Cowke Posted June 19, 2010 Qaliin indhood oo ka bilowday Badhan Hawlo Qaliin indhood oo Tabarucaad Ah ayaa Kabilowaday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalaga Badhan Waxaa mudooyinkaba kasocday cusbitalka weyn ee magaalada badhan hawlo indho fiiqid ah iyadoo dadbadanina ay is diiwaan gesheen kudhowaad ilaa 600 oo qof,balse markii lakalashaandheeyey dadka qaliinka ah iyo kuwakaleba ayaa tirada dadka qaliinka ubaahani waxaa aynoqotay 110 qof,hadaba sakaa oo ahayd subaxnimo jimce aha abaaro 7:00 am subaxnimo ayaa waxaa kabilaabmay hawshii qaliinka iyadoo tirada haweenka ee indhaha loofiiqay ay dhamayd 65 halka tirada raguna ay ahayd 45 nin .barnaamijkaan indho fiiqada ayaa ah barnaamij tabarucaad ah oo ayfulinayso hayaada MANHAL. mana ahan markii ugu horeysey ee haayda manhal ay hawlo qaliin oo tabarucaad ah ay ka fuliso guud ahaan gobalkaan gaar ahaan degmadtan badhan ,kalhore aye markii hayada manhal ay hawlo qaiin guud ah ay kafulisay gobolka .sidoo kale warayi kooban oo uusiiyey Dr.shiin (SP) oo aha dhaqtarka iminka hawshaan wada ayaa waxa uu uu sheegay inay meelo badan oo gobolka ah sii mari doonaan sida magaalada xingalool oo ay ku wajahanyihiin beri galab hadii alaha awooda lihi ogolaado.dhankakale warysi aan uu webka (SP) layeeshay maamulaha cusbitalka Axmed Jibriil Cali ayaa waxaa uu sheegay in hawshu si wacan usocoto wallow uu sheegay in isaga iyo shaqaaluhuba aanay seexan muddo 2 habeen ah hawsha oo badnayd awgeed . Axmed Maxmed (findhe) Quote Share this post Link to post Share on other sites