Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts anger at the world.. maybe a Jihad on the UN

Recommended Posts

The Clan Courts threats keep coming, maybe a clan Jihad on the UN security council is in order?

 

 

Indhacadde oo hanjaabd u jeediyay Ciidamada la doonayo in lasoo galiyo Soomaliya.

 

Muqdisho:-Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa siyaabo kala duwan uga warceliyay go'aanka kasoo baxay Golaha Amaanka ee la xiriira qaadista qeyb ahaan xayiraada hubka ee dalka Somaliya iyo in dalka ay soo galaan ciidamo Shisheeye.

 

Masuuliyiinta Xagga Amaanka u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in xalad deg deg ah ay kusoo rogayaan goobaha ay ka taliyaan si markaasi looga hortago ciidamada la sheegayo in ay imaanayaan dalka Somaliya,oo ay sheegeen dagaal furan in ay la gali doonaan.

 

Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde oo Maxkamadaha Islaamka dhinaca Amaanka u jooga ayaa ku tilmaamay go'aankaasi ahaa mid lagu wiiqayo dadaalada nabada ee dalka Soomaaliya ay ka wadeen Maxkamadaha isaalmka iyo amnigi dalka ay kusoo dabaaleen.

 

Waxaana uu Indha Cadde wacad ku maray Soomaaliya in ay noqon doonto qubuuraha ciidamada shisheeye hadii ay kusoo xadgudbaan dhulka Soomaaliya,isagoo ka digay dhibaabto ku faafta geeska Africa hadii dagaalo laga huriyo gudaha dalka Somaliya.

 

Indhacadde ayaa isugu horay ugu hanjabay in dalka Soomaaliya uu ugu yeeri doono dagaalyahano shisheeye oo ah waxaa loogu yeero argagixisada caalamiga ah, waxaana hadalkaas ka xumaaday madaxda maxaakiimta midoobay.

 

Sidoo kale masuuliyiin katirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa si weyn u canbaareysay qaraarka QM waxaana ay ku tilmaameen mid lagu doonayo mar kale in mugdi lagu galiyo mustaqbalka Shacbiga Somaliyeed oo mudo 16 sano ah waayay taageerada Beesha Caalamka, waa sida ay yiraahdeene.

 

Dalalka Caalamka ayaa indhaha ku haya dhaq dhaqaaqyada ka soconaya Somaliya,ka gadaal markii Maxkamadaha Islaamka Somaliyeed ay ku dhawaaqeen in Somaliya ay ku marti qaadi doonaan dagaaliyahanada Muslimiinta Caalamka si ay uga qeyb galaan difaacista diinta islaamka.

 

Xafiiska Waayaha.net ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh Shariif"Ciidamada la doonayo in dalka Somalia la keeno waxaan u argnaa inay yihiin Gumaysi waxayna la kulmi doonaan,waxaysan maskaxdoodu...

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha golaha fulinta ee Midowga Maxkamadaha ayaa maanta gaashaanka ku dhuftaygo'aankii xalay ay QM ka soo saareen Somaliya ee lagu sheegayey in Ciidamo nabad ilaalineed loo diro Somalia.

 

Gudoomiyaha oo maanta u waramayey Aljazeera ayaa sheegay in Go'aankani uusan ka iman QM ee ay soo gudbiyeen labada dowladood ee Ethipia iyo Maraykanka oo uu ku sheegay inay waligood ahaayeen Cadowga Somalia iyo Islaamkaba guud ahaan.

 

Sheikh Shariif isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri"Maraykanku wuxuu doonayaa inuu umadda Somaliyeed ka aarsado dhibaatadii loo gaystay sannadkii 1993gii xilligii uu ciidamada dalka Somalia keensaday,Itoobiyana isagay wakiil u tahay.

 

Dhinaca kale Itoobiya ayuu Sheikh Shariif aad u weeraray wuxuuna sheegay inay markii horana hogaamiye kooxeedyadii wadanka joogay hadana waxay u ololaynysaa in dalka lasoo weeraro.

