Sign in to follow this  
General Duke

Awdal community a little pissed of at Siilanyu cabinet

Recommended Posts

Xukuumada Cusub Waa Mid Aan Anigu Filayey, Waana Mid Reer U Dhisan Oo Marka Horaba Ilaahay Laga Baryayey, Waxaan Xasuustaa Heestii Kulmiye Ee Ahayd Beeshu Wey Haraaday..!! Shay Xuseen Xareed Boorama

 

Boorama, July 29, 2010 (Haatuf) - Magacaabista xukuumadda cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ahayd mid si weyn looga saluugay gobolka Awdal, iyada oo la raagsaday ku dhawaaqista xubnaha xukuumada cusub mudada bisha ahayd ee xilka lagula kala wareegayay, xukuumada cusub oo looga yimid ka mid noqoshadeeda qurbaha iyo gobolada dalka, ayaa markii uu shalay ku dhawaaqay Siillaanyo durba saluug ay ka muujiyay shacabka ku dhaqan Boorama.

 

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Boorama Hashim Goth

 

“Dadka ayaa suuqyada la dhexmarayey waraaqo magacyo ku qoranyihiin duhurnimadiiba, taas golaha wasiirada ee 20-ka ahaa laga siiyey laba wasaaradood oo ka mid ah kuwa aan muhiimka ahayn, waxay dad badani sugayeen in isku dheelitirka xilalka iyo gobolada uu madaxweynuhu si cadaalad ah u mgacaabi doono.

 

Dhinaca kale waxa dadka reer Awdal filayeen maadaama xilkii Madaxweynaha ee ay hayeen si fiican uga degeen in ay heli doonaan bedel fiican, fikirkaas oo uu aaminsanaa Xasan faarax oo ka mid ah dadweynaha Boorama waxa uu yidhi “Marna maan filayn in Axmed Siillaanyo oo aan lahaa waa siyaasi qaran oo qiimayn doona beelah darafyada uu Boorama siiyo 2 wasiir, halkaasi waxa ka cadaatay inuu ka aargudanayo tartankii doorashada ee ay wadagaleen”.

 

Nin isna magaciisa ku sheegay Shay Xuseen Xareed ayaa isna yidhi xukuumada cusub waa mid aan anigu filayey, waana mid reer u dhisan oo marka horaba ilaahay laga baryayey, waxaan xasuustaa heestii Kulmiye ee ahayd Beeshu wey haraaday..!!”

 

Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan u dambeeyayba badnaa shirar doceedyada, gaar ahaan taageerayaashii xisbiyada laga guulaystay, kuwaas oo ujeedada shirarkoodu ahayd ka warsugida dhismaha xukuumada cusub iyo ku talogalka Gobolka Awdal ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha cusub, ayaa goobaha la iskugu yimaad ee magaalada Boorama aad ku arkaysay iyada oo meel walba kooxi ku murmayso, isla markaana la isweydiinayo muxuu ina siiyay? Iyo reer hebel muxuu siiyey.

 

Dhinaca kale qaar ka mid ah Ganacsato, Oday dhaqameedo iyo Haween aan wax ka weydiiyay aragtida ay ka qabaan dhismaha xukuumada cusub ayaa si isku mid ah iigi sheegay inay Jawaabtooda aanay la degdegayn, balse ay u arkaan in aanay arkayn wixii Madaxweyne cusub sheegay inuu cadaalad dadka ku dhiqi doono, Maxamed Jaamac ayaa isagi yidhi “Hadii cadaaladii uu sheegayay sidan tahay, ma ahayn uu wasaaradaha ku daro wasaarada cadaalada, waayo marnaba cadaalad uma dhawa, Siyaasigan Maxamed Jaamac oo isagu hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye wuxuu intaas raacshay, Hadii uu cadaalada iyo xaqa sidaa u yaqaan Madaxweyne Siillaanyo waa mid cadceed sacab ku qarin ah.

 

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Cusub ayaa isagu hore u sheegay inuu Soo dhisi doono Xukuumadan kooban oo tayo leh, isla markaana uu ku afeef dhigtay inuu ka tagay haldoor farabadan, balse uu rajaynayo inuu kuwaa uu ka tagay ay la shaqayn doonaan dawladnimadana ku dhisan tahay wada jir iyo gacmaha oo la isqabsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We're having problems like these in Somaliland, and you expect us to come into your mess? lol. Do you see how bizzare your idea of "Somaliwayne" sounds?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^Awdalites have given their full support to "Somaliland" project, yet Mr. Silanyo gave an important ministerial portfolio to a community whose majority belong to the Somalia's union army. Hence the early anger at his admin will keep on dragging..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nassir:

^Awdalites have given their full support to "Somaliland" project, yet Mr. Silanyo gave an important ministerial portfolio to a community whose majority belong to the Somalia's union army. Hence the early anger at his admin will keep on dragging..

How are the garowe boys treating your people again?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Awdal had 3 ministers in rayaales cabinet which was a bigger one then this of AMM ,this cabinet is smaller then the other one they have two ministers so it’s all fair

Share this post


Link to post
Share on other sites

So far only one of the smallest hargeisa communities seem unhappy , they should run for mayor in the future , The rest of the Somaliland people all welcome the new cabinet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually awdal got 3 ministers including the Djiboutian Minister post so it’s all fair, in the article it says people are saying awdal gabiley and salal didn’t get what they want but if you include gabiley well they have four. So it’s all good

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by AfricaOwn:

quote:Originally posted by Nassir:

^Awdalites have given their full support to "Somaliland" project, yet Mr. Silanyo gave an important ministerial portfolio to a community whose majority belong to the Somalia's union army. Hence the early anger at his admin will keep on dragging..

How are the garowe boys treating your people again?
Lol, my people in Galgala and Bosaso shall prevail over Farole's double-dealings and cries over the media. Reer Garowe has nothing to do with this conflict spawned by an individual who heads an independent and foreign-financed security organization.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this