Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: clan sacks Taano his gang set up roadblocks to loot port [SHAME]

Recommended Posts

Isbaarooyin la soo dhoobay wadada isku xirta Dekeda & magaalada Kismaayo

 

Kooxo hubeysan ayaa markale waxaa ay jidgooyooyin hdigteen qeybo ka mid ah wadooyinka isku xira dekeda iyo magaalada Kismaayo.

 

Ayadoo guud ahaanba istaag tay dhaq dhaqaaqa guud ee marsada caalamiga ah ee magaalada kismaayo,Taa oo ay ka soco neysay howlo lagu dhoofinayay shixnado dhuxul ah sidoo kaleetana ay ka degayeen wayaabo la xiriira qutul daruuriga.

 

Intabadan marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa galabnimadii gelikii dambe ee shalayto ilaaiyo haween nimadi xalayto ilaaiyo waaberigii horey ee saakarto u xiran kooxo hubeysan waxana in tabadana kooxa haasi lasheegay in ay ka gadoonsan yihiin wax yaabo la xiriira xaga maamulka iyo sidookale tasiilaadka dhinaca mushaaraadka ciidamada dhoorjeeroo hare ayaa waxaa sidoo kaleeto magaarada Kismaayo

 

Jigooyooyin oo ay u dhigteen bartamaha magaalada kismaayo ayadoo aysan jirin cid wax kaqabatay marka laga reebo hogaamiyeyaasha dhinaca dhaqanka oo kalahadlay sidii ay jidgooyooyinkaasi uga qaadi lahaayeen goobaha ay maleeshiyooyinka hubeysan dhiteen balse haatan ciidamada boliseka magaalada kimaayo ay ka hoowlgalayaan qebo badan oo katirsan gobolada jubooyinka ayaa aysan jirin talaabo amaanka lagu sugayo oo ay kaga qaadeen kooxahaasi hubeysan

 

Sidii wax looga qabanlahaa xaalada amaan ee wadada dheer ee isku xirta dekeda magaalada kimaayo iyo gudaha magaalada balse imika ayaa waxaa soo kordhaya oo sii xoogeysanaya maleeshiyooyinka hubeysan ee bartamaha magaalada kismaayo jidgooyooyinka dhiganaya iyo israsaaseynta xiliyada maalintii ah oo ay sameynayaan kooxaha hubeysan ayadoo dhawaqa rasaastu ay ku sii xoogeysanaya qeybo kamid ah magaalada kismaayo oo aan lagaraneynin sababaha rasmiga oo ay maleyshiyooyinka hubeysan ay rasaata u ridayaan.

 

Ari mahani oo dhan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili todobaad yadii aynu ka soo gudubnaymagaalada kismaayo ay jireen kacdoono siyaasadeed oo islamarkaasina wax lagu ka labedelaayaay kubana wax lagu magacaabayay taasi oo beesha gacanta ku haysa magaalada kismaayo ay kadhexwaday gudaha magaalada

 

Aayadoo dadkakale ee magaalada ku sugan arimahaasi ay uga hadlayeen siyaabo kala gedisan dadka qaar ayaa sheegayay in arintaasi ay keeni kareyso isku dhaca markale ka abuuro gudaha magaalada Kismaayo sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay ee magaalada Kismaayo ay soo wajahaan marxalado ay soo dhameynayaan maleyshiyooyinka hubeysan ee gudaha magaalada Kismaayo

 

Maxamed Salaad Cabdule

 

SBC International Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha............ oo magacaabatay guddoomiye cusub ee Golaha siyaasadda

 

Posted by Kismaayo

Monday, December 31 @ 06:32:21 PST

 

 

Kadib shirar iyo kulamo isdaba joog ah oo tobankii cisho ee u danbeeyey ay magaalada Kismaayo ku yeelanayeen hoggaanka dhaqanka ee beesha **** G/J/hoose, kuwaasoo looga arrinsanayey soo magacaabidda Golaha siyaasadda ee beeshaasi kadib markii shaqadii laga eryey golihii siyaasadda ee uu hoggaamin jiray C/risaaq Faarax Cali Taanno ayaa habbeenimaddi xalay waxaa la magacaabay guddoomiye cusub ee Golaha siyaasadda.

