Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UCID Party Warns TFG

Recommended Posts

“Waxaanu uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee tabarta daran inuu taakuleeyo falaagada Somaliland diidka ah ee ka soo jeeda Buuhoodle” xisbiga UCID

 

Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaga hadlayaan dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin Maleeshiyada Buuhoodle ee Muqdisho ku sugan, Xaalada Nabadgelyo ee Dalka iyo Dooda Mooshinka Xadaynta Mushaharooyinka ee ka socota Golaha Wakiiladda.

 

Xisbigu waxa uu wax aad looga xumaado ku tilmaamay mooshinka ku saabsan xeerka kala xadaynta mushaharooyinka iyo gunooyinka goleyaasha qaranka, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee doodiisu baryahanba ka socotay Golaha Wakiilada.

 

Xisbigu waxa uu sheegay inuu aad ula yaaban yahay waxa keenay wakhtigan dooda ku saabsan xeerkan ee Golaha Wakiilada, taasoo ayaan darro ku tilmaameen.

 

Xisbiga UCID waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta magaalada Hargeysa ka soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Muuse Xaaji Maxamed Guuleed

Share this post


Link to post
Share on other sites

From the Press release:

 

Somaliland Diidka:-

 

Waxaan uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee tabarta daran ee tiisiiba hanan-kari wayay inuu taakuleeyo falaagada Somaliland diidka ee ka soo jeeda Degmada Buuhoodle kuna sugan yihiin hadda Magaalada Muqdisho Madaxdoodu.

 

Waxaan Xukuumadda ku baraarujinayaa iyadoo hore u fidisay googol nabaddeed in ay arrintaas ka midho dhaliso, waajibaadkeedana ka gudato, xuduudaha dalkana sugto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this