Sign in to follow this  
SOO MAAL

160 Xildhibaan oo ka Tirsan labada Gole ee Dawladda oo soo Saaray baaq aay ku cambaar

Recommended Posts

SOO MAAL   

160 Xildhibaan oo ka Tirsan labada Gole ee Dawladda oo soo Saaray baaq aay ku cambaareeynayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka .

Somaliweyn (Nairobi ,April 1,2005)

 

 

 

 

Waxaa shalay magaalada Nairobi ku dhammaaday shir labo maalmood socday oo aay ka qaybgaleen 160 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada ,shirkaas oo shalay dhammaadkiisii aay xildhibanadu soo saareen baaq aay ku saabsan shilkii dhawaan ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliyeed Gudihiisa waxaayna cambaareeyn usoo jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaankaoo aay ku eedeeyeen in uu masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacday Baarlamaanak dhexdiisa .

Mudane xasaan Abshir Faarax oo shalay u waramayey BBC-da laanta afka Soomaaliga wuxuu yiri:

â€Shalay shirki dhacay waxaan ka soo saarnay baaq aan ugu sheegayno ummadda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in shirkii fadeexadda ahaa oo lagu ceeboobay ,baarlamaanka Soomaaliyeedna aay gacantu kala gaartay in uu masuul ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ,sidii la rabayna uu u wadiwaayey â€Mudane Xassan Abshir wuxuu sheegay in xildhibaanadu ku eedeeyeen Guddoomiyaha in uu Mooshinkii Dawladdu aay baarlamaanka soo hordhigtay oo ku saabsanaa masiirka ummadda Soomaaliyeed oo ahayd in la diido ama la yeelo Waxyaabaha umaddu aay la fajacday waa guddoomiyaha oo keenay mashruuc kale oo dhawr iyo toban qof aay wataan â€.Mudane Xassan Abshir wuxuu sheegay in kalfadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka aanay ka dhicin wax doorasho ahi ee uu dagaal ka dhacay ,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka la rabay in uu shirka xiro markuu arkay in dhibaato ka taagan tahay sida xeerku dhigayo wuxuuna ku dhawaaqay war ah la diriro oo dagaalama arintaas oo noqotay mid aanu un adkayasnwaynay ayuu yiri Mudane Xassan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

30 xildhibaan oo uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka oo maanta Muqdisho soo gaaray

(Sawiradii laga soo qaaday)

 

 

 

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho 30 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka federaalka uuna horkacayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golahaasi Cusmaan Cilmi Boqorre, waxeyna ka soo dageen garoonka diyaaradaha N0 50 ee gobolka Sh/hoose, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen qeybo kala duwan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir iyo gobolka Sh/hoose.

 

 

Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay sidii gacan looga geysan lahaa nabadeynta Muqdisho, gogol xaarna loogu noqon lahaa mas’uuliyiinta sare ee dowladda, isagoo tilmaamay in ay ku biiri doonaan wafdiga hordhaca ahaa ee ka tirsanaa baarlamanka federaalka, maalmahanna ku sugnaa magaalada Muqdisho.

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayey u noqonaysaa markii 2-aad ee uu Muqdisho soo gaaro, uuna soo hoggaamiyo wufuud noocaan oo kale ah, kana tirsan baarlamanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana xubnaha la socday ka mid ahaa C/kariin Axmed Cali, Yuusuf Mire Max’ud (Seeraar), Cali Baashi Xaaji Max’ed, Qamar Aadan Cali iyo xubno kale.

 

Boqorre waxa uu sheegay in la buun buuniyay khilaafka la sheegayo ee u dhexeeya xukuumadda & baarlamaanka, isla markaasina khilaafka hadda jira uu yahay mid u dhexeeya baarlamaanka iyo xukuumadda lana dhammeyn lahaa haddii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geeddi ay dib ugu soo laaban lahaayeen magaalada Nairobi, halkaasoo fariisin KMG u ah dowladda federaalka.

 

Kulanka soo dhoweynta wefdiga ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha & duqa magaalada Muqdisho C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) & Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye) oo labaduba sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan xubnaha dowladda ee maanta Muqdisho soo gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this