Sign in to follow this  
General Duke

President Cade Muse courts are a clan nothing more meets with Mudug leaders..Pic

Recommended Posts

GAALKACYO : Cadde Muuse "Yaa iminka la barayaa Shahaadada Maxkamaduhu waa Qabiil"

Posted to the Web Nov 04, 16:05

 

 

Gaalkacyo:-Cadde Muuse Xirsi M/waynaha DG Puntland oo ka qaybglay Kulan aad u ballaaran oo looga hadlay ammaanka oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta dawladda , Issimo iyo Waxgarad aad u badan oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in aan isaga iminka aan la barayn Shahaadada oo uu Islaam yahay Maxkamaduhuna ay yihiin qabiil islamarkaasna aysan qabsan Karin Puntland.

 

 

Waxaa dagaalku noogu socdaa waa qabiil ma aha dagaal diimeed waa beel doonaysa in ay beel qabsato war dalkiina difaaca oo iska daaya isqabqabsiga dhexdiina ah.

 

 

 

 

DFKS

Maxaa lagu diidan yahay DFKS ? waxaa lagu diidan yahay waxaa madax ka ah oo M/wayne ka ah Nin ******* ah sidaas baa lagu diidan yahay.

 

 

Cadde Muuse wuxuu waxba kama jiraan ku sheegay in Beesha Maxamed Cumar ay Maxkamad ay samaysatay islamarkaasna Nin Idaacad ka hadlay uusan ma tali Karin beesha oo dhan , inta badan beesha Maxamed Cumar dalka ha joogeen ama dibada ha joogeene waa ay nala soo xiriireen waxayna noo sheegeen in aysan Maxkamad samaysanayaan oo ay teegeersan yihiin maamulka Puntland.

 

 

Waa wax la buunbuuninayo oo aan waxba ka jirin , dhowr daqiiqo ka hor waxaa la ii sheegay in gudaha magaalada ay ka socdaan dhowr shir waxaas oo dhan waxba kama jiraan waa been waa wax la abuurayo , kuwaa mar dhawayd ii sheegayay in ay Maxkamaduhu ay soo socdaan meel dhow yay yihiin dadka ay u soo socdaan oo ay qabsan karaan yaa carari jiray yaase la qabsan jiray.

 

 

Cadde Muuse wuxuu sheegay in uu magaalada Gaalakcyo uu iminka u tagay si u hubiyo difaaca dalka balse aysan jirin wax kale oo mashaqaaqo ah oo ka jira gudaha Puntland.

 

 

Axmed C/salaam

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Culumaa'udiinka iyo Madaxda gobalka Mudug (Daawo Sawiro)

Last Updated::2006-11-04 16:36:36

 

Gaalkacyo:- Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi

ayaa xalay ka qaybgalay xaflad aad loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen golaha degaanka ee degmada Gaalkacyo oo lagu qabtay Hotel Gaalkacyo.

 

gaalkacyo_Xaflad_031106_1.jpg

 

 

Xaflada ayaa waxaa kaloo ka soo qaybgalay golaha Wasiirada, Xildhibaano, culama-udiin, nabadoono, ururada dhalinyarada, haweenka iyo maamulka gobolka iyo kan degmada iyo weliba dadweynaha magaalada Gaalkacyo.

 

Hadaba ujeedada xafladan ayaa ahayd xogwaraysi dawladda iyo ka soo qaybgalayaasha, arrimaha nabadgelyada hadaba.

 

Ugu horrayntii ayaa waxa furay kulankaasi guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ahna sii hayaha xilka duqa degmada Gaalkacyo.

 

Wuxuuna sheegay ujeedada xafladan iyo waxa ay xambaarsan tahay, wuxuuna ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Mudug oo aan isagu si kooban uga hadlay xaflada iyo arrimaha looga goleeyahay, kadibna hadalka kusoo dhoweeyey Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ammnigga Axmed Cabdi Xaabsade.

