Sign in to follow this  
osman_nz

Puntland Crowning of New Garaad

Recommended Posts

osman_nz   

Garaadka Cusub oo ay Caleema saarteen Beesha Reer Xaaji ee Axmed Herti.[Dishiishe]aya a Munaasibad balaadhan oo ujeedkeedu ahaa Caleema saarka Garaad Maxamed Aadan Finiin waxay ka dhacaday Tuulada Yalho oo magaalada Bosaaso u Jirta 45-Km, Caleema saarka Garaadka ayaa waxa lagu sheegay inay ahayd mid aad u Heersaraysa.

 

 

Caleema saarka Garaadka waxa Joogay Boqolaal Kun oo Ruux kuwaasi oo Maalin ka Hor loo Qaybiyay Waraaqaha Casuumada [invet Cards], dadkaasi ayaa isugu Jiray Aqoonyahano, Culamo, iyo Isimo, siyaasiyiin iyo qaarka mid ah Bulshada Rayidka ah.

Ugu horayn waxa lagu Furay Munaasibada Caleema saarka quraanka Kariimka ah, waxana Halkaasi ka soo jeediyay Arday aad u Cod Macaan,

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxa Halkaasi Khudbad ka soo Jeediyay, Nabadoon Yaasin Xuseen Cali, oo aad ugu dheeraaday heerka aqooneed uu u leeyahay Garaadka Cusub.

Nabadoonka ayaa xusay in Garaad Maxamed Aadan Finiin uu yahay nin Macquul ah isla markaana xilka Maanta loo Caleema saaray uu ka soo Bixi karo

 

iniin waxay ka dhacaday Tuulada Yalho oo magaalada Bosaaso u Jirta 45-Km.

Caleema saarka Garaadka waxa Joogay Boqolaal Kun oo Ruux kuwaasi oo Maalin ka Hor loo Qaybiyay Waraaqaha Casuumada [invet Cards], dadkaasi ayaa isugu Jiray Aqoonyahano, Culamo, iyo Isimo, siyaasiyiin iyo qaarka mid ah Bulshada Rayidka ah.

 

 

Ugu horayn waxa lagu Furay Munaasibada Caleema saarka quraanka Kariimka ah, waxana Halkaasi ka soo jeediyay Arday aad u Cod Macaan,

 

 

Intaasi ka dib ayaa waxa Halkaasi Khudbad ka soo Jeediyay, Nabadoon Yaasin Xuseen Cali, oo aad ugu dheeraaday heerka aqooneed uu u leeyahay Garaadka Cusub.

Nabadoonka ayaa xusay in Garaad Maxamed Aadan Finiin uu yahay nin Macquul ah isla markaana xilka Maanta loo Caleema saaray uu ka soo Bixi karo.

 

Nabadoonka ayaa Cadeeyay in Maanta laga Bilaabo ay Taageero la Garab Taaganyihiin Garaadka Cusub ee ay Beeshu Isku Raacday, waxana uu ka codsaday Isimadii kale ee meesha Joogay iyo kuwa ka Maqanba ee Warbaahinta ka Maqlidoona inay Taageeraan Garaadka.

 

 

Sidoo kale waxa Halkaasi isna Hadal ka soo Jeediyay Nabadoon Salaad Barkhad Qablan [ Codka] waxana uu Cadeeyay inuu Taageersanyahay Garaad Maxamed Aadan Finiin oo Maalinimadii Jimcaha lagu Caleema saaray Magaalada Yalho, Nabadoonka ayaa Farta ku Fiiqay inuu Garaad Maxamed Aadan Finiin ku Haboon yahay in Masiirka Beesha iyo tan Puntland-ba wax wayn ka qaban Kara.

 

Dhanka kale waxa Garabka Nabadoonka Munaasibadaasi ka hadlay Nabadoon Faarax Siciid Shabelle, isaga oo ku Nuux Nuuxsaday in Garaadka Cusubi uu ku soo Beegmay xili looga Fadhiyay inuu shaaciyo, Garaadnimada taasi oo uu sheegay inuu Uga Gol leeyahay in Garaadka uu yahay Shakhsiga kaliya ee Bad Baadin Kara Maslaxada Beesha iyo tan Guud ahaan Puntland.

 

Ugu danbayntii waxa Nabadoonada Halkoodii soo Gunaanaday Nabadoon Siciid Maxamed Maxamuud [ Siciid Cade] oo isna sheegay inuu Taageersan yahay Garaadka Cusub.

 

 

Docda Aqoonyahanad ayaa Munaasibada Garaadka lagu Caleema saarayay waxa hadal ka soo Jeediyay Dr- C/qaadir Yuusuf Daahir,waxana uu aad ugu dheeraaday Muhiimada ay leedahay ka soo qayb galka Caleema saarka Garaadka Cusub ee Maxamed Aadan Finii, Dr-ka ayaa u sheegay Martidii Halkaasi lagu Casumay inay waajib tahay in la Taageero Ruux kasta oo markaasi laysla Garto inuu ka shaqaynayo Nabada iyo Maslaxada Umada Reer Puntland.

 

 

Xidhitaankii Xafladaasi ayaa waxa si Guud loo Caleema saaray Garaadka kaasi oo uu Cimaada Cad ee lagu Yaqaan Isimada uu Saaray wakiil ka socday Boqorka Daaruud oo lagu Magcaabo Maxamed Siciid Yuusuf Boqor [ Indha Cadays] waxana uu Markiiba si Macquul ah ugu dhawaaqay in La Caleema saaray Garaadka Beesha Reer Xaaji [Axmed Herti Boqorka ayaa Farta ku Muday in saacada laga Bilaabo ay dhamaan Isimada iyo Nabadoonada Gobolada Puntland si Wanaagsan ula shaqeeyaan Garaadka Cusub.

 

 

Garaadka Cusub ee Maxamed Aadan Finiin ayaa Mikirifoonka lagu soo dhaweeyay waxana uu sheegay inuu aad ugu Hanbalyayno, dhamaan dadkii Munaasibadaasi soo Ajiibay, Garaadka ayaa aad ugu dheeraaday inuu Ogsoon yahay Xilka Maanta loo Idmaday Culayska uu Leeyahay, isaga oo isimadii Halkaasi Joogay ka Codsaday inay la shaqeeyaan oo ay la Garab Galaan ka shaqaynta Amaanka iyo Isu soo dhawaanshaha dhamaan Beelaha Gobolada Puntland.

 

 

Isku soo wada duuboo, Munaasibadaasi ayaa waxay ku soo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan, iyada oo dhamaan dadkii

Read article and see pictures here.

http://www.qardho.ne t/news.php?readmore= 114

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this