 

Gudoomiyaha cusub oo loo magacaabay Ismaaciil Maxamed Nuur (Ismaaciil Qalinle), oo horay u ahaa madaxii dhinaca maaliyadda ee dekedda caalamiga ah ee Kismaayo ayaa odayaasha dhaqanka ee beesha **** waxaa ay sheegeen in magacabista mas'uulkan ay ka danbeysay kadib wadatashiyo xiriir ah oo duubabka dhaqanka iyo waxgaradka beeshu ay yeesheen, waxayna ku dhawaaqeen in si rasmi ah xilka looga xayuubiyey guddoomiyihii golaha siyaasadda C/risaaq Faarax Taanno.

 

Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee beesha ee J/hoose C/naasir Xasan Xirsi (Shaarib) oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan guddoomiye ku xigeenka golaha siyaasadda iyo xubnaha kamid noqon doona intaba golaha siyaasadda, wuxuuna kula dardaarmay guddoomiyaha cusub in xilkiisa si waafaqsan cadaaladda uu u guto, waxqabad la taaban karana uu soo bandhigo, isagoo ku hanjabay in guddoomiyaha cusub kalsoonida lagala noqon doona haddii uu ku guul dareysto gudashada xilkiisa.

 

Sikastaba ha ahaatee 21-kii bishan December ayey aheyd markii lakala diray Golihii siyaasadda ee uu madaxa uu ahaa Dr C/risaaq Taanno, waxaa sidoo kale xilligaasi shaqadii laga joojiyey guddigii dekedda maamulayey oo lagu eedeyey in ay lunsadeen hanti aad u fara badan, waxaana waqtigan la ogeyn in guddigaasi dib loo soo celin doona iyo inkale inkatoo warar aan la hubin ay sheegayaan in xubnaha guddiga dekedda dib loo soo magacaabayo, waxaana dhinaca cadeyn sida Dr C/risaaq Taanno uu ugu qanacsan yahay xilka laga qaaday iyo in uu la shaqeyn doona guddoomiyaha cusub Ismaaciil Maxamed Nuur (Ismaaciil Qalinle).

 

Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dekedda Kismaayo oo ay caadi ka noqotay maleeshiyooyinka xiranaya

 

Posted by Kismaayo

Monday, December 31 @ 22:45:26 PST

Dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo oo kamid dekedaha ugu waaweyn ee Somalia ayaa waayadan danbe waxaa caadi ka noqday maleeshiyaadka gadoodsan ee dalbanayo dhaqaale ama waxyaabo kale ka cabanayo ee hakadka galinayo howlaha shaqo ee dekedda, inkastoo markasta saacado kadib lagu guuleysto in laga furdaamiyo.

Falkii u danbeeyey ayaa xalay maqribkii maleeshiyaad ka careysan xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii Golaha siyaasadda ee beesha **** C/risaaq Faaax Taanno ay jidgooyo ku dhigteen afaafta hore ee dekedda, iyagoo joojiyey gaadiidka gala dekedda, kana soo baxa, waxaana gebi ahaanba istaagay howlihii dejinta iyo rarista ee ka socday gudaha dekedda Kismaayo.

 

Maleeshiyaadkan oo kamid ah kuwa deegaanka ayaa dalbanayo in Dr C/risaaq Taanno xilkiisa dib loogu celiyo, haddii kale ay sii heysan doonaan dekedda, oo ay sii xanibnaan doonta, waxaan soconayo dadaallo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka ee beesha **** oo lagu doonayo in maleeshiyaadka dekedda looga soo saaro.

