Dhuujiye Posted August 23, 2009 Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kaga dhawaaqay in laga furay Koofurta Galkacyo Xafiiskii Waaxda Socdaalka. Dr, Cumar C/rashiid oo kula kulmay Koofurta Galkacyo Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay laga furay Koonfurta Galkacyo Xafiiskii Socdaalka Dowladda. Kulan uu kula qaatay Koonfurta Galkacyo Mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug ayuu u cadeeyay in Xafiiska Socdaalka uu si rasmiga uga howl galayo, isla markaana uu qabanayo howlihii lagama maarmaanka ee bulshada ee ku aadanaa dhanka socdaalka. Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid horu mar ah, maadaama loo fududeeyey arrimaha socdaalka iyo qaadashada baasaboorka E-Passport ee ay soo saarto dowlada KMG Somalia. Maamulka Puntland ee ka arimiya Waqooyiga Galkacyo ayaa diiday in Hal Xafiis laga hirgeliyo Magaalada, waxaana ay ku cataabeen in aanay aqbaleyn arrintaas oo ay cambaareynayaan. Magaalada Galkacyo ayaa u kala qeybsan labo qeybood oo ka jira Labo Maalmood waxaana magaalada tahay mid leh Qad Cagaaran oo maamul walba iskiis uga howl galo labada gedi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wacdaraha_aduunka Posted August 23, 2009 War meeshu ma Berlin tii hore baa cajaa'ib Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted August 23, 2009 lol...arkeysidaa...p lus xaafiis Socdaal maxaa lagu falayaa toloow ma dadka deggan baa la rabaa inay wada dhoofaan? Then magaalada becomes one Berlin...lol...I think there are other things that are more important than that... Quote Share this post Link to post Share on other sites