Cowke Posted October 31, 2009 Faroole:”Ciidamada Amniga Puntland ayaa Qabtay Afarta Wiil oo Eriteray lagu soo Tababaray” October 30, 2009 filed under Cabdiraxmaan Maxamed Muuse ( Ilakcase ) Horseed Media Garowe, Puntland Waxaa maanta qudbad taabanaysa dhinacya badan Salaada Jimacaha Kidib ka jeediyay Masaajidka AL-HUDA oo ka mid ah Masaajidada ku yaala Magaalada Garowe ee caasimada Puntland Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole waxa uuna kaga hadlay arima kala duwan oo u badnaa amaanka deegaanada Puntland. Madaxwaynaha oo u qubadeenayay Boqolaal dad ah oo ka soo qaybgalay tukashada Salaada Jimcaha ayaa ku bilaabay qudbadiisa safaradii uu ku tagay bilihii aan ka soo gudbnay Magaalooyinka Gaalkacyo, Bosaaso, iyo dalka dibadiisa waxa una sheegay in socdaaladaa ay dhamaan ahayeen sida uu hadalka u yiri kuwa guulo ku soo dhamaaday. Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shaqaaqooyinkii maalintii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kuwa oo sababay dhimasho iyo dhaawc waxa uuna sheegay in uu aad uga xun yahay Dadkii Dagaaladaa wax ku noqday, islamarkaana uu tacsi u dirayo eheladii Dadkaa ay ka geeriyoodeen,waxuuna tilmaamay in uu xariir la sameeyay Maamulka Gobalka Mudug islamarkaana u sheegay in xaalada la qaboojiyo oo wada hadal lugu dhameyo waxa keenay isku dhaca labada dhinac. ” Dadka dega Gobalka Mudug, waa dad diris ahaa muda dheer, waxaana looga baahan yahay in nabadgalyo ku wada nooladaan, oo isla ilaaliyaan amaanka Gobalka wixii wax u dhimaya ay isku meel uga soo wada jeestaan maxaa yeelay dagaal dhibaataa ka dhalata ee Khayr kama dhasho” sidaa waxaa yiri Madaxawaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Farole. Madaxawaynaha ayaa sidoo kale xili uu ka hadlayay Dadka Barakacayasha ee ku soo qaxay Deegaanada Puntland waxa uu sheegay in mudooyinkii ugu danbeeyay ay ku soo kordhayeen Puntland dad barakacayaal ah kuwaa oo ka soo baxsaday dagaalada kooxaha hubaysan iskaga soo horjeedaan Gobalada koofureed ee Dalka Soomalia hasa ahtee waxa uu sheegay Madaxwaynuhu in dadkaa ay soo kor dhiyeen waxyaabo aan caafimaadka ku wanaagsanayn sida nadaafadooda oo liidata asagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yiri “Sida aad la socotaan waxaa ku sugan Puntland Dad barakacayaal ah oo ka so qaxay dagaalada ka socda koofur, asbuucii tagay waxaa Garowe yimid wafdi ka socda QM kaa uu hugaaminayay Marka Bowden oo ah uqaabilsanaha Arimaha Bini Aadanimada Qaramada Midoobay, Aniga iyo Mark Bowden waxaa kor meer ku tagnay laba Xero oo ka mid ah goobaha Dadkaa ay ku nool yihiin waana isla aragnay waana u sheegnay in Puntland intaa ka badan qaadi karin marka gooba dadka ay ku nooladaan ayaa loo samayn doonaa hadii Alla idmo” sidaa waxaa yiri Mdaxwayne Farole. Madaxweyne Farole ayaa sidoo kale sheegay xili uu ka hadlayay dhanka nabadgalayada in Puntland ay ku nool yihiin dad Soomaali kala duwan ah islamarkaana ka soo jeeda Qabaa,ilada kala duwan ee Soomaalia, hasa ahtee waxa uu tusaale u soo qaatay Dadka asal ahaan ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida Ethopia waxa uuna sheegay in Dadkaa ay yihiin Dad walaala la ah Puntland in badan oo ka mid ahana ay ku nool yihiin Puntland oo ay ka ganacsadaan. Laakiin waxa uu tilmaamay xili uu ka hadlayay Uruurka ONLF oo ah Urur ka dagaalama Ismaamulka Soomaalida Ethopia ayuu carabka ku dhuftay in Puntland aysan aqbali doonin in laga tageero gudaha Puntland ama looga adeego Dakada wayn ee Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari waxa uuna intaa sii raaciyay Madaxwaynuhu in dhawaan Ciidamada Amniga ay qabten Afar ruux oo ka soo socdaaly Dalka Yeman isla markaana Tababaro ku soo qaatay Dalka Eriteriya sida uu hadlka u yiri Madaxawyanaha oo arimahaa ka hadlayay waxana arintaa lugu ogaaday ayuu yiri baaritaano lugu sameeyay Dukumintiya ay wateen. Madaxwayanaha ayaa ugu danbayntii Qudbadiisa ku soo gabagabeeyay baaq oo u diray Shacabka Puntland waxa uuna uga baaqay in Nabadgalyada Gobalka ka shaqeeyaan oo ay la shaqeeyaan Laamaha Amaanka si looga hortago buu yiri wax kasta oo Amaanka lid ku ah, amaan darina keeni kara, waxa uuna sidoo kale ku baaqay in dagaalada ay joojiyaan beelaha ku dagaalamaya qayba ka mid ah Gobalada Puntland, oo si nabadgalya ah lugu dhameeyo wax la isku maan dhaafsanyahay. Qudbada Madaxwaynaha oo aheed mid waqti badan qaadatay ayaa ka mid ahayd Qudbadaha uu ka jeedin jiray Masaajidada Puntland lakiin Qudbadaan oo ahayd Qudbad ay sugayeen Dadweynah Reer Puntland si guuxa Dadweynaha iyo Masaajidada ka socday ay uga badasho fagradii ay ka qabeen Arimaha Madaxweynahu ka hadlay maanta. Horseed Media. Quote Share this post Link to post Share on other sites