 

Dr C/risaaq Faarax Taanno oo wax laga weydiiyey xirnaashaha dekedda ayaa sheegay in ay ku dhacday maamul xumo “Maleeshiyaadka waxaa ay ka kacsan yihiin maamul xumo iyo hoggaanka dhaqanka oo soo farageliyey golaha siyaasadda, marka dhibka yae ee jira waa la saxayaa” ayuu yiri Mr Taanno oo ku celceliyey faragelinta ay odayaasha ku sameeyeen maamulkii uu madaxa u ahaa.

 

Waxaa ay ku soo beegmeysaa xirashada dekedda ee maleeshiyaadka 24 saac kadib markii guddoomiyayaha cusub ee golaha siyaasadda beesha **** loo magacaabay Ismaaciil Maxamed Nuur ( Ismaaciil Qalinle), kaasoo waxyar kadib magacaabistiisii sheegay in uu wax ka qaban doona howlihii dekedda oo markii shaqada laga joojiyey guddigii dekedda isku dhaxyaacay.

 

Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliye maliishiyadeed Taano oo isbaaro dhigtay Kismaayo hakiyayna howshii dekedda kismaayo.

 

Maliishiyooyin ka amar qaata Taliye maliishiyadeedka lagu magacaabo C/risaaq Faarax Cali Taano ayaa waxaa ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee isku xirta bartamaha magaalada kismaayo iyo dekeda magaalada,waxaana ay taasi keentay in ay shaqadii dekedu joogtsato.

 

Maliishiyooyin ka amar qaata Taliye maliishiyadeedka lagu magacaabo C/risaaq Faarax Cali Taano ayaa waxaa ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee isku xirta bartamaha magaalada kismaayo iyo dekeda magaalada,waxaana ay taasi keentay in ay shaqadii dekedu joogtsato.

 

Odayaal ku abtirsada beesha Sede ayaa shalay gellinkii hore ku dawaaqay in ay hoggaan cusub u sameeyeen maamulka kismaayo,waxaana ay taasi keentay in uu caroodo Taliye maliishiyadeed Taano oo sheegan jiray in uu yahay Guddoomiyaha Kismaayo,kadibna uu isbaaro dhigto .

 

Saaka ma jraan howlo ka socda dekeda kismaayo,ma jiraan gaadiid galaya ama kasoo baxaya,waxana sidoo kale ku dhex xayiran shaqaalihii dekeda ku jiray markii maliishiyada Taano ay isbaarada dhiganayeen.

 

Waxaa soconaya isku dayo lagu doonayo in lagu xalliyo mushkiladan,hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa cida awooda u yeelan karta in ay qaado jidgooyadan oo maliishiyooyinka fadhiya ay si toos ah uga amar qaataan Cappo Deimalizie Taano.

 

Cappo Dei malizie Taano ayaa sheegay in odayasha Dhaqanka ee beeshiisu ay yihiin kuwo aan wax aqoon ah lahayn hadana u shaqeynaya sidii baarlamaan oo kale,xil ka qaadista ay ku sameeyeena ay tahay mid aan sharci ahayn oo aanu qabalaynin.

 

Wax yar kadib marka uu Sidaa yiri cappo Dei Malizie Taano,ayaa laga war helay jidgooyada ay maliishiyooyinkiisu dhigteen,waxaana haatan magaalada Kismaayo ka taagan xaalad kacsanan leh,lamana garanayo sida ay wax noqon doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlihii Dekada kismaayo oo ay hakad galiyeen maleeshiyo beeleedyo la wareegay dekadaasi

Sh, M network 01 Jan 08, 05:31

 

Mogadishu 01, Jan. 07 (Sh.M.Network)-Maleeshiyaadkan hubeeyasan ee ka soo jeeda beesha **** oo iyada gacanta ku heeysa maamulka magaalada Kismaayo ayaa waxaa galinkii danbe ee shalay irdaha isgu dhufteen guud ahaanba howlihii shaqo ee dekada weeyn ee Kismaayo.

 

 

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay wehliyaan xubno haween ah oo rasaas ooda kaga qaaday gawaaridii shixnadaha ganacsi ka soo qaadayay iyo kuwo dhuxul galinayay dekada Magaalada Kismaayo.

 

 

Arinta ayaa waxa ka hadlay mid ka mida siyaasiyiinta beesha ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaasi isla markaana ahaa gudoomiyihii hore ee gudiga siyaasada beesha **** C/risaaq Faarax Taano ayaa waxaa uu tilaamay in ay ku gudo jiraan sidii ay uga qaadi lahaayeen maleeshiyaadkaasi heeysta dekeda magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kale masuulkaasi waxaa uu meesha ka saaray in wax xil ah aan laga qaadin isaga odayaasha beesha sadena ay yihiin kuwo aan xilkas aheeyn lana donayo in isku shaandheeyn lagu sameeyo gudiga sare ee beesha **** oo uu isagu ka haa gudoomiyah siyaasada beeshaasi.

 

Waxaan uu xusay in soo lab laabashada maleeshiyaadka qabsada dekadaasi ay sabab u tahay qilaafka u dhexeeyay beesha ****.

 

 

Dadka odorosa siyaasada ayaa waxaay ku micneeyeen in maleeshiyaadka hakadka galiyay howlihi dekeda Kismaayo uu masuulkani ka danbeeyay isla markaan ay ka soo jeedaan isku jufo uun isaga ka danbeeyay shaqaaqooyinka ka dhacay dekadaasi.

Waxaa lagu wadaa in maalmah soo aadan la xaliyo qilaafaadka ka taagaalada Kismaayo ee la xiriira isqab qabsiga dhinaca dhaqaalaha ka soo xaroda dekada Magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, koleey Taano haddii laga qaado maxaad kaga farxi ku kale oo ina adeerki ah ayaa loo dhiibiye :D Kismaayana sidii ayeey gacanta Yeey/morganist supporters uga baxdaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke, it is very unfortunate that you all people would label a man like Dr. Abdirizaaq Faarax Taano, one of Somalia's leading intellectuals whose brother Axmed Faarax Taano (Idaajaa) is the world's leading Somali language writer, as a "gang leader". smile.gif

 

You cease not to amaze however. What is amazing is the fact Xiin and Jimcaale have not entered this topic before I. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer the man has a gang and his militia are occupaying the port of Kismayu. Even his clan elders have no confidance in him.

 

As for being a "Dr" its as fake as the title you gave him remmeber "governor" while gedonet called his "political chief of the clan for the Juba's" and now he is a gang leaders at odds with his clan elders, I care not for his brother being a famous man, it matters not I judge the man by his political actions and not the titles his clan militia give him. So far he is performing even worse than warlords like Qaynyare, Sudi & Hiiraale

 

Any how Gedonet, HornAfrik Shabbale are all reporting this.

 

Its a shame that this militia can not even run a small port like Kismayu's let alone a region Or even build an admin.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dekada Magaalada Kismaayo oo weli u xiran Maleeshiyaad beeleedyo hubaysan

Last Updated::2008-01-01 17:13:29

 

Kismaayo(HRNet):-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada hoose ayaa sheegay in xaalada Magaalada Kismaayo ay tahay mid cakiran iyadoo sababtu ay tahay Maleeshiyaad beeleedyo ay jidgooyooyin dhigteen Wadooyinka soo gala Dekada Magaalada Kismaayo.

 

Xaalad Magaalada ayaa waxaa kale oo saameeyey ka dib markii Maamulka Magaalada uu soo kala dhex galay khilaaf iyadoo Gudoomiyihii hore ee dhinaca Siyaasada Beesha **** C/risaaq Faarax Taano xilka gudoomiye nimada laga qaaday ka dib marii ay Odayaasha dhaqanka Beesha **** ay ku eedeeyeen in uu howshiisa gabay.

 

Maleeshiyaad taageersan Cabdisaaq Faarax Taano ayaa dhigtay jidgooyooyin wadooyinka soo gala Dekada Magaalada Kismaayo, iyagoo sheegay inaysan raali ka ahayan in Gudoomiye nimada laga qaaro Taano, walow ay odayaashu ku dadaalayaan inay ku qanciyaan Cabdirisaaq Taano inuu xilka iska wareejiyo.