 

Wasiirka ayaa waxa uu halkaasi ka akhriyey wareegto uu Madaxweynuhu soo saaray oo ka kooban dhowr bayj, kaasi oo ka hadlayaayey cid alaale iyo ciddii nabadgelyada Puntland wax u dhimaysa in sharciga la soo taago oo aanay jiri doonin cid dib dambe loo baryaayaa.

 

Wixii hadda ka dambeeyana ay tahay xaalad degdegah.

 

Wareegtadan ayaa waxa ay ku socotay Wasiirka Arrimaha Gudaha, xeer ilaaliyaha dawladda, ku simaha taliyahay Booliiska, Taliyaha Sirdoonka Puntland ee PIS.

 

gaalkacyo_Xaflad_031106_2.jpg

 

Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yusuf ayaa isna waxa uu ka hadlay safarkii shaqo ay dibedda u tageen iyo shirkadaha ay heshiiska la soo galeen iyo xaaladda nabadgelyada.

 

gaalkacyo_Xaflad_031106_7.jpg

 

gaalkacyo_Xaflad_031106_9.jpg

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay nabadoono iyo culimo oo dhammaantood sheegay in jiritaanka iyo nabadgelyada Puntland ay tahay wax waajib ah, dad muslin ah waannahay oo hadda diin nala bari mayo markaa waxaan leenahay in dadka u hanqal taagaya meelo kale ay ka waantoobaan.

 

Waxa xafladaasi sidoo ka hadlay qaar ka mid ah ururka haweenka iyo mas’uuliyiin kale.

 

Ugu dambayntii ayaa waxa kulankaasi ka hadlay madaxweynaha DGPL Mudane Madaxmuud Muuse Xirsi ayaa ugu horrayntiiba uga mahadceliyey mas’uuliyiintii kulankan soo qabanqaabisay iyo shacabka gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday arrimaha nabadgelyada iyo sidii laysu difaaci lahaa dalkeennana aan u ilaashan lahayn, isku soo wada duubo xafladdaasi ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi nabadgelyo iyo isafgarad.

 

Faisa Cabdi Dhalac

HorseedNet.com - Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde Muuse: ‘Dawlada FKMG Somaliya waxaa looga soo horjeedaa qabiil ee maahan siyaasad kale”

Posted to the MOL November 4, 2006, 6:40 am

 

 

Gaalkacyo:- Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Boqor ayaa xalay dadka Gaalkacyo kula hadlay xaflad ay soo qabanqaabiyeen golaga deegaanka Mudug ee dhawaan la doortay. Xafladaas oo ujeedadeedu ahayd sidii loo adkayn lahaa nabad galyada gobolka Mudug oo kooxaha maxakamada Islaamiga ee Muqdishu sheegeen inay weerar ku soo yihiin ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiinta gobolka Mudug.Ugu dambeyntii waxaa halkaas qodbo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse.

 

Maxadweynaha ayaa sheegay inuu magaaladaan gaalkacyo fadhiyay bil ka badan dhawaan si uu u hubiyo nabad galyada iyo difaaca magaalada Gaalkacyo. Mar walbana uu waqti kasta oo loo baahan yahay galinayo si arintaas uu u hirgaliyo.

 

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay maxkamadaha Muqdishu kuwa qabiil wax ku doonaya oo shaati diineed wata. Maxay ku diideen inay kula heshiiyaan dawlada KMG ah ayuu yiri Cadde Muuse. Waxay kaliya oo ku diideen ama uga soo horjeedaan waa qabiil weeye ee maahan qadiyad iyo siyaasad ka duwan dawlada waxa ay uga soo horjeedaan.

