Sign in to follow this  
Cowke

1.8 cent per minute Telephone calls for 27 Cities In Puntland

Recommended Posts

Cowke   

Cumar Ciise Maxmed (Cumar Faaruuq) madaxa suuq gaynta ee shirkada Golis Telecom

3_69.jpg

 

Shirkada golis oo Maanta shaacisay Qiimo dhimis horleh oo ay Sameysay

 

 

Waxaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta shirkada Golis telcom somalia masuuliyiinta sar sare ee shirkadaasi, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa mid lagu soo bandhigayay qiimo dhimis lagu sameyay Qiimaha ay ay ku hadalayaan 27 magalo oo ku yaal Puntland kuwaasi oo dhamaantood isku wici doono 2.4 cent, daqiiqadii,

 

Madaxa xiriirka caalamiga ah ee shirkada golis Faarax xaaji mire ayaa sheegay in ay arintani ku timid ka dib markii ay tixgaliyeen duruufaha haysta deeganada ay shirkada qondaysay Qiima badalkaan,

 

Madaxa xiriirka caalamiga ah ee shirkada golis Faarax xaaji mire.

 

Ka dib ay go’aansantay in macaamisheeda wax ka badasho qaabka ay isku wacayaan waxaana uu sheegay faarax xaaji mire in ay haatan tahay arintani qiima badalka ah mid si weyn wax uga taraya habka iswacida macaamisha shirkada Golis Telcom ee jooga deeganadan haatan lagu sameyay Qiima dhimista,

 

Sidoo kale madaxa xiriirka dadweynaha ee shirkada Golis Faarax xaaji Mirre ayaa intaasi raaciyay in qiimaha Gudaha ama Local-ka ee Landlin-ka shirkada Golis Telcom iyana wax laga badalay waxaana uu sheegay in ay ka dhigeen qiimaha cusub 1.8cent, daqiiqadii, Halkii uu horey u horey ka ahaa 2 cent , waxana macmiilku ku wacayo lineka iyo mobelka shirkada Golis Telcom somalia,

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay madaxa suuq gaynta ee shirkada Golis Telcom Cumar Ciise Maxmed (Cumar Faaruuq) oo isagu ka warbixiyay hab cusub oo SMS-ka shirkada golis loo isticmaalayo waxaanu Yiri:

 

“madama laga dhigay SMS-ka lacag shirkadu iyadoo baahida macaamisheeda tixgalineysa waxay go’aansatay in loo sameyo macaamisha Free SMS maalintii 2 jeer kaasi oo macmiilku ku dalban karo wicid ama dalbasho gurmad deg deg ah”

 

ugu danbentii waxaa ka mid ah meelaha afka uu ku dhuftay waxaa ka mid ahaa magaloyinka Caluula,Baargaal, xaafuun, Bursaalax,Baran,hadaaftimo, iyo deegaano badan oo ka mid ah deeganada ay ka howl gasho shirkada Golis Telcom somalia

 

waxaana la filiyaa in wax weyn ka tari doonto dadka degen deeganadaasi qiimo badalkan ay haatan ku dhawaaqday shirkada golis

 

Mohamed A rashiid

SBC International- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this