 

Mar la waydiiyey waxay damacsan yihiin Maxkamaduhu go'aankaan ka dib ayuu sheegay inaysan marnaba Ciidan shisheeye aysan dalka Somalia u ogolaanayn,sidoo kalana wuxuu ugu baaqay dalalka Afrikaanka ah ee inaysan Ciidamo usoo dirin Somalia,cidii diidana ay cawaaqib xuno iyo halaag ay la kulmi doonaan waa siduu hadalka u dhigaye.

 

"Ciidamada la doonayo in dalka Somalia la keeno waxaan u argnaa inay yihiin Gumaysi iyo isticmaar hor leh,waxayna la kulmi doonaan waxaysan waligood ilaawin,Cidii doonaysa inay na caawiso waxaan ugu baaqaynaa inay wada hadalka iyo si nabadi ku jirto inay noo caawiyaan ayuu Sh.Shariif oo hadalkiisa caro xoogan laga dareemayey.

 

Axmed Xayrdaac

 

Waayaha.net-London-UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiinta maxkamadaha oo walaac ka muujiyey qaraarka Q/midoobey ee ku aaddan arrinta soomaaliya.

 

Last Updated::2006-12-07 19:07:42

 

Muqdisho:-Guddoomiyaha midowga maxkamadaha Muqdisho Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday inuu go'aanka xalay la gaaray uu yahay mid Maraykanka ka yimid ee aysan beesha caalamku u dhamayn

Guddoomiyaha midowga maxkamadaha Muqdisho Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday inuu go'aanka xalay la gaaray uu yahay mid Maraykanka ka yimid ee aysan beesha caalamku u dhamayn.

 

Guddoomiye Shariif wuxuu xusay in go'aankan la ansixiyay uusan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed, balse sida uu hadalka u dhigay uu dan u yaha Itoobiya.

 

Shekh Shariif wuxuu sheegay inaysan Maxkamaduhu ogolaan doonin in dalka ay yimaadaan ciidamo nabad ilaalin ah , noocay doonaan ha ahaadaane.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la dagaallamaan haddii dalka ay soo galaan ciidamo nabad ilaalin ah .

 

 

Dhinaca kale C/raxmaan Cali Muuddeey oo ah afhayeenka maxkamadaha ayaa ka dhawaajiyay go'aanka qaramada midoobay uu yahay fal shaydaan .

 

Muudeey oo u waramayay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in go'aanka la gaaray uu Soomaaliya u ogolaanayo inay hesho hubka casriga ah , oo ay ku difaaci doonaan naftooda.

 

Wuxuu af hayeenku sheegay in hubka la fasaxay inaysan ka caaganaan doonin maxkamaduhu oo ay hubkooda la imaan doonaan, asagoo intaasi raaciyay in haddaba ay hub ku filan haystaan.

 

Shirka dib u heshiisiinta mar uu ka hadlayay Sheekh Muudeey wuxuu sheegay inay ka fiirsan doonaan ka qayb galkiisa

 

Maxamed Maxamuud welcome

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think anything has hurt the SICU and their supreme leader as much as the "Jihad" call.

It showed the fakery even to their arab friends, who were banking on them.

 

Why is it that I have never seen a blonde, blue eyed white supermacist. Those KKK red necks are all with the darkest hair, at best brown eyes otherwise dark eyes, never taller than 5 feet five inches lol (the criterion of white supermacists I am using), the missing tooth or scarface can be poverty lol.

 

In Uganda Koney says he is a prophet to kidnap young girls for sex slavery, cut lips and hands or nose after he and his "christian" soldiers are done with them and his eritrean help and training is not enough so he can'f fight in a territory, but jump to his arab masters enclave in sudan or disappear to congo jungle at the slightest possibility of confrontation.

 

History has shown a lot of imposters that claimed they are the Mahdi. "colonel" Aweye will not be the last doing it in some corner of the world.

 

The fakery has been exposed and rightly challenged. Religious leaders have called him the imposter and followers now have nick named him the Mugadishu fake Mahdi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^They do not understand anything. These courts are great for advancing the TFG interest.

Also they are great calling damp people on the planet for USC/ICU interest in the name of Deen and Sovernity of Somalia which is a baseless claim. If they are for advancing Somalia or Deen interests they should not be rushing for war against most peacefull places in Somalia such as Puntland and Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this