 

Madaxweyne Cadde ayaa sheegay inaysan jirin wax maxkamada Islaami ah oo gaalkacyo laga furay. Nin baa idaacadaha ka hadlay haatana magaalada waa uu ka cararay ayuu yiri isagoo ka hadlayay maxkamad dhawaan uu magaalada Gaalkacyo ugu dhawaaq nin ka mida beesha Cumar maxamuud oo maxkamadaha Muqdishu soo direen.

 

Qudbada madaxweynaha ayaa dadka reer gaalkacyo aad ugu riyaaqeen, iyadoo madaxweynaha lagu yaqaan siyaasi aan waxba qarin oo runta banaanka soo dhiga taasoo dadka siyaasad ahaan ka soo horjeedaa aad u neceb yihiin.

 

 

 

 

 

Mudugonline.com

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

That's the way politicians should be, straightforward and to the point. Everyone knows it; we have always said look at the so-called court leadership and decision-makers. I don't see any diversity among it. They've had time to appoint other Somalis from different regions to their top posts, but nope they still haven't. The endless attempts to take other peoples land has to stop. They should try and use diplomacy for once.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cade Muuse "kuwii maxkiimta ku dhawaaqay Muqdisho ayey u carareen"

 

waftigii_pund_8.jpg

 

Somaliweyn (Boosaaso, 05.11. 2006)

 

Cade Muuse madaxweynaha Puntland oo mudo dhowr bari ah kusugan wadanka gudihiisa ayaa iminka kusugan galkacyo halkaasi oo uu khodbad kajiiyey hotelka taar city ee magaalada galkacyo madaxweynaha oo dhawaan wadanka kusoo laabtay ayaa mudo gaaban isu maray magaalooyinka boosaaso garoowe galkacyo oo inta ba kajeediyey khodbooyin xasaasi ah waxaana u danbeysey khodbadii uu habeynimadii xalay ka jeediyey taar city hotel khodbadaasi oo uu inta badan culeyska ku saaray rag sheegey inay maxkamada ka fureen magaalada galkacyo balse uu sheegey inay carareen.

 

Dhawaan ayey ahayd markii maxkamad lagaga dhawaaqay magaalada Galkacyo maxkamadaasi oo aan ilaa iyo iminka la arkin meel ay ku talaa iyo cidii ku dhawaaqdey balse khodbadii madaxweynaha oo dhinacyo badan taabatay ayey kamid ahayd waanu lasoconaa ku maxkamadaha ku dhawaaqey hadana u cararey muqdisho hadii ay gobolada puntland ku soolabtaana sharciga ayaa lala tiigsanayaa waxaana lagu qaadaya ciqaab dil ah.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa iminka wada olole uu ku doonaayo inuu isugu keeno beelaha puntland oo lasheegey inay qeyb kamid ah wadaan sidii ay ugu birii lahayeen maxkamadaha isagoo shirar kala duwan laqaatey odayaasha iyo waxgaradka gobolka mudug iyo waliba madaxda ku jirta puntland oo kasoo jeeda gobolka mudug waxaana uu kala hadlayaa amaanka puntland waxaana uu ku adkeyey wax kaqabad amaanka gobolka mudug ay iminka kajiraan labo maamul.

 

Cade Muuse ayaa magalooyinka uu tagey intii uu soolabtey warbixinadii uu ka jeediyey waxaa uu kaga hadlaayey intoo badan mashaariicda iyo wax qabadka xarmo badan oo dhismayaal kasocdaan iminka oo uu kamid yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada boosaaso oo iminka uu dhisme xoogan kasocdo iyo waliba howlaha macdan baarista oo sida uu sheegey shirkado baaraya macdanta uu heshiis lasoo galay waxaa kale oo uu sheegey madaxweynuhu inuu tagey wadanka malaysia halkaasi oo uu u tagey howlo ganacsi isaga iyo ganacsato kasocota rugta ganacsiga Puntland waxaana ay kulamo laqaateen jaaliyada somaliyeed ee halkaasi ku sugan.

 

 

Iidle Macalin omar

 

iidle_007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this