balanqaadeen in ay gacan ka geysan doonan Horumarinta dhinaca Warbaahinta somalia gaar ahaan in ay qalab iyo Tababaro isugu daraan Shaqaalaha Wasaaradada Warfafinta sida uu sheegay Max'ud Sayid Aadan oo ah Wasiiru dawlaha Arimaha Guadaha oo kulankaa kadib la hadlay Saxaafada

 

Max'ud Sayid Aadan ayaa sheegay in kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Saraakiil ka socotay Ciidamada Nabad ilaaliyasha Uganda ee AMISO , waxaana ay fikrado ka dhiibteen Sida Max'ud Sayid Aadan Sheegay sida ugu Fiican oo ay Dawlada ku hanan karta Amaanka Caasimada

 

Kulankaan ayaa ah mid si weyn ay afkaarahooda Madaxweynaha Hortiisa uga dhiibteen Wasiirada Xukuumada .

 

Ilo Wareedyo kale oo aan kulanka ka helanay ayaa sheegay in Madaxweynuhu cafis u fidiyey Gudoomiyihii Maxkamada Qaranka Dr:Yusuf Cali harun iyo Garsoore Sheegow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this