Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: Somali leader meets top officials.

Recommended Posts

cabdullahi_nairobi_visit.jpg

 

Nairobi: Madaxweynaha Dowladda KMG oo kulan kula yeeshay Nairobi Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya

10. November 2007

 

Nairobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii labaad ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi kulamo kula leh Madaxdda dalka Kenya iyo qeybaha kale ee beesha caalamka isagoo sidoo kale la kulmay wakiilka Xoghayaha guud ee Q.Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah.

 

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha gargaarka iyo sidii dowladda ugu qeyb qaadan laheyd gaarsiinta shacabka Soomaaliyeed gargaarka bini'aadanimo ee ay bixinayaan hey'addaha samafalka, sidoo kale labada mas'uul ayaa waxay isla soo qaadeen magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub kaasoo uu sheegay Ahmedou Ould-Abdallah in uu noqdo mas'uul mudan xilkaasi.

 

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyihii shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdisho isagoo kala hadlay mirihii ka soo baxay shirweynihii dib u heshiisiinta iyo sida loogu baahan yahay in la meel mariyo.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ayaa magaalada Nairobi ka wada wadatashiyo ku aadan magacaabista mas'uulka noqon doono Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ay dadaal ugu jirto in Madaxweynuhu uu magacaabo mas'uul heyta kalsoonida qabaa'ilka Soomaalida kasban karana shacabka, noqona Ra'iisul Wasaare ku daneysta xilka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay ergayga UN-ka ee Somalia

 

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Ahmedu Ould Abdullaah.

Kulankaasi labada mas’uul yeesheen waxa uu ku saabsanaa wadatashiyo la xiriira magacaabista ra’iisal wasaaraha xukuumadda ee laga sugayo madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed inuu si deg deg ah ku soo magacaabo.

 

Waxaa kaloo ay kulankooda uga wadahadleen arrimaha bani’aadamtinimada ee dalka Soomaaliya oo madaxweynuhu uu ka codsaday ergaygu in Qaramada Midoobay si deg deg ah gargaar u soo gaarsiiso dadka tabaaleysan.

 

Mr. Ahmadu waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar la tahay gargaarka samafalka, hase yeeshee ay ka doonayaan dowladda kmg ah inay fududeyso halkii ay mari lahaayeen shaqaalaha gargaarka sida.

Labada dhinacba waxay ballan qaadeen inay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahan yahay.

 

Dhinaca kale ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu la shiray Cali Mahdi Maxamed guddoomiyaha shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

 

 

 

SBC International

 

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

<img src=" a>

 

 

th_45729_med16_122_627lo.jpg

 

 

He is responsible for the above and many more attroctities. Clan bigots who support him in this savagery will account for their support as well in a time I hope they can not repent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

First kindly remove the pictures of the dead. It is against the rules.

 

Adeer the clan bigots robed and lived on other peoples land. They waged wars for 17 years and fought every government for those past years,

they even defamed the faith.

 

Adeer think first before you act irrationally

 

Those who waged wars should think about the consequences.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xoogsade, Forgive me but I am under the assumption that you took this Somaliaonline site too seriously as a platform you can convey our grievances. We know Somalia is under brutal Ethiopian invasion. Mustn't you lose your restraint and let emotion overcome you and twist your thoughts and wise thinking.

 

We need to be united first to form effective defense forces to liberate our country. I am very positive that Ethiopia's invasion is being supported by Somalis of every clan whether they are in Mogadisho or outside of Mogadisho. If you charge one clan alone and let other clans in Mogadisho such as the Ab-gal and others off the charges, many of us would construe with a reasonable degree of assurance it as unfair charges with no ethical and rational measure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this