Jacaylbaro Posted January 1, 2009 Hargeysa(Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaalle Kaahin ayaa Caawa Dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan ummada caalamka ku nool, gaar ahaana shacbiga Somaliland dhalshada sanadka cusub ee miilaadiga awgeed. Madaxweyne Rayaale oo Caawa dadweynaha kala hadlayay Telefishanka Qaranka waxa uu Illaahay uga rajeeyay ummada Caalamka iyo shacbiga Somaliland inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bashbash, Barwaaqo, Nabad iyo Horumar. Sidoo kale waxa uu shacbiga Somaliland Madaxweynuhu ugu hambalyeeyey qaabkii geesinimada lahaa ee ay uga qayb qaateen Hawshii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo ka qabsoontay Shan gobol oo ka mid ah lixda gobo lee Wadanka, iyadoo haatana ay gobolkii ugu danbeeyay qabanqaabadiisu socoto. Quote Share this post Link to post Share on other sites