Sign in to follow this  
General Duke

JOWHAR ........Kinsmen of Qaynyare stress support for TFG

Recommended Posts

Jowhar:Siyaasiyiin iyo ganacsato ku abtirsada beesha ....... oo soo gaaray xarunta kumeelgaarka Soomaaliya ee Jowhar.

- Wednesday, July 13, 2005 at 15:21

 

Jowhar(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay soo gaareen wafdi isugu jira ganacsato iyo siyaasiyiin caan ka ah magaalada Muqdisho.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in wafdigan uu hogaaminayo guddoomiye kuxigeenka dib udhiska iyo arimaha bulshada ee gobolka Banaadir Xaashi Dhabareey, waxaana kamid ah taliye kuxigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cismaan Faalko, waxaa sidoo kale weheliya wafdigan saddex xubnood oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho , waxaana kamdi ah, Maxamed Maxamuud Weheliye , Maykal Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Muxiyaddiin Siyaad Dhaqane.

 

Xubnahan ayaa imaatinkooda Muqdisho waxaa ku weheliyay gaadiidka dagaalka ee Tiknikada ah kuwaasoo ammaankooda sugayay , waxayna wafdigan ka yimaadeen magaalada Muqdisho.

 

Waxa si diiran usoo dhaweeyay xubnahan , qaar kamid ah labada gole ee DFKGS , waxayna isla markay tageen Jowharba kulamo la qaateen raysulwasaaraha Soomaaliya , Prof Geeddi, ayagoo uga warbixiyay xaaladda nololeed iyo midda ammaanka ee Muqdisho.

 

Waxay sheegeen inay aad u taageerayaan DFKGS ayna hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin dawladda Soomaaliyeed.

 

Xubnahan ayaa waxaa kamid ganacsade ay aad isugu dhawaayeen wasiirka amniga qaranka DFKGS Maxamed Qanyare Afrax.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wafdi La Socda Oo Gaaray Magaalada Jowhar.

 

Somaliweyn - Jowhar-Somalia - 13/07/05

 

Taliye xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cusmaan Falko iyo wafdi la socda ayaa soo gaaray magaalada Jowhar ee xarrunta caasimada KMG Soomaaliya.

 

Wafdidiga jeneraal Falko ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca dib-u-dhiska, iyo arrimaha Bulshada, Xaashi Maxamuud Caddow “Xaashi Dhabareyâ€

 

Sidoo kale waxaa xubnaha wafdiga ka mid ah xubno ganacsato ah oo ay ka mid yihiin Ganacsade Meykal Maxamed Faarax iyo ganacsade Maxamed Maxamuud oo labaduba ka mid ah ganacsato ay juffo hoose yihiin Maxamed Qanyare Afrax oo ah wasiirka Amniga Qaranka.

 

Xubnaha wafdigan ayaa la sheegay in ay kulamo gaar ah la qaadan doonaan Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Socdaalka xubnahan ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii kulan ay isugu yimaadeen wax garadka iyo aqoonyahanada Beesha ...... ay ka soo saareen baaq ay ku taageerayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo sidoo kalana qoraalkaasi ay beeshu ku sheegtay in aysan marnaba Beeshu Taageeri Doonin wax waliba oo wiiqayo Maqaamka Dowladeed ee ay Soomaaliya Maanta dib u yagleeshay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this