General Duke Posted February 1, 2008 Addis Ababa: RW Soomaaliya oo la kulmay Ban Ki-Moon. 1. februar 2008 Addis Ababa(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ka qeybgalaya Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa ee iskugu tagey Magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbay Ban Ki Moon oo ay ka wada hadleen xaaladaha dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde ayaa usheegay Ban Ki Moon in ay dowladiisu dooneyso in ay wax ka qabato guud ahaan Soomaaliya ,ayna wada hadal iyo nabad umarta waxyaabaha badan ee horyaala ayna ubaahan tahay in ay beesha Caalamku gacan ku siiso dadaalkaasi. Raysalwasaaruhu wuxuu sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya la tacaaleyso hada Nabadgalyada iyo gargaarsiinta Kumanaan dad ah oo ka cararay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ,isagoo sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay wada hadalo loo dhan yahay ufurilahaayen. Xoghayaha guud ee Qaramada Midowbay Ban Ki Moon ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan sugida amaanka Soomaalida ,isagoo sheegay in ay waajib ku tahay dowlada Faderaalka in ay Soomaaliya gaarsiiso doorasho xor ah sannadka soo socda ee 2009-ka ,markaasoo uu sheegay in looga baahan yahay Muwaadin walba in uu doorto ninkii rabo. Ban Ki Moon wuxuu tibaaxay in ay Qaramada Midowbay dooneyso dowlad leh Awood buuran oo dhinac walba leh ,ayna ku jiraan Kooxaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ka soo horjeeda isago markaasi sheegay in ay UN-ku taageerayaan Xukuumada Cusub ee hada lasoo dhisay ,taasoo uu sheegay in ay wax ka qaban karto nabadgalyo la'aanta Soomaaliya. Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale lugu soo qaaday Weerarkii lugu dilay Shaqaale ushaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed kana mid ahaa Hay'ada Dhaqaatiirta Aan Xuduuda laheyn ee MSF. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites