Saalax Posted January 18, 2010 SHIRKADA GAASTA LA SHITO EE SOM GAS OO XARUN CUSUB KAFURANAYSA CEERIGAABO SHIRKADA GAASTA LA SHITO EE SOM GAS OO XARUN CUSUB KAFURANAYSA CEERIGAABO {ceerigaabo}isu duwaha wasaarada horuumarintamiyiga iyo deegaanka oo saaka u waramayey sanaag .org ayaa u sheegay in ay gobolka soo gaadhey shirkad mageceeda la yidhaahdo som gas shirkadaas oo xarun cusub ka furan dooonta magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo waxa uu isu duwuhu intaa raaciyey in ay iska kaashadeen hawshaas wasaarada horumarinta miyiga iyo deegaanka ee gobolka sanaag iyo shirkadaas oo uu fadhigedu yahay magaalo madaxda jamhuuriyada somaliland ee hargeysa shirkadani waxay ka shaqayn doontaa xaga shooladaha ama gaasta la shito si loo yareeyo dhuxusha oo xaaluf ba'an ku haysa meelo badan oo ka mida gobolka sanaag gaar ahaan dhanka bari waxaa shirkadu u qaybindoontaa dadweynaha doonaya inay ku isticmaalaan waxyaaba ha ay karinayaan shoolado arintan ayaa ku soo beegmaysa xili xasuuq ba'ani ka socdo dhulka kaymaha ah ee gobolka sanaag arintaasoo aan wax lataaban karo ilaa hada aany ka qaban wasaarada ku shaqadaleh iyo cidii kale ee ka masuula deegaanka shirkadan oo haatan ka shaqaysa magaalada hargeysa ayaa la filayaa in ay adeegeegda gaadhsiiso dhamaan gobolada dalka waxaana xadhiga laga jaridoonaa todobaadka soo socda sida uu ii sheegay maxa wasaarada horumarinta miyiga iyo deegaanka ee gobolka sanaag xuseen cisman {xuseen talaahi} siciid axmed tamreyse xamaasnews ceerigaabo/sanaag/somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites