Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Vice President visits the injured survivors of a traffic-Car accident in Hospital

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka DGSPL Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Md. Xassan Daahir Afqurac Oo Cisbitaalka Garoowe Ku Booqday Dadkii Ku Waxyeeloobay Shil Baabuur.

 

garoowe003.jpg

 

Garoowe(Radiossc.net):-Madaxweyne ku xigeenka Ahna sii hayaha xilka madaxweynaha ayaa booqasho ugu tagay dadkii ku waxyeeloobay shilkii baabuur ee Galabnimadii Shalay ka dhacay duleedka magaalada Garoowe, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Guud ee Garoowe Dr. Max’ed Xassan Carabey.

 

garoowe002.jpg

Dr. Maxamed Xassan Carabey

 

Dr.Max’ed Xassan oo ka war bixinayay dadkaasi waxyeelada ba’ani soo gaartay ayaa sheegay in la keenay Cisbitaalka 4:00-tii galabnimo ee shalay, ayna ahaayeen 19-qof oo dhaawac ah oo u badan dad Itoobiyaan ah, lix iyo toban ka mid ahi ay garaabo ahayd.

 

Dr. Carabey waxaa kale oo uu intaasi ku daray in loo sheegay in shilkaasi sababay laba baabuur oo isku dhacay oo midkood ay lugi ka qaraxday, kan dadka dhibaatadani gaartayna uu ahaa mid ka yimi dhinaca Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya kaasoo siday dadka intooda badan oo itoobiyaan (Oromo) u badan.

 

Dhaawicii la keenay ayuu Dr. Carabey sheegay in uu saaka subaxnimadii ka geeriyooday hal nin oo la garan waayay Magaciisa, balse nin ka mid ahaa dadkii dhaawaca ahaa oo magaciisa la yiraahdo Shaamil Max’ed Siciid ayaa sheegay in ninka geeriyooday ay walaalo ahaayeen nin la yiraahdo Axmed Ayelo oo jooga Magaalada Burco oo laga helo Tel.No. 00 252 2 438459. ninkaasna la raadin doono.

 

Agaasimaha Cisbitaalka Dr. Carabey waxaa kale oo uu sheegay in Cisbitaalku uu ku filan yahay dawada iyo dhuuniga dadkaasi ayna hadda u dalbeen Xoolo loo qalo iyo dharba, waxaana uu beeniyay warbixintii shalay galabnimadii ka baxday idaacadda BBC-da taasoo uu sheegay inay tahay waxba kama jiraan.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa aad uga mahad celiyay Maamulka iyo shaqaalaha Cisbitaalka dadaalka ay sameeyeen waxaana uu sheegay in Dawladuna ay dhineceeda ka geysanayso wixii gar gaar ah.

 

Madaxweynaha ayaa waxa booqashadiisan ku weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Md.Cali Cigaal Afgaab iyo Agaasimaha guud ee Caafimaadka Md. Cabdi Qawdhan.

 

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka DGSPL ahna sii hayaha Xilka Madaxweynaha Md. Xassan Daahir Afqurac ayaa xafiiskiisa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay qaar ka mid ah Maamulka iyo Odayada Degmada Burtinle iyo qaar ka mid ah Beelaha Dega Gobolka Sool.

 

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan horumarka iyo wax qabadka Degmada Burtinle oo uu ka dhagaystay Maamulka iyo Odayada Degmadaasi waxaa uu ku dhiiri geliyay sidii looga fekeri lahaa horumarka Degmada iyo Dar dar gelinta Canshuuraha, taasoo uu sheegay inay hadii la sameeyo ay suuro gal ka dhigi karto in wax qabad la taaban karo ay ku tillaabsato.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxaa kale oo uu sheegay in adeegyada bulshadu ay yihiin kuwa ugu horeeya ee ay tahay in wax laga qabto isagoo carabka ku dhuftay Dhinacyada waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

Sidoo kale ayuu Madaxweynuhu la kulmay Maanta qaar ka mid ah Beelaha Dega Gobolka Sool, kuwaasoo uu kala hadlay in ay muqadas tahay jiritaanka iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya iyo weliba gaar ahaan Puntland waxaana uu sheegay in wacyi gelinta iyo ka gacan geysiga arrintaasina ay tahay mid looga wada baahan yahay Dawladda iyo Wax garadka guud ahaan reer Puntlandba.

 

Faa'isa Cabdi Dhalac

 

Radiossc,net

 

Garoowe, Puntland State of Somalia!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this