Cowke Posted February 9, 2010 Cumar Ciise Maxmed (Cumar Faaruuq) madaxa suuq gaynta ee shirkada Golis Telecom Shirkada golis oo Maanta shaacisay Qiimo dhimis horleh oo ay Sameysay Waxaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta shirkada Golis telcom somalia masuuliyiinta sar sare ee shirkadaasi, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa mid lagu soo bandhigayay qiimo dhimis lagu sameyay Qiimaha ay ay ku hadalayaan 27 magalo oo ku yaal Puntland kuwaasi oo dhamaantood isku wici doono 2.4 cent, daqiiqadii, Madaxa xiriirka caalamiga ah ee shirkada golis Faarax xaaji mire ayaa sheegay in ay arintani ku timid ka dib markii ay tixgaliyeen duruufaha haysta deeganada ay shirkada qondaysay Qiima badalkaan, Madaxa xiriirka caalamiga ah ee shirkada golis Faarax xaaji mire. Ka dib ay go’aansantay in macaamisheeda wax ka badasho qaabka ay isku wacayaan waxaana uu sheegay faarax xaaji mire in ay haatan tahay arintani qiima badalka ah mid si weyn wax uga taraya habka iswacida macaamisha shirkada Golis Telcom ee jooga deeganadan haatan lagu sameyay Qiima dhimista, Sidoo kale madaxa xiriirka dadweynaha ee shirkada Golis Faarax xaaji Mirre ayaa intaasi raaciyay in qiimaha Gudaha ama Local-ka ee Landlin-ka shirkada Golis Telcom iyana wax laga badalay waxaana uu sheegay in ay ka dhigeen qiimaha cusub 1.8cent, daqiiqadii, Halkii uu horey u horey ka ahaa 2 cent , waxana macmiilku ku wacayo lineka iyo mobelka shirkada Golis Telcom somalia, Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay madaxa suuq gaynta ee shirkada Golis Telcom Cumar Ciise Maxmed (Cumar Faaruuq) oo isagu ka warbixiyay hab cusub oo SMS-ka shirkada golis loo isticmaalayo waxaanu Yiri: “madama laga dhigay SMS-ka lacag shirkadu iyadoo baahida macaamisheeda tixgalineysa waxay go’aansatay in loo sameyo macaamisha Free SMS maalintii 2 jeer kaasi oo macmiilku ku dalban karo wicid ama dalbasho gurmad deg deg ah” ugu danbentii waxaa ka mid ah meelaha afka uu ku dhuftay waxaa ka mid ahaa magaloyinka Caluula,Baargaal, xaafuun, Bursaalax,Baran,hadaaftimo, iyo deegaano badan oo ka mid ah deeganada ay ka howl gasho shirkada Golis Telcom somalia waxaana la filiyaa in wax weyn ka tari doonto dadka degen deeganadaasi qiimo badalkan ay haatan ku dhawaaqday shirkada golis Mohamed A rashiid SBC International- Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 10, 2010 $1.8? What is 1.8 cent? What currency do they use? P.s. It just sounds funny how marketing is "suuq-geyn" in Somali LOL. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 13, 2010 Good Q,,, im still wondering what currences they r tlking abt. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 13, 2010 It is 0.6 here if we are talking about cents in the US currency ,,,,,,, 1.8 is too damn expensive man. Quote Share this post Link to post Share on other sites