 

Ganacsatada Magaalada Kiasmaayo qaarkood ayaa soo dhaweeyey in xilka laga qaado Cabdirisaaq Taano, khilaafka ayaa la garan karin inta uu gaari karo walow ay jiraan dadaalo farabadan oo loogu jiro in si nabad gelyo ah lagu dhameeyo wixii khilaaf ah.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn Adeer, I always found your pretentions claims to Kismayu ammusing. No more than IndaCade's claims over Lower Shabbele or Ahmed Diriye's over Shirkole officiale. :D

 

As for the new Year that was last night adeer..Do move on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Maleeshiyo beeleedka Kismaayo gacanta ku haya oo Isbaaro dhigtey Wadada Isku xirta Magaalada iyo Dekeda.

1. januar 2008

 

Kismaayo(AllPuntland)- Maleeshiyo Beeleedka gacanta ku haya Xarunta gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa Isbaarooyin dhigtey wadada isku xirta Dekeda weyn &Magaalada Kismaayo.

 

Maleeshiyaadkan ayaa ujeedkooda ku tilmaamay in ay tahay ,Mushaar la'aan heysatey in mudo ,ayagoo eedayn ujeedinaya Kooxaha gacanta ku haya ama Maamulaya dhaqaalaha ka soo xaroonaya dekeda Magaalada Kismaayo.

 

Kooxaha Isbaarada dhigtey ayaa diiday in ay Baabuurtu gudaha ugalaan dekeda ama ka soo baxaan ,ayagoo taasna ku macneeyey in ilaa lasiiyo dhaqaalaha ka maqan aysan taasi yeelayn oo ay Isbaaradu u ooleyso.

 

Odayaasha ay ka soo jeedaan Maleeshiyadan ayaa isku dayay xalinta arinta ,inkastoo warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay ku guuldareysteen waxa ayna tani horseedaysaa amaanka Magaalada Kismaayo oo ka sii dara.

 

Waxgaradka ayaa ka codsadey Maleeshiyada in ay Isbaarada qaadaan ,isla markaana lasiinayo dhamaanba dhaqaalaha ka maqan ,ayna la xaajoodaan masuuliyiinta ama taliyaasha ka sareysa oo ay sheegtaan lacagaha ka maqan.

 

Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada ayaa sheegaya in ay sidoo kale jiraan Khilaaf udhaxeeya Kooxaha magaalada gacanta haya ,inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah shaaca uga qaado Khilaafkan udheexaya Kooxahan.

 

Dhaqdhaqaaq guud ee dekeda ayaa maanta xiran mana jiraan ,wax ka dagey ama ka dhoofay Dekeda Magaalada Kismaayo,ayagoo ay horeyba uga dhoofi jireen dekeda waxyaabo ay dowlada Soomaaliya ka mamnuucday dhoofintooda Dekeda Soomaaliya.

 

Kooxahan ayaa ku doodaya in ay mudo badan dulqaadanayeen ,ayna sugayeen amaanka dekeda magaalada Kismaayo balse ay waayeen Mushaarooyin ka maqan mudo dheer ,tan iyo markii ay magaalada ka baxeen ciidamadii dowlada Soomaaliya aysan helin wax Mushaar ah.

 

Kulamo kala duwan oo ay leeyihiin Duqowda dhaqanka ayaa hada ka socda Xarunta gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo ,ayna kaga dhaadhicinayaan Madaxda dhaqaalaha maamusha in ay bixiyaan Mushaarka Maleeshiyaadka sugaya amaanka dekeda Kismaayo.

 

Wixii ka danbeeyey markii ay dowlada Soomaaliya ciidamadeedu ka baxeen Magaalada Kismaayo waxaa soo badanayay Isbaarooyinka Sharcidaradaa ee ay gobalka dhiganayeen Kooxaha Maleeshiyaadka ee Magaalada gacanta haya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this