Sign in to follow this  
General Duke

PM Nur Cade meets with UN's Ban Ki Moon

Recommended Posts

Addis Ababa: RW Soomaaliya oo la kulmay Ban Ki-Moon.

 

1. februar 2008

Addis Ababa(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ka qeybgalaya Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa ee iskugu tagey Magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbay Ban Ki Moon oo ay ka wada hadleen xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde ayaa usheegay Ban Ki Moon in ay dowladiisu dooneyso in ay wax ka qabato guud ahaan Soomaaliya ,ayna wada hadal iyo nabad umarta waxyaabaha badan ee horyaala ayna ubaahan tahay in ay beesha Caalamku gacan ku siiso dadaalkaasi.

 

Raysalwasaaruhu wuxuu sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya la tacaaleyso hada Nabadgalyada iyo gargaarsiinta Kumanaan dad ah oo ka cararay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ,isagoo sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay wada hadalo loo dhan yahay ufurilahaayen.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midowbay Ban Ki Moon ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan sugida amaanka Soomaalida ,isagoo sheegay in ay waajib ku tahay dowlada Faderaalka in ay Soomaaliya gaarsiiso doorasho xor ah sannadka soo socda ee 2009-ka ,markaasoo uu sheegay in looga baahan yahay Muwaadin walba in uu doorto ninkii rabo.

 

Ban Ki Moon wuxuu tibaaxay in ay Qaramada Midowbay dooneyso dowlad leh Awood buuran oo dhinac walba leh ,ayna ku jiraan Kooxaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ka soo horjeeda isago markaasi sheegay in ay UN-ku taageerayaan Xukuumada Cusub ee hada lasoo dhisay ,taasoo uu sheegay in ay wax ka qaban karto nabadgalyo la'aanta Soomaaliya.

 

Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale lugu soo qaaday Weerarkii lugu dilay Shaqaale ushaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed kana mid ahaa Hay'ada Dhaqaatiirta Aan Xuduuda laheyn ee MSF.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this