Jacaylbaro Posted November 15, 2010 “Waxaanu uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee tabarta daran inuu taakuleeyo falaagada Somaliland diidka ah ee ka soo jeeda Buuhoodle” xisbiga UCID Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaga hadlayaan dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin Maleeshiyada Buuhoodle ee Muqdisho ku sugan, Xaalada Nabadgelyo ee Dalka iyo Dooda Mooshinka Xadaynta Mushaharooyinka ee ka socota Golaha Wakiiladda. Xisbigu waxa uu wax aad looga xumaado ku tilmaamay mooshinka ku saabsan xeerka kala xadaynta mushaharooyinka iyo gunooyinka goleyaasha qaranka, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee doodiisu baryahanba ka socotay Golaha Wakiilada. Xisbigu waxa uu sheegay inuu aad ula yaaban yahay waxa keenay wakhtigan dooda ku saabsan xeerkan ee Golaha Wakiilada, taasoo ayaan darro ku tilmaameen. Xisbiga UCID waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta magaalada Hargeysa ka soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Muuse Xaaji Maxamed Guuleed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 15, 2010 From the Press release: Somaliland Diidka:- Waxaan uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee tabarta daran ee tiisiiba hanan-kari wayay inuu taakuleeyo falaagada Somaliland diidka ee ka soo jeeda Degmada Buuhoodle kuna sugan yihiin hadda Magaalada Muqdisho Madaxdoodu. Waxaan Xukuumadda ku baraarujinayaa iyadoo hore u fidisay googol nabaddeed in ay arrintaas ka midho dhaliso, waajibaadkeedana ka gudato, xuduudaha dalkana sugto. Quote Share this post Link to post Share on other sites