Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa NW Somalia: bomb strike?

Recommended Posts

Qarax ka dhacey magaalada Hargeysa

9 Apr 9, 2008 - 9:15:20 AM

 

Xarunta Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax weyn oo waxyeello gaarsiiyay xaruntaas, kaasoo ay sheegeen Booliiska Maamulkaas inuu ka dhashay walxo qaraxa oo la dhigay xarunta gudaheeda.

 

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay kasoo horjeddaa Madaxtooyada Somaliland, waxaana ay sheegeen saraakiisha maamulkaas ee ka shaqeeya ammaanka iyo kuwa ka hortagga miinooyinka in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay xarunta guurtida Somaliland.

 

Qaraxaan oo noqonaya kii saddexaad oo muddo toddobaad ah ka dhaca magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inuu ka dhacay mid ka mid ah qolalka xarunta guurtiga ee Somaliland, isagoo burburiyay qalab xafiiskeedkii yaallay qolkaas iyo sidoo kale saqafka dhismaha oo dhan.

 

Madaxa howlgelinta kooxda ka hortagga miinooyinka ee ISMAG oo lagu magacaabo C/raxmaan Yuusuf Diir-qalaad ayaa sheegay in qaraxa oo dhacay 12:00 duhurnimo ee maanta uu ahaa mid loo adeegsaday walxo qarxa oo la isku geeyay. Taliyaha Booliiska Somaliland Gen. Maxamed Saqadi Dubbad oo ka hadlay qaraxaas ayaa sheegay in qaraxa uusan geysan wax khasaare nafeed ah, maadama xilliga uu ku sheegay inuu ahaa mid la rawaxay, waxaase uu sheegay Taliyuhu inay baaritaanno wadaan, cid ay ku tuhmayaanna ma aysan sheegin.

 

Qaraxaan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo ay jiraan shirar hoose oo ay lahaayeen guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka tashanayay qabashada doorashooyinka, waxaana jiray buuq weyn oo u dhexeeya Xisbiga talada dalka haya iyo xisbiyada kale ee mucaaradka ah, kuwaasoo ku saabsan dib u dhigis lagu sameeyo doorashooyinka, waxayna mucaaradku ku hanjabeen in haddii xilliga doorashooyinka laga daba-mariyo bisha October ee sannadkaan ay taasi dhibaato keeni karta.

 

Waxay wararku sheegayaan in qaraxaan lala damacsanaa in lagu waxyeelleeyo guddiga doorashooyinka SL oo iyagu shir albaabbadu u xiran yihiin kulahaa xarunta guurtida SL ee maanta la qarxiyay; inksatoo shirka dabadii uu qaraxu dhacay.

 

Muddo 7-casho gudahood ah ayaa waxaa ka dhacay Hargeysa ilaa 3-qarax oo lagu kala tuuray guriga Wasiirka Iskaashiga Gobollada SL Mr. Buuni iyo guriga xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka, iyadoo qaraxyadaanaysan geysan khasaare nafeed.

 

Dadweynaha Hargeysa ayaa waxay si weyn uga cabsi qabaan in qaraxyadaan

ay xiisado cusub ka abuuraan Magaalada, waxaana jirta cabsi badan oo laga dareeyo dadka ku nool Hargeysa.

 

Garowe Online, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weerar Bam oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa

Last Updated::2008-04-09 16:11:37

 

Hargeysa (HR Media) Waxaa maanta bam gacmeed lagu weeraray xarunta ay ku shiraan golaha guurtida ee maamulka Soomaaliland,

kaasoo aan geysan wax dhibaato ah.

 

Weerarkaasi waxaa uu dhacay xili halkaasi ay ku shirayeen xubnaha golaha guurtida oo ay ka doodayeen arrimo muhiim ah.

 

Qaraxu wuxuu ka dhacay mid ka mid ah qolalka xarunta iyadoo aan jirin cid markaasi ku dhex jirtay qolkaasi.

 

booliska magaalada Hargeysa ayaa wada baaritaan dhinaca ammaanka ah iyo ciddii ka dambeysay weerarkaasi.

 

HR Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this