Sign in to follow this  
Liibaan

QADISIYA jihaadka aan waajibka ku aheyn bay/bakool oolaga rabo inlaga wado mogdsiho

Recommended Posts

Liibaan   

QAADISIYA:

Abuu mansuur oo sheegay inuusan raali ka noqon doonin in xabad ka dhacdo gudaha gobalada Bay iyo bakool maalin kadib markii uu ku dhawaaqay in jihaadku sii socon doon

 

 

waxey aheyday markii la maqlay in qoladii xaabsade uu hormuudka u ahaa laga siidaayay magaalada baydhabo markii koxda shabaab halkaas gaartay balse waxaa kale oo soo baxay arin kale oo la filayey

Abuu mansuur ayaa maalmihii ugu danbeeyay wuxuu ku sugnaa gobalada Bay iyo bakool wuxuuna halkaas kulamo kulayeeshay saraakiil ka tirsanaa xubnihii halkaas maamulaaye taasoo ugu danbeyn ay fasaxeen,

 

 

xubnahaas ayaa waxa ay saldhig ka sameysteen degmada xudur ee xarunta gobalka bakool ayagoo watay gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo ay kala tageen magaalada baydhabo xiligii ay ka bxayeen halkaas.

 

 

waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo ay wadeen maalmihii la soodhaafay qolooyinkii deganaa xudur laakin waxaa mar qura si cad u sheegay abuu mansuur inuusan raali ka noqon doonin in dagaal uu ka dhaco gobalada bay iyo bakool asagoo sheegay inuu u damqanaayo maatida goladaas degan.

 

 

warkaan ayaa wuxuu ku so beegmayaa maalin kabcdi markii uu ku dhawaaqay inuu dagaalka sii socon doono loogala soo horjeedo dowladda madaxweyne shariif horkacaayo.

 

 

waxaa su'aal ah oo dadka reer mogdisho iswaydiinayaan jihaadka aan waajibka ku aheyn bay iyo bakool oo laga rabo in laga wado mogdsiho muxuu yahay?

 

 

ma laba jihaad ayaa jirta mase mid uun ? sow sheekh mukhtaar kuma dhawaaqinin jihaadka in la wado mase maatida bay iyo bakool xaq gaar ah ayey leeyihiin oo aysan laheyn kuwa mogdsiho degan oo u dhabar adaygay laba sano oo jihaad iyo qax ah?

 

 

waa su'aal u baahan in jawaabteda la helo balse waa muuqan kartaa waxa socda waxaase talo u taalaa reer mogdisho iney noqdaan ma liibaanayaal lagu libaano iyo iney dib u eegid ku sameeyaan waxa socda.

 

 

 

 

 

 

 

QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maamulka Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya oo jawaab kasoo saaray Hadal Abuu-Mansuur uu sheegay in looga sheegay Qaadisiya in lagu soo qoray.

waxaa la daabacay Thu 12 Feb 2009 07: 57: 24

Maamulka Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisya ayaa jawaab kasoo saaray War been abuur ah oo Afhayeenka Xarakada Alshabaab uu ka sheegay shabakadda.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu eedeyn ugu soojeediyay qeybo kamid ah warbaahinta Gudaha dalka ka hawlgasha iyo web site-yo ay kamid tahay Shabakaddani Islaamiga ah ee Qaadisiya.

 

 

Sheekh Mukhtaar waxa uu yiri markii uu ka hadlayay eedeynta Warbaahinta una yiri hadalkiisa sida tan “Ishaacaadka Internetka iyo meel walba la galinaayo oo ay idaacado qaarkood ay sheegeen ama inaan la kulanay ama inaan Shuruudo u sheegnay ama waxaas oo dhana waa been”. Isaga oo intaasi ku daray in dadkii wax ka sheegay waxna ka qoray ay kamid yihiin Idaacadda Shabelle, Waagacusub iyo Web site-ka Qaadisiya oo la ii sheegay in iyaguna ay wax ka qoreen ayuu yiri Sheekh Mukhtaar.

 

 

Ugu horeyn sida uu u hadlay marka aan kasoo yara qaadano waxa uu yiri = waxaa la ii sheegay = Nin Sheekh ah oo ilaaheey wax baray miyay ku haboon tahay in uu ka hadlo wax loo sheegay maadaama isagaba uu leeyahay ereygaasi ah =waxaa la ii sheegay= waa wax marka sida dhabta ah loo hadlo laga wanaagsan yahay.

 

 

Ugu horeyn Warka uu sheegay sheekhu iney tahay been oo Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya oo uu ku eedeeyayna aysan qorin dhib malahan maadaama uu sheegay in loo soo sheegay waxaan ugu cudur daareynaa inuusan isticmaalin internet-ka oo beenaale u sheegay Sheekha.

 

 

Mida labaad war aan la hubin ma wanaagsana qof masuul ah inuu sheego waliba isaga oo ku daraya =waxaa la ii sheegay= waayo Allaah Subxaanahu watacaalaa waxa uu leeyahay "In jaa'akum faasiqun binaba'in fatabayanuu” Sidaasi daraadeed Sheekha isaga oo aanan hubsan ayaa sida muuqata jawaab isaga soo bixiyay waana aan ka xun nahay hadaannu nahay Maamulka Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya.

 

 

Sidaasi daraadeed Maamulka Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya oo ogol mar waliba wixii dhaliil ah oo loosoo gudbiyo in ay qaataan dhaliishooda ayaa marnaba aanan ogolaaneynin in war been abuur ah laga sheego oo hadana warbaahinta laga faafiyo iyada oo la adeegsanayo eregya la ii sheegayda ah.

 

 

FG : Riix Xiriiriyahani si aad u aqriso warka loo sheegay Abuu-Mansuur ee dhaliyay in uu ka been abuurto Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya, una aqri sida uu u qoran yahay iyo sida isaga uu leeyahay waa la iigu sheegay, waad Mahadsantihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this