Sign in to follow this  
Liibaan

Markii dhawr Faranji saaka u tageen ayuu yidhi waan khaldanaa,

Recommended Posts

Liibaan   

'Somaliland Oo Dhan Baa Madaxweynaha U Sheegtay Inuu Ku Khaldan Yahay Arrintaa.. Markii Saaka Dhawr Faranji U Tageen...' Muj. Muuse Biixi

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 31 March, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Muj. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku tilmaamay cafiska Madaxweyne Rayaale ku siidaayey suxufiyiinta Haatuf mid ay ku qanciyeen oo uu ka ogolaaday dad ajnebi ah, kadib markii uu ka dhega-adaygay shacbiga Somaliland oo dhan.

 

Muj. Muuse Biixi oo Khamiistii la hadlayey weriyayaasha, kadib markii suxufiyiinta Haatuf ee la soo daayey lagu soo dhoweeyey Hargeysa, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu soo dhoweynayo suxufiyiinta Haatuf ee xorriyadooda loo soo celiyey.

 

"Xisbiga KULMIYE wuxuu si farxad leh u soo dhoweynayaa qorayaasha Haatuf ee loo soo celiyey xorriyaddooda iyo guddoomiyahaba, waanuna soo dhoweynaynaa, " ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

"Waxa kaloon raacinayaa, waxa la yaab leh Madaxweynaha Dalka Somaliland oo dhan baa u sheegtay arrintaa inuu ku qaldan yahay oo uga ergeysey, wuu diidey. Markii dhawr Faranji saaka u tageen ayuu yidhi waan khaldanaa, " ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Muuse ma sheegin waxa uu uga jeedo "dhawrka Faranji", balse waxa la filayaa inuu u jeedo weftigii ka socdey Midowga Yurub ee shalay booqashada ku yimi dalka, kuwaas oo la filayo in ay soo dedejiyeen cafiska Madaxweynuhu ku shalay ku siidaayey suxufiyiinta Haatuf.

 

"Halkaasi waxay ina tusaysaa qiimaynta ummaddu ugu fadhido iyo qiimaha uu ugu fadhiyo inan yar oo Faranji ah, " ayuu raaciyey.

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this